Taliyeyaasha Mileteriga Iyo Bileyska Oo Soo Bandhigay Hub Iyo Dhukumanti Ay Ka Qabteen Ciidan Lagu Qiyaasay 250 Nin Oo Tababar Ku Soo Qaatay Eriteria, Kuna Hareeraysan Yihiin Ciidamada Somaliland Iyo Itoobiya

Medeshi


Taliyeyaasha Mileteriga Iyo Bileyska Oo Soo Bandhigay Hub Iyo Dhukumanti Ay Ka Qabteen Ciidan Lagu Qiyaasay 250 Nin Oo Tababar Ku Soo Qaatay Eriteria, Kuna Hareeraysan Yihiin Ciidamada Somaliland Iyo Itoobiya
Hargeysa, September 14, 2010 (Haatuf) – Taliyeyaasha Ciidamada Qaranka ee Milateriga Iyo Booliska, Nuux Ismaaciil Taani iyo Cilmi Rooble Fure (Cilmi Kabaal) ayaa si wada jir ah xalay usoo bandhigay Hub iyo Ducumenty ay ciidamada qaranku ka qabteen Kooxo hubaysan oo si qarsoodiya uga soo dagay xeebta galbeed ee u dhaxaysa Lughaya iyo Saylac, kuwaas oo si qarsoodi ah loogu qaaday Buurta Maar-maar ee xuduudka Somaliland iyo Itoobiya u dhexeeya.
Kooxdan oo tababar ku soo qaadatay dalka Eriteria ayaa sitay saanad Milateri oo ay ka mid yihiin Baasuukaha, Kimiko iyo qoryaha fuddud.
Labada taliye waxa ay sidaa ku sheegeen shirjaraa’id oo ay xalay ku qabteen xarunta C.I.D-da ee magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ciidamada Somaliland iyo kuwa Itoobiya ay ku hareeraysan yihiin, isla markaana saacadaha soo socda Ciidamadu halwgalkaa la soo afjari doono.
Ugu horayna taliyaha Ciidanka Bileyska Cilmi Rooble Fure oo ka hadlaya arinkaas waxa ka mid ahaa hadalkiisii oo uu yidhi “Meesha u dhaxaysa Lughaya iyo Saylac oo taariikhdu ay ahayd bishan 10-kedii, maantana ay tahay (shalay 13 ay ahayd), halkaa waxa ka soo degay Ciidan lagu qiyaasay ilaa laba boqol iyo konton ugu yaraan, saddex Baabuur oo kuwa Naytiinka ah ayaa loogu geeyey si qarsoodi ah ayay saddexdii Baabuur u soo qaadeen meesha Jidhi la yidhaahdo oo ciidamadayadu joogaan bay soo gaadheen, baabuurtuna baabuurti la garanyey ee Milixda soo guri jirtay bay ahayeen, ciidankii Kantaroolka joogayna waxa lagu yidhi Milixdii ayaanu sidnaa, lakiin dadkiina hoos bay u fadhisteen Ciidankii ay sideen, maadaama oo ay Baabuurta garanayeen way aamineen, meel u dhaw halkaa Jidhi lafteeda ayaa dabadeedna Hubkii ay sideen oo ah kuwa aanu halkan ku soo bandhignay ah, iyo Record-kii oo aanu hayno ay wax ku baran jireen, waxay degta ku qaadan kareen waxay la galeen buurta Maarmaar la yidhaahdo oo C/qaadir ka soo horjeeda subaxnimadii bishu 11 ahayd ayaa la arkay waxa ay meeshaa kaga tageen, dabadeedna ciidamadii waa loo soo sheegay, ciidamadii si fican bay ugu hawgaleen, laba iyo lixdan baasuukaha madaxiisa ah iyo hub kale oo Kimikal ah ayaa meeshii laga helay iyo Buugaagka Record-ka ah, warkii markiiba waa nala soo gaadhsiyay dabadeetana Action-ka aanu ku dhaqaaqnay waxay ahayd iyagoo markiiba aanu ku ogaanay meesha la yidhaahdo Beyo-Canood oo xuduudka inaga (Somaliland) iyo Itoobiya inoo dhaxysa oo Ayshaca dusheeda ah oo C/qaadir ku soo jeeda, halkaasaa markaa Ciidamada Itoobiya-na meesha wey ka dhaw yihiin ayay iyagun ku  ogadeen anagoo wada shaqayn iyo xidhidh wanaagsanina naga dhexeeyo Ciidamada Itoobiya iyo dawladda Itoobiya oo walaaltinimo, halkaa dabadeedna labadii ciidamba labada hareerood bay ka fadhiisteen,  xalay-bey niman ka mid ahi xaga Buurta kale ee ka soo horjeeda oo la yidhaahdo Libaaxley oo ah laba Buurood oo iska soo horjeeda ayey si tuugo ah ku soo talabeen, kuwaana waa la hor joogsaday oo ciidamadii way horjoogsadeen, maantana waxa ka bilawday hawlgal labada ciidan ah, meeshuna waa xuduudka weeyaan Dhulka no marce-land loo yaqaano ayay u badan tahay, hawlagalkaasina si fiican buu u socdaa, Hubkii laga soo qabtayna waa kaa lacagii laga helayna waa taa, oo waxa la yidhaa Nafta, waa kaa tusaaleheedii. Buugaagtaasi waxa ay tilmaamaysaa, Qaarna Amxaariga iyo Somali, Tababarkii Erataria ay ku qaadanayeen iyo sida ay tababarka u qaadanyeen iyo Hubkii ay qaadanayeen noocyadiisii baa ku wada qoran, lacagtaana tusaale ahaan Naftaa la yidhaa oo waa tii dalka Erataria, taasi waxay ku tusaysa inay Erataria ka yimadeen nimankaasina ay ahaayeen cadaw ku socda dawlada Itoobiya, inagana waa inoo cadaw madaama dalkeeni ay ka soo degen iyo Baddeenii waxba inoomay reebin, runtii hawlgal fiican oo wada jir ahna halka xuduudkuu ka socdaa”.
Intaa ka dib waxa isaguna ka xogwaramay halgalka ciidamada Somaliland iyo kuwa Itoobiya kaga jiraan jiidaasi, isagoo arimaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Sidaa u Jalanku sheegay bisha toban 10-keedii ayey nimakaasi halkaa yimaaden meeshun waa Buulo-cado ayaa la yidhaahda, waad ogtuhiin oo xeebteenu aad ayey u dheertahay markaa ma wada dabooli karno xeebteena Masaafada ay tahay, markaa meel bay soo eegteen oo   meeshibaa ay yimadeen, dabadeetana halkaasay habeenimadii bishan 11-keedi ka soo amba baxeenm, sidaa aad ogtihiinba waxa weeyaan Somaliland way cadaw badan tahay, tani waa  shirqool ka mid ah shirqoolada Somaliland lagula dagaalamayo, kuwo kalena wey ina soo mareen kuwo danbena weynu filaynaa, mid kastana waxaynu kaga gudubnay si Guul ah oo wanaagsan baynu kaga gudubnay oo cadw badan baynu leenahay, nimankaasi waxa weeyaan meesha la yidhaahdo Cabdqaadir ayey ku nasteen oo ah halka Hubkan laga helay ee laga qabtay ay kaga yaaceen waxay galeen Buurta la yidhaahdo Maarmaar  markay xagan joogan  Itoobiyanku wey ogayeen in aan Itoobiyanka xidhiidh kala samayno lagama maarman-bey noqotay awal waxa jiri jirtay afar afar ayey u soo gali jiren wadanka halkan-ba (Hargeysa) weynu ka qabanay, laakiinse ciidan sidaa u hubaysan oo laba boqol iyo konton ah oo awoodaa leh hore inoomay soo marin, meeshuna waa xadka xagana Itoobiyaankii ayaa ka soo xidhay  xagana inaga ka soo xidhnay hawlgal balaadhan ayaa laga sameeyey sida aad ogtihiin ciidanbaa xeebtii inoo jooga ciidankii iyo Boolisku dhanbay ka wada hawl galeen halkana ciidanka Milatariga iyo Boolisku waxa ka baxeen maanta (shalay) idinkuna waad ka warhaysan muddo amar waxaanu ku haysanaa ilaa labo cisho hawshaasi in aanu ku soo gabgabayno in aanay ka badan oo hawsha ku soo gabagabayno. Imikana laba nin waa la hayaa ilaa baritoolana qaar badan oo kale ayaa la qaban doona waxanu sharkan jar’aaid u qabanayna waxa weeyi intii beenta banaan la idiinka sheegi lahaa in wixii jira in aanu idiin sheegno ayaa ka haboon sababtaanu u qabanay-na waa taa wixii hub ahaana waanu idin tusnay wixii kale ee soo kordhana waanu idin sheegi dooan”.
Dhinaca kale sida uu ku soo waramay wariyaha Haatuf ee Boorama Hashim Goth ayaa sheegay in jawi dagaal hadheeyeen jiidaasi, isla markaana Ciidamada Somaliland iyo kuwa Itoobiya isku fidiyeen.
“Jawi Colaadeed ayaa hadheeyay Jiidaha galbeedka Gobolka Awdal iyo Salal, ka dib markii ay Xeebta u dhaxaysa Lughaya iyo Saylac ay ka soo dageen Ciidamo tiradoodu ka badan tahay laba boqol oo Askari, Maamulka degmada Saylac ayaa xaqiijiyay in ciidamada Somaliland oo iskugu jira Boolis iyo Milatari ay u ruqaansadeen dhanka Buuraha Maar-Maar oo u dhexeeya xuduuda saddexda dal ee Somaliland, Ethoipia iyo Jabuuti.
Guddoomiyaha Degmada Xariirad Geesh Aadan Bile ayaa ku tilmaamay arintan mid lama arag ah oo dhulka ku cusub, sidaas awgeedna la iska kaashan doono sidii wax looga qaban lahaa hawlahan soo kordhay Maamul iyo shacaba, wax hore u dhacay maaha waana wax nagu cusub ayuu yidhi Gudoomiye Geesh, waxaanu intaa ku daray in Buuralayda laga wado baadigoobka falaagada dhulkaas timid, isla markaana degdeg wax looga qaban doono iyada oo la iskaashanayo ciidamada qaranka Somaliland iyo kuwa wadamada jaarka ah, waana dad nabada khalkhal gelinaya ayuu yidhi Geesh Aadan.
Dhanka kalana waxaan la xidhiidhnay Suldaan Muuse Cilmi Dugsiiye oo ka mid ah madax dhaqameedka deegaanadaas waxaanu sheegay in ciidamda dhulka soo galay ay ku baaheen jiido balaadhan oo kala ah Buuralayda Maarmaar iyo Buuralayda Libaaxlay, waxaana socda baadhis iyo raadin lagu wado falaagadaas, wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka degeni ay Ciidamada Somaliland gacan ka siin doonaan sididi loo qabqaban lahaa dadkaas dhulkayaga soo galay, wuxuu intaas ku daray in ciidamada Somaliland iyo Ethoipia oo iskaashanayaa ay ku gedaaman yihiin dhulka ay ku jiraan falaagadaas”.
Ugu dambayn waxaan la cadayn karin cida ay yihiin ciidamadan dhulka soo galay iyo meesha ay ka yimaadeen, inkasta oo loo tuhunsan inay yihiin niman tababar ku soo qaatay Eretaria ayaan la cadayn Karin inay yihiin ONLF iyo jabhad kale toona.



Bookmark and Share

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay