Quraanka iyo Sunnaha

Medeshi



                                      Quraanka iyo Sunnaha
Bisha Ramadaan waa bil barako badan,waa bil Quraan oo akhriska Quraanka iyo ku fekeridda Aayadaha Alle iyo ku cibra qaadashadoodu waa daruuri,waxa aaynu ku jirnaa tobankii u dambeeyey guntiga ha loo wada giijisto cibaadada.
Quraanku waa qawlkii Illaahay oo Alle ku soo dejiyey Nebigeenna nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee Nebi Muxamad.
Quraanku wuxu koobsanayaa dhamaan caqiidada iyo iimaanka iyo qaanuunka iyo xeerka Alle u dejiyey Insaanka,ee Axkaam iyo Sharci leh sidoo kale nidaamka macaamilada iyo xidhiidhka ee loo wada dhaqmayo,waxa Quraanka Alle inoogu sheegay wacdi iyo waciidba oo digis iyo bushaaroba leh,waxa kale oo Quraanku inoo sheegay Qisas ah dhacdooyin dhab ah oo cibro iyo wax ku qaadasho leh,iyadoo uu Quraanku inooga warramay Qowmamkii innaga horreeyey iyo siday u noolaayeen iyo halaagyadii ku dhacay iyo sababtay ku kasbadeen halaaggaas.
Quraanku wuxu inoo sheegay Aayaad kowniya ah oo ka hadlaya kownkan iyo abuurkiisa iyo sida ay u tahay in lagu fekero oo awoodda Alle lagu xasuusto.
Quraanku waa qawlkii Alle oo qof aan daahir ahayn looma oggola in uu taabto:
إنّه لقرءان الكريم في كتاب مكنون لا يمسّه إلا المطهّرون تنزيل من ربّ العالمين(الواقعة)
Aayadda:waa Quraan kariim ah oo ku xafidan kitaab oo aanu taaban karin mid aan daahir ahayni,waxa uu ka soo degey xagga Rabbiga caalamiinta.
Sidoo kale Quraanka waxba lagama sarraysiin karo waayo waa qawlkii Alle,waxana Quraanku ka kooban yahay:114 Suuradood iyo 6236 Aayadood waana 30 jis.
Waxa aad Quraanka ka helaysaa hanuun iyo in aad kala soo baxdo dariiqa iyo wejiga saxa ah ee nolosha,oo waxa uu ku siinayaa bushaarooyinka ah abaalgudkaaga haddaad wanaag samayso:
إنّ هذا القرآن يهدي للّتي هي أقوم ويبشر المؤمنين الّذين يعملون الصّالحات أنّ لهم أجراً كبيراً(الإسراء)
Aayadda:Quraanku waxa uu kugu hanuuninayaa sida iyo dariiqa saxa ah,waxana uu u bushaaraynayaa Muuminiinta samaysa camalka wanaagsan oo ugu bushaareynayaa in ay leeyihihiiin oo helayaan ajar weyn oo ah abaalgud fiican.
Ujeeddooyinka Alle Quraanka u soo dejiyey waxa ka mid ah si uu ugu kala caddeeyo dadka waxa ay isku khilaafsan yihiin,oo ugu hanuuniyo waddada iyo jidka toosan:
وما أنزلنا عليك الكتاب إلا لتبيّن لهم الّذي اختلفوا فيه وهدىً ورحمة لّقوم يؤمنون(النّحل)
Aayadda:kuuguma Aannu soo dejin Kitaabka(Quraanka) wax kale oo aan ahayn in aad u caddayso waxa ay isku khilaafsan yihiin,waxana Quraanka ugu sugan hanuun iyo raxmad ciddii Alle iyo Nebigiisa rumaysay ee Muuminiinta ah.
Quraanku waxa uu ka sugnaaday xagga Eebbe,waa Manhaj dhamaystiran oo koobsanaya dhamaan qaybaha kala geddisan ee nolosha iyo baahiyeheeda oo dhan, waxa qof walba la siiyey xorriyad buuxda Quraankaas in uu u hoggaansamo oo waxa uu dhigayo la yimaaddo oo adeeco iyo in uu diido oo doorto in uu hawadiisa raaco, taas oo ku dhamaanaysa abaalmarin hadba qofka doorashadiisa ah,iyo sida uu ku saleeyey in uu Quraanka raacay iyo in kale,oo kii Quraanka u hoggaansama waxa loogu abaalgudayaa wanaag iyo Janno,kii diidana waxa uu helayaa ciqaab iyo Cadaab:
وأن أتلوا القرءان فمن اهتدى فإنّما يهتدي لنفسه ومن ضلّ فقل إنّما أنا من المنذرين(النمل)
Aayadda:(Nebi Allow)u akhri Quraanka kii hadooba ee hanuunaa naftiisa ayuu hanuuniyey,kii baadiyoobana(isagay jirtaa),waxa aad ku tidhaahdaa:anigu waxa aan ahay mid ka mid ah kuwa digaya,oo waan digayaa keliya.
Quraanku,waxa uu ku soo degey,oo Alle u doortay,Afka carabiga:
كتابٌ فصلت ءاياته قرءانًا عربيًّا لقوم يعلمون(فصلت)
Aayadda:Kitaab weeye Aayadihiisu cadcad yihiin oo fasilan yihiin,oo ah Quraan  carabi ah waxa uu u sugnaaday ciddii garanaysa.
Kitaaba Quraanka wax kasta waa lagu sheegay oo si fiican loo fasiray dhamaan:
ولقد صرّفنا للنّاس في هذا القرءان من كلّ مثل فأبى أكثر النّاس إلا كفورًا(الإسراء)
Aayadda:xaqiiqdii Waannu ugu sheegnay dadka Kitaabkan meselo kasta,in fara badan oo dadka ka mid ahina way diideen in ay ku kufriyaan mooyee.
Waxa Alle dadka tusaale u siinayaa Isaga oo qiimaha iyo weynida uu Quraanku leeyahay caddaynaya,haddii Quraankan lagu soo dejin lahaa Buur sida arrinku noqon lahaa:
لو أنزلنا هذا القرءان على جبلٍ لرأيته  خاشعًا متصدّعًا من خشية الله وتلك الأمثال نضربها للنّاس لعلهم يتفكّرون(الحشر)
Aayadda:haddii Aannu Quraankan ku soo dejin lahayn Buur waxa aad arki lahayd iyada oo khushuucsan,oo la madax wareersan cabsida Alle,oo arrinkaasi waxa uu u yahay tusaale dadka waxa la arkaa in ay fekeraane.
Quraanka dadka gaalada ah ee diiday in ay rumeeyaan waxa ay qaarkood ku andacoodeen in uu gabay yahay,dabadeed Illaahay Aayada badan ayuu dadka ugu caddeeyey in qawlkii Alle uu yahay oo aaanu gabay iyo hadal kale midna ahayn:
وما علّناه الشعر وما ينبغي له إن هو إلا ذكر وقرءانٌ مبين(يس)
Aayadda:ma Aannu barin(Rasuulka)gabay umana qalmo arrinkaa wax kale ma ahee waa Digri iyo Quraan cad.
Waxa Aayad kale Alle inoogu sheegay in Rasuulku waxyi ku soo degey keliya uu soo gudbinayo ee aanay ahayn waxa uu isagu jeclaado:
وما ينطق عن الهوى إن هو إلا وحيّ يوحى(النجم)
Aayadda:kuma dhawaaqo oo ma yidhaahdo hawadiisa ee waa waxyi loo waxyoodey.
Waxa laga dalbay kuwii diiday Quraanka in ay keenaan isaga oo kale ama Aayad keliya oo Quraanka oo kale ah,oo weliba la yidhi is wada kaashaada:
قل لَئنِ ِٱجتَمَعَتِ ٱلإنسُ وٱلجِنُّ علىٰۤ أَن يَأتُواْ بِمِثل ِهٰذا ٱلقُرءانِِ لا يَأتُونَ بِمِثلِهِ ولو كان بعضهم لبعض ظهيرًا (ٱلإسراء)
Aayadda:waxa aad tidhaahdaa(Nebi Allow) haddii ay isu tagaan Insiga iyo Jinku si ay u keenaan Quraankan oo kale ma keeni karaan,xataa badhba badhka kale ha taageersadee.
Waxa laga dalbayaa haddii shaki kaga jiro Quraanka bal in ay Suurad keliya oo Quraanka oo kale ah keenaan:
وإن كنتم في ريب ممّا نزلنا على عبدنا فاتوا بسورة من مثله(البقرة)
Aayadda:haddii aad ka shakisan tihiin waxa Aannu ku soo dejinney Addoonkayaga, la kaalaya oo keena Suurad la mid ah Suuradaha Quraanka.
Qofka ugu khayrka badan dadka Muslimiinta ah waa ka ama dhigaya Quraanka ee dadka baraya ama dhiganaya,oo Quraanku waa nuur oo waa qawlkii Alle oo wax lala simo aanay jirin:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلّم:"خيركم من تعلم القرءان وعلّمه".
Xadiiska:Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,waxa uu yidhi: ka idiinku khayr badani waa ka Quraanka dhiganaya ee dhigta ka dibna sii dhiga ee dadka bara.
Quraanku waxa uu ku ilaashan yahay oo ku xafidan yahay Awoodda Illaahay,oo siyaabo badan ayaa Alle ku xifdiyey,waxa ka mid ah in dad fara badan oo Muslin ah oo Adduunka meelo kala geddisan ka joogaa ay Quraanka dusha ka xifdisan yihiin,oo uu laabohooda ku xifdisan yahay oo ku ilaashan yahay:
إنّا نحن نزلنا الدّكر وإنّا له لحافظون(الحجر)
Aayadda:Annaga ayaa soo dejinnay Digriga(Quraanka),oo Annaga ayaa xifdiyayna
oo ilaalinayna.
Qofka xifdisan Quraanka ee sida la rabo ugu dhaqma oo dabbaqaa waa qaali,oo naartu ma taabato qof Quraanka xifdisan,haddii isaga iyo Kitaabka la is barbar dhigo waxa imanaysa 30kii jus ee Quraanka oo Kitaabkii ku qoran,sidoo kale qofkii laabtiisa ku xifdisan,waxa soo hadhay warqadihii iyo shakhsigii Bini'Aadmiga ahaa,haddii la isu miisaamo waxa qiimo badanaya Insaanka oo Alle ka faddilay Makhluuqaadka oo dhan,halkaa waxa kaaga soo baxaya in qofka Quraanka xifdisan ee ku dhaqma oo dhabbaqa,uu ka qiimo badan yahay Kitaabkii oo isagii ayaa kitaab soconaya noqday, waxana mar kasta u shardi ah in uu ku dhaqmo oo dabbaqo oo aanu noqon dameer malab la saaray!.
Xifdiga Quraanku waa hawl yar yahay oo waxa keliya oo uu u baahan yahay dadaal iyo niyadda oo loo keeno oo loo diyaar garoobo,Allena wuu kugu taageerayaa in aad ku guulaysato,adiguna ku dadaal oo carruurta aad dhasho iyo kuwa aad talada ku leedahayba isku day in ay Quraanka xifdiyaan,waayo carruurtu way ka hor xifdiyi og yihiin qofka weyn in kastoo Alle ka dhigay sahal oo u fududeeyey Quraanka dadka:
ولقد يسرنا القرءان للذكر فهل من مذكر(القمر)
Aayadda:xaqiiqdii Waannu u shalnay Quraanka digri ahaan iyo waano qaadashoba, ee ma jirtaa cid waano qaadanaysaa.
Sunnuhu waa waxa Rasuulka ka sugnaaday ama Qowl ama ficil uu sameeyey,ama wax isagoo arkaya cid kale samaysay oo uu ama aqbalay ama ka aamusay,oo aanu diidin ama reebin,Sunnaha Rusuulka ama Axaadiistu waa sheyga labaad,ee loo noqonayo marka Quraanku yahay ka kowaad ee lagu sargoynayo waxkasta oo la qabanayo,Sunnuhu wuxu sharxaa Quraanka oo fahankiisa iyo fasiriddiisa caddeeyaa:
وأنزلنا إليك الذكر لتبين للنّاس ما نزل إليهم ولعلهم يتفكرون(النحل)
Aayadda:waxa Aannu kugu soo dejinnay Digriga(Quraanka),si aad dadka ugu caddayso waxa Aannu u soo dejinnay waxa la arkaa in ay fekeraane.
Rasuulku salawaatullaahi wasalaamuhu calayhi,waxa uu dadka u fasiray Quraanka, oo dariiqii ayaa Asxaabtuna mareen,waxa ay u sii gudbiyeen Taabiciyiintii ilaa iyo Taabicitaabici ay ka gaadhey,sidaas ayay silsilaadaas innagu soo gaadhey,waana in aad u lahaataa Sheekh oo aad ka qaadataa dariiqada tafsiirka Quraanka,waayo waxa jira wax la yidhaahdo Laqmo ama Laqmayn oo ah sida iyo qaabka loo fasirayo,ee loogu dooranayo kelmedo ku habboon macnaha guud ee Aayadda,oo ma aha qof afka carabiga keliya yaqaannaa in uu Quraanka luqad ahaan u fasiro,"Alcilmu bitacalum".
Marka Quraanka la fasirayo waxa lagu fasiraa dariiqa ugu mudun oo ah Quraan lagu fasirayo Quraan,oo Aayad ayaa Aayad kale lagu fasiraa taasi oo inta badan asbaabu nusuulkii iyo sababihii Aayaddu u soo degtey ay tafsiiridda qaybta ugu muhiimsan ka galaan,waxa iyana qaybtooda ka qaata Axaadiista iyo Sunnaha Rasuulka,oo lagu fasiro Quraanka Sunnihii oo waxa jira meelo badan oo Aayadduhu si guud uga hadleen oo si guud u soo qaateen ayay Sunnadu balballaadhisaa oo fasirtaa sida: Salaadda,Sowmka,Sakada,Xajka…iwm,Sunnaha ayaa caddeeyey oo faahfaahiyey arkaantooda iyo waajibkooda,mustaxabkooda,iyo waxyaalaha makruuhaadkooda ahba,iyo hay'adohooda,waqtiyadooda,qaddarradooda,iyo nisaabka sida sakada inta ka go'aysa sheyga…iwm,waxa caddeeyey oo fasiraad ka bixisay Sunnada.
Waxa Rasuulka Alle,sallallaahu calayhi wasalam dadka Muslimiinta ah kula sii dardaarmay,in ay adkaystaan oo si fiican u qabsadaan Quraanka iyo Sunnaha:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلّم:"تركت فيكم ما إن تمسكتم لن تضلّوا بعدي أبدًا كتاب الله وسنّتي"
Xadiiska:Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,waxa uu yidhi: waxa aan idiinka tegey wax haddii aad qabsataan aydinaan lumayn aniga gadaashay, waa Kitaabka Alle iyo Sunnadayda.
Isku day in aad Quraanka xifdido uguna dadaal carruurta yaryar in aanay fursad dhaafin inta ay u fududahay ee ay yaryar yihiin,waxanad joogteyn kartaa akhriska Quraanka,adiga oo isku deyaya in bishiiba aad mar dhamayso ugu yaaraan,waxa sidoo kale aad joogtaysataa in aad akhrisato Aayatul kursida,markaad seexanayso iyo marka aad soo kacdoba,Qulhuwallaha iyo Qulaacuuddadana sidoo kale,labada Aayadood ee Albaqra ku dhamaatona habeen kasta akhriso,Jimce kasta isku day in aad joogtayso akhriska Suuratul Kahaf,waxay qofka akhriya u noqotaa nuur ilaa inta labadaa jimce u dhexaysa,Alle taageerso oo itaalkaaga dadaal Quraankana wehesho.

Qorshahaan fulinayiyo
Qaraarkaan ku kacayoba
Quraanka iyo sunnahaan
Qiil uga dayaa'oo
Qaabkaa u raacshaa
Qowlkii Illaahay
Aayadaha Quraanka ah
Qumanow Rasuulkii
Qowlkiisa Sunnaha ah
Qiyaas weeye noloshoo
Qurub iyo waxaa weyn
Qummaati bay u sheegeen
Quluubtii Islaamkee
Qushuucu uu u dhaadhacay
Qodob bay u raacaan
Qaadaadhigoodoo
Qabashadooda hawlaha
Qaabaynta hindisaha
Qasdi uga sameeyaan
Qaadir bay ka tuugaan
Qayrka inuu ku sugo oo
Qiyaamaha u hiiliyo
Qaadaha dhiigga wada iyo
Qulqulkaa dareenkuu
Quraanku iigu xidhanyoo
Qadoodigiis ma karayoo
Quudka ruuxda weeyee
Qaybtii ugu horreysaa
Qaaruxiraa ku soo degey
Qaybihiisa kale laba
Qaarna Makay ahaayeen
Qaybta kale Madiina'e
Qarad iyo ujeedduu
Qaatay sabab nusuulku'e
Qeexidda iyo fasirkaa
Qormo looga yeelaa
Qaabkuu u soo degey
Qiso iyo dhacdooyinka
Qaadashada cibrada ee
Qaridhayso Aayaddu
Qaanunkiyo xeerkiyo
Qaabaaynta dhaqankiyo
Qodobada awooddiyo
Qudradda Eebbe sheegaya
Quudka iyo Irsaaqadda
Qiyaas Eebbe u dhigee
Qiyaamaha sifayntii
Qeex baa la siiyee
Qaaddi adigaa isu ahoo
Qalad iyo sax ku yahay
Qaad waa xorriyadaadee
Quruskaaga waad heli
Qiyaamaha maalintiisee
Quraanku hooy rafiiqiyo
Qalbigaa ha kuu dego
Qaad wadada tii saxa
Quus sii Ibliiskana
Qolka yaanu kugu xidhin
Qoomamadu ka buuxdoo
Qaxar iyo dhibaatiyo
Qaylo aan wax qabanayn
Qorshe been la mariyiyo
Qurux yuu ku seejinin
Qaadirkaa ku tiirsoo
Quraankana rafiiqsoo
Qaad waddada tii xaq ah
Qaad waddada tii sax ah
Qaad waddada tii dhab ah.

Alle ha inoo fududeeyo in aynu xifdino Kitaabkiisa oo ugu dhaqanno sida uu ina amaray,oo Quraanku inoo noqdo nuur If iyo Aakhiroba.

Saeed Ibrahim Hussein
As/w/w



Bookmark and Share

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay