Madaxweyne Silaanyo Oo Maanta Soo Saaray Wareegto Cusub

Medeshi




Madaxweyne Silaanyo Oo Maanta Soo Saaray Wareegto Cusub.
FRIDAY, 03 SEPTEMBER 2010
Walaalayaal, dhamaan ummada reer Somaliland meel aydin joogtaanba waxaan idin soo gaadhsiinayaa salaam walaltinimo, salaam ehelnimo, salaanta islaamka.
Waxaan ilaaheena weyn inooga baryayaa inuu ina siiyo barakada iyo khayrka bisha Ramadaan ee uu bilaha ka doortay. Waxa kale oo aan ka baryayaa in uu inagu nageeyo nabadiisa iyo nimcooyinkiisa oo aan nuqsaan lahayn.  Aamiin.
Walaalayaal,

 Aniga oo ka duulaya tilmaamaha diinteena islaamka ah, tusaalaha Rasuulkeenii suubanaa iyo dhaqankeena iyo hiddaheena.
 Aniga oo raacayaa distoorkeena JSL

 Aniga oo hirgalinaya qodob ka mid ah qorshe hawleedkii aanu xukuumad ahaan go’aansanay inaanu fulino 100 cisho ee u horeeya
 Aniga oo xoojinaya dareenka wadaniyadeed ee isku tashiga ah ee muwaadiniinteena.
 Iyo aniga oo dhiiri galinaya fikirka wax wada qabsiga bulshadeena iyo daryeelka hantida wadareed ee umadda ka dhaxaysa.

Waxaan maanta ku dhawaaqayaa Maalinta Nadaafadda Qaranka
Waxaan ku dhawaaqayaa in ay Maalinta Axadda ee Bishan September tahay September 05, 2010 todobada Subaxnimo “7: 00 Am” in ay dalka oo dhan ka bilaamayso maalinta loo qoondeeyay ololaha nadaafada, taas oo 45 kii maalmoodba dalka oo dhan laga hirgalin doono si joogto ah haddii eebe idmo.
Waxaan ku wargelinayaa dhammaan Muwaadiniinta reer Somaliland, Madaxda iyo shaqaalaha Dawladda, Ganacsatadda, Hay’daha aan Dawliga ahayn, Culimadda iyo Dhamaanba Shacbiweynaha reer Somaliland-ba inay ka qayb qaataan ololaha Nadaafadda Qaranka.
Waxaan farayaa Badhasaabada iyo Dawladaha Hoose ee Dalka inay si buuxda ugu diyaar garoobaan Ololaha oo ay hirgelintiisa iyo guushiisaba ay hubiyaan.

ALLAA           MAHAD         LEH

C/laahi Maxamed Daahir  ( Cukuse )
   AF-hayeenka Madaxtooyada JSL




Bookmark and Share

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay