Golaha Guurtida Somaliland oo muddada xil-haynta u kordhiyay saddex Gole Qaran & jawaabta Mucaaradka

Medeshi
Talaado, 07 September, 2010 (HOL)- Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa maanta muddada xil-haynta isu-kordhiyay, isla markaana u kordhiyay Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka. Waxaanay baaq u jeediyeen madaxweyne Siilaanyo.


Fadhigii maanta ee Golahaas oo uu guddoominayay ku-simaha guddoomiyaha ee Golahaas Sh Axmed Nuux Furre, isla markaana ay goob-joog ay ka ahaayeen 68 Mudane, ayaa lagu kordhiyay muddada xil-haynta ee Golayaasha Guurtida, Wakiillada iyo Deegaanka.
Sheekh Axmed Nuux oo ka hadlay fadhiga maanta, ayaa sheegay in Dastuurka Somaliland u ogolaanayo Golahooda inay muddo-kordhin u sameeyaan Golayaasha Qaranka haddii ay dhammaato muddadooda sharciga ahi. Isla markaana wuxuu xusay Qoraal uu madaxweyne Siilaanyo u gudbiyay Golahaas oo uu kaga dalbaday in muddo-kordhin loo sameeyo Golayaashan. Waxaanu Furre mudanayaashii fadhiga ku sugnaa ka dalbaday inay muddo-kordhin sameeyaan oo ay ansixiyaan.
Intaa ka dib, waxa codayn loo qaaday in muddo-kordhin loo sameeyo Golayaasha Guurtida, Wakiilada iyo Deegaanka. Mudanayaashii goobta ku sugnaa ayaa 65 ka mid ahi ay ogolaadeen in laba sanno iyo siddeed bilood muddada xilka loogu daro Golaha Wakiilada oo ka bilaabmaysa 29 October oo ah wakhtiga ay ka dhammaanayso wakhtiyaddii hore ee sharciga ahayd, halka ay diideen laba mudane, Guddoomiyuhuna aanu codayn. Waxa kale oo ay 65-ka mudane ansixiyeen in Golaha Guurtida muddada loo kordhiyo saddex sanno iyo siddeed bilood, halka ay Golayaasha Deegaankana ugu kordhiyeen sanad iyo badh, waxaanay madaxweynaha ugu baaqeen inuu muddadaas ku qabto Doorashada Golayaasha Deegaanka.
Muddo-kordhintan ayay ka biyo-diideen Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo UDUB, waxaanay ku tilmaameen tallaabo baal-marsan sharciyadda iyo Dimuqraadiyaddaba.

Bookmark and Share

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay