Thursday, September 16, 2010

Gabayga IyoDoorkiisa

Medeshi


Gabayga IyoDoorkiisa


Gabaygu wuxu ugu sareeyaa Maansada Soomaalida xag murtiyeed iyo xag miisaanba,wuxuna leeyahay xeerar ka soocaya qaybaha kale ee maansooyinka Afsoomaliga oo ay ka mid yihiin:Gabayga,Geeraarka,Jiiftada,Buraanburka iyo Wiglada ama Misanaha,Saarka,Guurowga,Shiribka iyo Heesta,inkastoo dadka qaarkood ay heesta ka saaraan,oo ka reebaan qaybaha Maansada.  
Gabayga iyo Doorkiisa waa inaan si habsami leh u falanqaynnaa waqtiyadii hore sida loo adeegsan jirey,oo uu ahaa sheyga metela Warbaahinta ama Warisgaadhsiinta,waxanu ka horreeyey gabaygu Idaacadaha wararka laga helo,oo isagaa dadku isugu tebin jireen wixii soo kordha iyo waxa jira.
Haddii ay Arrini dhacdo markiiba dadka deegaankaa ah ayaa gabay ka allifi jirey, sidaasaa gabaygaasi ku gaadhi jirey geesaha kala fogfog ee afkan lagaga hadlo, waxana gabaygu xambaari jirey farriimo iyo dhambaallo kala geddisan,waxa gabaygu ku yimaaddaa oo sidaa macne go'an iyo hadaf u ah ujeeddo uu ka duulayo,waxaa ujeeddooyinkaa ka mid ahaa: Amaan, Faan, Baroordiiq, Hanjebaad iyo caga jugleeyn,Caay iyo Dhaleecayn,Waano iyo wax u sheeg,Xifaaltan iyo Kaftan,Sarbeeb iyo jirrabaad,Dhiiri gelin iyo Buugaabin,iyo Guubaabin,War iyo Fariin iyo kuwo kale oo badan,waxana waqtiyadii hore oo dagaallada iyo geel dhacu aad u badnaa lagu tilmaami jirey guul iyo guuldarroba gabayga,oo marka wax dhacaanba sida idaacadaha iyo telifeeshanada ama internetka markiiba gabay hor leh laga tirin jirey,taas oo dhinac kaa tusaysa halkaraanimada waqtigaas dadku lahaayeen iyo baahiduu dabooli jirey gabaygu.
Runtii gabaygu dagaalna waa oogi jirey oo sabab u noqon jirey,Nabadna waa dhalin jirey oo qaboojin jirey dagaal inuu dhaco qarka u saran,sidoo kale wuxu bixin jirey faallo iyo taariikh,wuxuna ahaan jirey halqabsiga laga duulo ama laga shiidaal qaato kaftanada iyo wada sheekaysiga guud.
Gabayga oo gabayaagu ku cabbiro dareenkiisa gaar ama uu qof kale ama dad fara badan xaalad gaara oo aay ama ku sugan yihiin ama soo mareen ama la saadaalin karo kaga warramo,markaa gabaygu wuxu ahaa Halbawlaha koowaad ee Warisgaadhsiinta qaabilsanaa waqti dheer oo uu ka ciyaaray kaalin wax ku ool ah iyo dawr dhaxalgal ah.
Sida gabaygani tilmaamayo ninba ujeedo go'an ayuu gabayga u adeegsadaa:

Maansooy nin kugu duul

Ninna maalin kugu dood

Ninna derejo kaa dhigay

Ninna dhuuni kugu doon

Ninna nabarka kugu damaq

Ninna dakharka kugu dhayay

Ninna doogta kugu kici

Ninna waranka kugu dami

Ninna nabadda kugu didi

Ninna beleda kugu deyr


Bal haddaad aad u dheehato oo aad u fiirsato waxaad dareemaysaa raadka uu gabaygu ku leeyahay dareenka iyo shucuurta qofka,oo si fiican ula falgelaya ama u saamaynaya,oo gabaygu waxa uu bixiyaa sawir iyo muuqaal khayaali ah,oo qofka dhegaysanaya hor imanaya,hadda aynu eegno Gabay metelaya Waraabe hadlaya:

Waraabaa ayaan yidhi

Haddaa igu ogaydeen

Baadida Islaamkiyo

Anoo aaran geel cuna

Iimaan la'aantii

Allaa iga hadeeyoo

Istaaqfuranlla baan idhi

Aamin baanan kala baxay

Magacii inkaarnaa

Inkastoo aynaan fahmin Xayawaanada kale hadalkooda,haddana waa male awaal in arrinkaasi dhici karo oo gabayaagu afkii Waraabaha ku hadlo,waxa jirta in Soomaalidu Xayaanka qaar iyo Xoolaha ay dhaqdaan iyagoo ku salaynayaa dabcigooda iyo siday u dhaqmaan ka sheegaan hadalo ay leeyihiin way yidhaahdaan,tusaale Adhigu markuu daaqayo geedaha,burka geedaha ah intuu in ka cuno ayuu mid kale u gudbaa markaa ayaa Soomaalidu tidhaa Adhigu wuxu yidhaahdaa:Berraa darane bur dhaaf,Lo'duna waxay tidhaahdaa:Allow halkaan xiiroba xiin mari,Geeluna wuxu yidhaahdaa:Alle joogee,Cirku buuxee, Dhulku buuxee,Raggu buuxee ee canka buuxso.
Xayawaanka Xoolaha ka cuna qaar kamida haddaynu eegno;Dawacadu waxay tidhaahdaa:Dayo i dheh dayo daahir i dheh,dhexda madagta i dheh markay soo jeeddo jaahwanaagsan i dheh,markay sii jeeddo daba jeedal i dheh,Waraabahu wuxu yidhaahdaa:Dhuruq dhuruq i dheh dhuruq dhaylo i dheh,dhabbo xaar dhige i dheh,ku dharaajiye i dheh,ka dhaqaaje i dheh..
Gabayaagu wuxu metelaa oo soo bandhigaa aqoonta iyo dhaqanka dadkaa uu ka tirsan yahay,iyo siday Adduunka ula socdaan eenay uga xidhxidhnayn ee la yihiin dareenwadaag,waxana jira gabayo badan oo taas tilmaamaya,hadda aan eegno gobanimo doonkii Afrika iyo Aasiya Gabaygan wuxu Timacade ku timaamayaa Gaandi iyo Labuumbe iyo Maxamuud Xarbi Kamaaludiin iyo geesiyaasha Afrika:

Qaramadan gadaal kacay Qarbigu waa gediyaaye

Gobanimada lama doonayaan gadasho mooyaane

Wiilkii garaad lagu tuhmoba way ka gurayaane

Gardarriyo is yeelyeel horaa Gaandi loo dilaye

Kamaaludiinba qaar baw gabbaday qaatay giniyaade

Xarbigii guntaday bay qunbalado haad u geliyeene

Geesiga madaw uma ogola guusha reer yurube

Geeridii Labuumbaa wadnuhu noo gig leeyahaye

Waxa gabaygani si cad u tilmaamayaa in dadkani yihiin dad Adduunka la socda oo la jaanqaadaya dhacdooyinka jira,kana qaadanaya qaybtooda kaga aaddan ee lama huraanka ah.
Markaa gabaygu waa Aalad loo adeegsan karo dhinacyo badan iyo wejiyo badan oo kala geddisan,oo mid kasti fulinayso hadaf go'an oo markasta saamaynteeda iyo raadkeeda leh.
Diinteennu waxay ka qabto ama halkuu kaga jiro haddaan wax ka taabanno,waxa inoo caddaanaysa in la kala qaybiyey Gabayga,oo uu metelayo sida hadalku u leeyahay mid xun iyo mid wanaagsan,isla markaa abaal marintiisu ku salaysan tahay hadba noociisa,waxa jiri jirey waqtigii Islaamka ee Rasuulku Nabad gelyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee uu joogay,in la gabyi jirey laakiin gabaygu ku sargo'naa shareecada,oo aanu haba yaraatee xadgudub iyo khalad midna lahayn,oo ay jireen Gabayaa caan ahaa oo Asxaabtii ka mid ahaa sida Kacab ibnu Maalik iyo Xasaan ibnu Saabit,dumarkana waxa ka mid ahaa Khansa iyo Raabica Cadiya oo lahaa Gabayo aad u qiimo badan oo dhaxalreebay oo noolaynta dacwada Islaamka qayb ka ahaa,waxase la reebay Gabayga kiisa xun ee ama Aflagaaddo ama ceeb kale soo bandhigaya,waxa Aayaddaha quraanka ee suuradda Shucaraa oo loogu magcdaray Gabayaaga(Ashucara)waxa ay tilmaan ka bixinay in gabayaagu meel kasta afka la gelayo,oo odhanayo wax aanu samaynayn,waxa laga soo reebayaa Gabayaaga Muslinka ah ee ku xadaysan mar kasta waxa diintu u bannaynayso ee aan edaabta iyo akhlaaqda marna ka talaabsanayn,ee Illaahay mar kasta xasuusan ereyadiisana waxa diintu ogoshahay ku saleeya,oo ku sheega sida naseexaynta iyo waanada ama dhiirri gelinta khayrka iyo ka dardaaranka xumaha oo markasta ay ku dheehan tahay in dhaqanka suubban iyo akhlaaqda wanaagsan laysku boorriyo,oo waxa madarrada iyo dhibaatada bulshada u keenayana looga digo sida: Qaadka,Qabyaalada, Shaqaysi la'aanta iyo waxbarasho la'aanta,dareenla'aanta wadaninimada…iwm. bal aan eegno Aayadda Gabayaaga ka hadlaysa:
والشّعراء يتّبعهم الغاوون ألم تر أنّهم في كلّ واد يهيمون وأنّهم يقولون ما لا يفعلون إلا الّذين ءامنوا وعملوا الصّالحات وذكر الله كثيرًا وانتصروا من بعد ما ظلموا وسيعلم الّذين ظلموا أيّ منقلبٍ ينقلبون(الشعراء)
Aayadda:Shucarada iyo Gabayaagu waxa ay raacayaan hawadooda iyo xadgudub, miyaanad arag meel kasta afkay la gelayaan,oo waxa ay odhanayaan wax aanay samaynayn,marka laga reebo kuwa Alle iyo Nebiga rumeeyey ee Muuminiinta ah,ee camalka wanaagsan sameeyey ee Alle xusay in fara badan,ee guulaystay ka dib markii la dulmiyey,waana ay ogaan doonaan kuwa la dulmiyey cidda guulaysan doonta.
Verse:And poets,it is those straying in evel who follow them:seest thou not that they wander distracted in every valley?
And that they say what they practice not?except those who believe,work rightiousness,engage much in the remembrance of Allah…
Gabayada soomaalidu tirisay in badan baa huwan sifo diini ah,oo Illaahay iyo Awooddiisa ama koonkan iyo Uumiyaha ku dhaqan iyo cajaa'ibtiisa iyo sida Illaahay u khalqay ka hadlaya,sidoo kale waajibaadka iyo amaanada Insaanku sido ee xambaarsan yahay wax ka sheegaya,sida gabayga odhanaya:

Allaahu akbar Eebbow

Amaan badanihiiyow

Ma illaawihiiyow

Kii ku Arkayow Eebbow

Isna Aan la arag Eebbow

…………………………

.

………………………….

………………………….



Waxa gabay kale oo diini ah odhanayaa isagoo sharraxaya dhawr Aayadood oo mid tilmaamayso in san ku neefle dhamaantii uu yahay qowmam ama ummado idinla mid ah,iyo Aayadda sheegay in wax kasti Illaahay u tasbiixsadaan laakiin aydinaan fahmeyn tasbiixdooda,iyo Aayadda sheegaysa in qudhaanjada hadalkeeda uu Nebi Suleymaan maqlay oo fahmey kuna qoslay oo Illaahay u mahadnaqay,maadaama uu fahansiiyey waxay qudhaanjadu ku wada hadlay wuxu gabaygu yidhi:

Wax kastoo Qadhaabtoo

Quudkooda raadsada

Waa Qoomam kula mida

Qaadirkaa Abuuroo

Qaabkoodan siiyoo

Qormo hadal u gaaray

Qorshohooda ku fushaan

Adigu waanad qoolayn

Oo macnohooda qabanayn

Qudhaanjaba Suleymaan

Qawlkeeda garayoo

Qaadirkii u mahadceli

…………………………

…………………………

…………………………

Gabay kale ayaa Saamaxaadda iyo is cafinta iyo isu dulqaadashada iyo ka fogaanta qabyaaladda ee ay diinteennu dhigayso dadka ku boorrinaya:

Hayeeshee dulqaadkiyo

Saamaxaadda Diinkuna

Waa dariiqo kuu furan

Sharciguna ma diidana

Xumo xumo ku daahiri

Yaan dooda laga dhigin

Dab munaafaq uu shiday

Ayaan daacad lagu gubin

Dugsi ma leh Qabiilkuye

Yaan dalaayad laga dhigan

Waxa timacade ku Tilmaamayaa gabaygan dhaqanka iyo akhlaaqda diintu ina farayso sida loo dayacay,waxa ka dhashayna yihiin wax aynu kasbanay oo abaal marin ah:

Gobanimadan haysaniyo Diinta laga giigay

Gabdhahani gadhkiyo laabta iyo guladdadii muujey

Ee timihii wada gaabiyee gedeftii loo sheegtay

Dhalinyaradan sida geed la riday gees walba u feedhan

Halkuu galabta jooguu nabsigu gaadhka ka hayaaye

Caloolxumo halkii lagu guntoba way gabaabsiyiye

Goortaan ladnaanoba haddii gaal yar la is moodo

Illaahay ganaaxiisu waa galabsigeeniiye

In ay samadu naga gaagaxdaa gar Alla weeyaane

Gugaan weynay dadyohow waa gefkii dhacaye

waxa sidoo kale Timacadde tilmaamayaa Cibaadada Eebbe,iyo tusaalayn uu ka bixinayo Adduunka iyo Aakhiro.

Mulkigu waa ka Illaahayoo

Maqaam waa ka Rasuulkoo

Macnena waa ka Quraankoo

Macaan waa ka Fardowsoo

Maalintay murugtee

Makhluuqaadka dhamaantii

Macbuudkii ina uumay

Intuu meel wada keeno

Milicda saaro dusheeneen

Ninna mood iyo nool iyo

Maahu' deeqa lahayn

Kuwa naartu la meertay

Ama maanku ka guurayee

Madoobaaday jidhkoodu

Maaligoow ha na yeelin

Gabaygu door aad u weyn ayuu kaga jirey bulshada sida ay xidhiidhkeeda dhan kasta ah ugu gudbiso welina doorkiisii wuu jiraa,tiknoolajiga iyo qalabka cusub ee soo baxay inay xoojiyaan mooyee marna halis kuma hayaan,run ahaantii waxay suura gelisay in ay hawl yarayso in si degdega ay u gudbi karaan una gaadhi karaan maansooyinku meelo aad u kala durugsan,sidoo kale intrnedada iyo webabka jira waxay fududeeyeen in ay kulmaan dad fara badan oo tartan ku sameeyaan si wanaagsan oo dheelitiran,waxana aad xusid u mudan Webabka oo sabab u noqday inay soo baxaan rag cusub oo nasin kara Abwaannadii hore,oo laga werwer qabey ragga kala wareegi doona xilka,haddase kalsooni fiican ayaa Abwaannada cusubi Ummadda siiyeen,waxanan ku dhiirrinaynaa in ay xoogga saaraan dhinaca Diinta,oo aanu marna ka bixin waxa diintu inoo ogoshahay, dhaqanka iyo toosinta iyo wacyi gelinta ayaa wax badan inaga sugaysa,waayo marxalad kasta baahideeda ayaa la eegaa.
Gabayga doorkiisu waa mid aad u sarreeya oo raadkuu lahaan jirey iyo saamayntii uu lahaa ilaa iyo weli huwan oo aanay ka duugoobin,mar labaad waxa mudan in la xuso loona mahadceliyo Shebekadaha ama Websaydyada xilka iska saara noolaynta Suugaanteenna qaniga ah,iyo Abwaannadeenna caanka ah ee mar kasta u heellan noolaynta Suugaanta iyo gacan qabashada iyo badhi taaridda Abwaanka cusub Illaahay Cimri dheer iyo cibaado suubban ha siiyo Aamiin.

Saeed Ibrahim Hussein
As/w/w
 G


Bookmark and Share

No comments: