Eng: Faysal Cali Waraabe Oo Xukuumadda Siilaanyo Ku Dhaliilay Habac-Sanaan Xaga Amniga Ah

Medeshi


TUESDAY, 14 SEPTEMBER 2010
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in ay xukuumada talada dalka haysaa aad u dayacday
sugidii amaanka xuduudaha, sidoo kale waxa uu shacbiga Somaliland ugu baaqay in ay wada ilaashadaan oo ay dhinac uga soo wada jeestaan cadawga ku soo duulay ee raba in uu nabadooda carqaladeeyo.
Sidoo kale waxa uu sheegay in cadawga ugu wayn ee Somaliland uu yahay dalka Erateria oo isagu caadaystey wax ka sheegida dalkan, in badan ku mashquulsanaa in uu wax u dhimo nabada iyo xasiloonida ay ummada Reer Somaliland samaysteen.
Waxaanu xukuumada Axmed Siilaanyo u soo jeediyey in ay si siman ugu qaybiyaan dhaqaalaha dalka dhamaan gobolada dalka oo dhan si loo helo dad wadaniyad ku beeran tahay oo wadankooda difaacda.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe Waxa sidaasi ku sheegey mar uu xalay wargeyska Haatuf kula soo xidhiidhay khadka tilifoonka, kana hadlay arimo badan oo taagan, waxaanu ugu horayn ka hadlaya dhacdada kooxda ku jira buuraleyda Maar-Maar ee Gobolka Awdal, waxaanu yidhi “Maanta Somaliland khatar ayey ku jirtaa waxaad moodaa in Bari iyo Galbeed-ba lagaga soo duuley, hadii aan talaabo cad laga qaadina khatar ayey dalka ku noqonaysaa, shacbiga reer Somaliland ee lagu soo duulayna waxaan leeyahay hadii aad sidaad markii horeba iskugu duubneydaan aad iskugu duubnaataan cid wal oo idinku soo duushay waxba idinka qaadi mayso, waxaan leeyahay waa la inagu soo duulaye waa in aynu dalkeena wada difaacano”



Guddoomiyaha xisbiga mucaarika ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlayey warkii ay ku soo bandhigeen xarunta C.I.D Taliyaha Ciidanka Booliska Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal) iyo Jananka Ciidanka Milatariga Gen. Nuux Ismaaciil Taani ee ay ku soo bandhigeen Hub, lacag ta Erateria ah oo rag aan la garan wali waxa ay u socdeen, balse la helay cadaymo muujinaya in ay Erateria tababar ku soo qaateen oo la sheegay in ay yihiin 200 askari, hadana ku sugan buuro ka tirsan Gobolka Awdal, waxa uu yidhi “Caddawgeena ugu wayni waa Erateria taas markii horeba waynu wada ognayn, waxa la yidhi dadkani waxay yimaadeen Sabtida oo dadkeena qaar ka mid ah ayaa daabulayey oo buuraha geynayey, inagu waxan maynaan ogaan ee Ethiopia ayaa inagu soo caawisay oo inoo soo sheegtey waxa dalkeena dhexdiisa ka dhacay, waxaan ku baaqayaa in ummada wadaniyad la galiyo oo la baro wadaniyada si ay dalkooda u difaacdaan, hadii taas hore loo samayn lahaa may dhacdeen in dadkeena qaar ka mid ahi ay caawiyaan nimankaas inagu soo duuley,waxa kale oo jira oo dhinaca Buuhoodle inoo fadhiya cadaw kale oo ummadani leedahay, waxa dhinaca bariga ee buuraleyda Galgala ka taagan arin kale oo dhibaatadeeda leh oo u baahan in si wada jir ah ummada Somaliland iskaga kaashadaan, waxa la sheegayaa oo la leeyahay Somaliland Gudaheeda ayaa looga gurmadaa wadaadka la yidhaa Atam, waa arin nasiib daro ah hadii ay jirto”

“Dalkan iyo Ummadani waxay u baahan yihiin in laga daayo danaysiga iyo kursi jacayla oo laga shaqeeyo sidii shacbiga reer Somaliland loo damaanad qaadi lahaa amaankooda, Wasiirada xukuumadan hada talada dalka haysaana waxaan leeyahay danta gaarka ah ee aad ku mashquulsan tihiin iska daayo, ummadiina u shaqeeya, Shacbiga Somaliland ee nabada jecel-na waxaan ku boorinayaa in ay nabadooda ilaashadaan oo ay cadawga ku soo duuley meel ugu soo wada jeestaan”

Mar uu Eng. Faysal Cali Waraabe xukuumada Madaxwayne Siilaanyo baaq u soo jeedinayey waxa uu yidhi “Ummadan waa lagu soo duulay oo waa la soo hareereeyey mar hadii Bariga Sanaag colaad lagaga soo abuuray oo Buuhoodle dab laga soo shidayo, halkii qudha ee loogu qaatey xaga amaanka oo Galbeedka ahaydna hadii ciidamo intaa leeg inagaga soo dageen xeebteenii, arin la dhayalsado maaha ee waa in ay xukuumadu talaabo cad ka qaadaa arintaas”

Waxaanu intaas Guddoomiyaha UCID ku daray isagoo ka hadlaya dabacsanaan uu sheeg

ay in uu ku yimid amniga, waxa uu yidhi “Sidii uu ahaan jiray markii hore Amnigu aad ayuu hoos ugu dhacay oo wuu dabcay, xuduudaheenii way haawanayaan oo xiligii isbadalka wixii ka danbeeyey cid ma joogto, laakiin waxay ahayd in ay xukuumadu xooga saarta amaanka dalka taasina may dhicin, waa in ay Xukuumada Madaxwayne Axmed Siilaanyo marka hore ku fikirtaa in ay ciidamada Amaanka ee ina difaacaya ay mushahar ku filan iyo dhaqaale lagu dhiiri galiyo la siiyo, qorshahaasi wuxuu meesha ka saarayaa in uu cadawgu ummadan ku soo dhiirado” Guddoomiyuhu isaga oo hadalkiisa sii wata Waxa uu intaas ku daray “Waxaan soo jeedinayaa in dhaqaalaha ka soo baxa dalka in ummada Somaliland oo dhan si qiyaasan loogu qaybiyo, taas ayaa Somaliland dhibaato kasta oo ku soo fool leh ka difaacaysa, sababta oo ah dadkii dalkan difaacan lahaa ee cadawga iyagu uga horayn lahaa Ciidamada ayey taasi dhiiri galinaysaa”.
 Xigasho Haatuf


Bookmark and Share

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay