Somaliland : Xoghayaha Arimaha debedaa ee UDUB oo ka dayriyay xaaladda dalku ku socdo

Medeshi


Marka hore waxaan salaamyaa dhamaan shacabka reer SL meel kasta oo ay joogaanba.

Waxaan halkan si kooban ugu soo ban dhigi doonaa suaalo aan iska waydiinayo arimo xaasaasi ah oo iska daba imanaya oo maalmahan ka dhacayay dalka kuwaas oo hadaan si deg-dega oo xikmadi ku jirto loo xalin khatar gelin kara xasiloonida, wada jirka iyo hanaankii dawladnimo ee ay dawladan cusubi dhaxashay.

Waxaynu ognahay in Dawlada cusub ee hada talada wadanka yasaa ay dhaxashay wadan aduunyada laga qadariyo nidaamka, amaanka, kala dambaynta iyo xasiloonida ka jirta oo marar badan lagu tilamaamay mucjiso.
Waxa se maanta oo dawladan Cusubi ay bilo kooban wadanka maamulatsay wadanka ka oogan xasilooni daro siyaasadeed iyo mudaharaadyo, amaandaro ku soo siyaadaysa caasimadaha dalka, xeebihii  dalaka oo inta ciidamo hubaysani ka soo degaan wadanka iska dhexmarayaan, xuduudihii dalka oo inta ciidamo hubaysani iska soo dhexmaraan la leeyahay ciidankii qaranka ayay waxna dileen waxna afduub ku kaxaysteen, xidhiidhkii dawladaha jaarka ah oo aad looga dayrinayo, qabyaalad aad moodaysay inaynu ka horu marnay oo hadda cirka isku shareertay.

 Runtii waa wax lala yaabo in arimuhu modo sidaa u kooban intaa in leeg is bedelaan oo sidaa u xumaadaan,
Waxa cadaan ah in hadii la waayo sharci  ama la ixtiraami waayo sharciga inaan la helayn kala dambayn( amar kala qaadasho)  oo ay yihiin laba shay oo isku xidhan( law and order). Hadii kala dambayn la waayana la helimaayo amaan iyo xasilooni hadii amaan iyo xasilooni la waayana nolol iyo horumar la heli maayo.

Hadaba waxa is weydiin leh:
Maxaa  keenay in xaaladu mudo sidaa u kooban wadanka dacal ilaa ka dacal laga qayliyo, oo shacabku dareemo in nidaamkii iyo dawladnimadii dadka loogu adeegi lahaa iyaga loo adeegsanayo?
Maxaa  keenay in xuduudaha dalka bad iyo berriba ciidamo hubaysan oo kolanyo ahi iska soo galaan?
Maxaa keenay in wasiirkii Arimaha Gudaha ee bilo kooban ka hor uun xilka wareejiyay uu ka cawdo in madaxtooyada horteeda loogu hanjabay ilaa hadana aan dawladu wax jawaaba oo cad ka bixin?
Maxaa  keenay in Guurtidii dalku iyadoo aan madaxweynihii la doortay la tashan ama ogolaasho ka haysan ay iskeed isaga kordhisato Mudadeeda?
Maxaa  keenay in Muwaadin dembi lagu oogay oo maxakamad la saaray oo waxaba lagu waayay oo maxakamda qaranku sii daysay hadana suuqa laga qabto oo layidhaa dembigii lagu waayay ayaa loo xidhay?
Maxaa keenay in saraakiisha ciidanka amaanka ee aan siyaasadda shaqada ku lahayn ee aynu ogayn siday u sugeen amaanka dalka ama saraakiishii kale ee qaranka (civil servents) si yar oo aan laga fiirsan loo yidhaa kana hebel ku bedel kana hebel ku bedel?
Maxaa  keenay in masuul  aan dembi lagu hayn, maxakamadana waaran looga soo jarin, nidaam(procedure) loo raacayna aanu haba yaraatee jirin laga qaado xoriyada dhaqdhaqaaqa ama xoriyadda socdaalka?
Maxaa keenay in masuul lala xisaabtamay oo xil wareejin sameeyay oo xilkii lagala wareegay oo xafiiskiisiiba masuul kale mudo bilo ah ku shaqaysanayay in hanti dhawrku yidhaa waa lagula xisaabtamayaa oo ma dhoofi kartid?
Maxaase mudadii uu xilka hayay ee xisaabtanku xalaasha ahaa loola xisaabtami waayay?
Sidee se xil wareejini u dhici kartaa hadii hantidhawrka qaranka masuulka wax ugu dhiman yihiin?
Mise Hanti dhawrka laftiisa ayaaba ah hanti dhawr cusub oo dawlada cusubi wadatay?
Haday sidaa tahay miyanay arintu u egayn ceebayn iyo dembi u samayan lagula kacayo hawlwadeenadii iyo madaxdii qaranka ee adeegayay xiligii dawladii hore?

Waxa kaloo is weydiinleh mee hanti dhawrkii qaranka u adeegayay mudadan laga hadlayo ee xisaabtanku ku saabsanyahay ee qaranku xaqa ugu leeyahay inuu ka waramo mudadii uu shaqaynayay wixii dhacay?
waxa kaloo isweydiin leh xeerka qeexaya shaqada hanti dhawrka qaranku miyaanu sheegayn sida hanti dhawrku u sameeyo baadhitaankiisa? mise hanti dhawr waliba marka la magacaabo ayuu sanadihii la soo dhaafay kuu doono iska baadhi karaa oo masuul mar hore shaqadaba ka tegay ayuu suuqa ku qabasan karaa?

Hadii aan suaalahaas Jawaabtooda u daayo muwaadinka iyo aqoonyahaynka reer SL waxaan iyana jecelahay inaan dawladda madaxweyne Siilaanyo xasuusiyo in wadanka la idiin doortay 26/06/2010. Wixii la idiin doortayna kumay jirin inaad la xisaabtan taan wasiiradii dawladda UDUB. waxa la idiin doortay inaad wadanka maamushaan oo aad fulisaan balanqaadyadii aad ololaha ku gasheen. Madaxweyne Riyaale iyo UDUB waxa doortay Shacabka reer SL  Shacabka ayaana la xisaabtamay oo xilkii ay u dhiibteen ka qaaday.
Marka la eego xaalada dalku ku jiro miyaanay u egayn inaydaan wixii la idiin doortayba xageeda u kicne inaad weli UDUB ku mashquulsanthiin oo dalkiina fawdo iyo faddaado ku socdo?

Waxa muuqata inaad la yaabantihiin in dawlada Somaliland aad la wareegteen iyadoo dayn lagu leeyahay. Miyaa garanaysaan xataa dawladaha aduunka ugu dhaqaalaha badan (sida UK, USA, Sweden ...) mid aan dawladeeda lacag badan oo deyna lagu lahayn? Miyaa garanaysaan dawladihii soomaray SL mid aan deyn lagu lahayn oo aan deyn ka tegin.
Madaxweynaha cusub waxaan leeyahay ma waxaad doonaysaa in hanti dhawrka aad adigu magacawday badhitaan ku sameeyo madaxda axsaabta aad iska soo horjeedaan mudadii ay xilka hayeen ee aanad digu masuulkaba ka ahayn wixii dhacay?

Madaxweyne Hogaamintaadu ha muuqato oo wadanka hawlwadeeno aad dooratay faraha ha uga qaadin, madaxweynaha dalku waa adiga, kuna ceeb la'aan maysid waxan hadda socda iyo waxa ka dhalan kara ee ka sii xun.
Shacabka reer SL waxaan leeyahay isbedelkii Dawladda Cusub horaantiisii waynu aragnaaye dalka ha la ilaaliyo.


Allaa Mahadleh.

Maxamed C/llaahi ciise
Xoghayah Arimaha Debedda ee Xisbiga UDUB


Bookmark and Share

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay