DKMG ah oo Baaq ka Soo Saartay Colaadda Mudug

Medeshi| VOA|


DKMG ah oo Baaq ka Soo Saartay Colaadda Mudug

Dowladda KMG ah ayaa magacowday guddi ka soo kala jeeda beelaha ay dirirtu ku dhexmarayso gobolkaasi.

Qoaraalkaasi ayaa lagu magacaabay guddi isugu jira xildhibaano iyo wasiiro ka soo kala jeeda labada beelood ee gobolka Mudug wada dega. Guddiga xalinta colaaddaasi loo xilsaaray waxaa hogaaminaya ra'iisal wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga Cabdishakuur Sheekh Xasan Faarax.Qoraal ka soo baxay xafiiska ra'iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa baaq loogu jeediyay beelaha ku dagaalamaya gobolka Mudug.
“Sida taariikhda xuseyso Midnimo, Wada jir iyo Iskaashi ayay ummaddaha adduunku uga gudbaan aafooyinka ku dhaca, annaga oo ah ummad Islaam ah waxaa lagama maarmaan ah in gobol iyo degmo walba laga sameeyo Rabbi tuug si naxariista eebe aan uga gudubno dhibaatadaasi” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska ra'iisal wasaare Farmaajo.
baaqan dowladda KMG ah ee ku aadan colaaddaasi waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac ee dirirtu u dhaxeyso uu dhinacba dhinaca kale ku eedeeynayo inay colaadda hurinayaan.

Bookmark and Share

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay