Gudoomiayaha Bariga Hargysa Oo Taageeray Baaqii ka soo baxay Ceerigaabo

Medeshi
Written by Qaran news  
Burco - Gudoomiyaha gudiga bariga Hargysa, mudane Maxamed Faarax Caynaashe ayaa caawa soo saaray baaq xanbaarsanaa dhaliil iyo canbaryn uu u soo jeediyay xukumada Siilaanyo, dhaliishaasi oo daba socota xayiraadii lagu soo rogay gudoomiyahii hore ee Banka Somaliland

Gudoomiye Maxamed Farax Caynaashe , oo ku sugan magaalada Burco, oo u jooga hawlo shaqo ayaa waxa uu sheegay in ay xukumadu joojiso aarsiga iyo rabshadaha ay kicinayso, taasi oo ay dad isku wada beel ah ay doonayso in ay dabagalo aarsi ay kula kacdo, taasi oo uu sheegay gudoomiyahu in ayna u dul qaadan doonin falalka noocaasi ee ay xukumadu kula kacayso rag sharaf leh, waxa kale oo Maxamed Farax Caynaashe uu taageero buuxda uu la garab istaagay baaqii ay shalay beelaha Habaryoonis bari ay ka soo saareen magaalada Ceerigaabo, baaqaasi oo ay kaga hadlayeen xubanaha dawladii hore ka tirsanaa ee beeshooda ka soo jeeda beelahooda ee sida gaarka ah loo eryanaayo, gaar ahaan gudoomiyahii hore ee Banka Somaliland oo ay xukumadu ay todobaadkan u sheegtay in aanu dalka ka bixi karin, taasi oo ay dad badani ku tilmaameen in ay xukumadu ka aarsanayso dad gaar ah

Maxamed Farax Caynaashe oo ka mid ah odayda aadka looga tixgaliyo  magaalada Hargysa, isla markaasna ah ganacsade,  kana mid ahaa ragii nabadayntii beelaha ka soo qayb qaatay waxa uu ku baaqay in aan laga leexan dhabadii la hayay ee wanaagsanyd.

Dhanka kalena waxa jira kulan balaadhan oo ay maanta isugu yimaadeen magaalada Burco, beesha Habaryoonis ee gobolka Togdheer, kulankaasi waxii ka soo baxay wararkeena danbe ayaanu idiinku soo gudbin doonaa.

Bookmark and Share

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay