War deg deg ah: Mudaharaad Ceerigaabo ka dhacay.

Medeshi


War deg deg ah: Mudaharaad Ceerigaabo ka dhacay.
WEDNESDAY, 29 SEPTEMBER 2010
Ceerigaabo,(Togdhnews)- Waxa goordhawayd gudaha magaalada Ceerigaabo ka dhacay mudaharaad ay soo qaban qaabiyeen dhalinyaro is urursatay kuwaasi oo ka cadhaysan raga gaarka ah ee ay xukumada Siilaanyo sida gaarka ah xayiraada ugu soo rogtay.
Mudaharaadkan ayaa waxa iskaga horyimid booliska iyo dhalinyardaas gadoodsan, waxana ay boolisku xabsiga u taxaabeen tiroba inta la noo xaqiijiyay hal qof.
Dhanka kalana waxa jira kulan balaadhan oo xayiraadaasi lagu canbaaraynaayo oo ka socda beerta xoriyada ee magaalada Ceerigaabo oo ay isugu tageen ama ay ka hadlayaan hal doorkii gobolka Sanaag, taasi oo ay kaga soo hor jeedaan xayiraada  iyo daba gal lagu soo rogay shan ka mid ah xukumadii hore ee Somaliland oo isku beel qudhaata ka soo wada jeeda.
Wararka oo dhamaystiran iyo waxii lagaga hadlay waxa aanu idiin soo gudbin doonaa xoogaa ka dib, marka ay soo dhamaadaan hadaladan ka socda beerta xoriyada Ceerigaabo.
Kacdoonada sidani ah ayaa ilaa xalay laga dareensana bariga Hargysa iyo Galbeedka Burco iyo magaalada Oodweyne kuwaasi oo ay ka dhex muuqdeen xubno hore uga tirsanaan jiray xisbiga Kulmiye xiligii ololahiina si xoogan ugu ololaynaayay Siilaanyo, kuwaasi oo ku tilmaamay sheekada ay xukumada cusubi la timid mid iska hor keenaysa umada.
Dhanka kalena wasiirka warfaafinta ayaa qabanaaya shir jaraa'id oo uu kaga hadli doono mawqifka xukumada iyo sida ay wax yihiin.
togdheernews

Bookmark and Share

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay