Dawlad Fuddud Dadkoo Is Dhalan Roggiyo Daanyernimaa Dhaanta.!!!

Medeshi


Dawlad Fuddud Dadkoo Is Dhalan Roggiyo Daanyernimaa Dhaanta.!!!
W/Q : Maxamed-Amiin Dahir Caynaanshe
Karaamadii madaxweyne Siilaanyo lagu doortay meeday?Maxaa umadii durbaanada siddatay qaalada baday?ma qorshahii  iyo qaybtii laysku ogaa baa wax iska beddaleen? Maxaa umaddii saluugan baahay ugu wacan?Taariikhdii SNM iyo guulaheedii dusha laga huwin jiray Siilaanyo maxa manta u diiday inuu isticmaalo? meeday karaamadii nin barri carooga u siddan jiray.
Dabaylahan iyo xasilooni darrada isa soo dhex taagtay mushtamaca reer Somaliland waa mid aan loo baahnayn oo ay kaliftay dawlada Siilaanyo fudeyd baana sabab u ah.Dadka in yar ayaa aaminsan in dawladu  ay wadadii fiicnayd ay hayso, waxa se su’aashu tay dhankee ayay tiradaa yari wax ka eegayaan? Ma dhanka qaybinta dawlada siilaanyo ee dhanka ka raranbaa? Ma intii Siilaanyo la ogeyd qorshahiisa hoose ee qabyaaladaa?ma intii aan siyaasadda Siilaanyo ee qabyada ah fahminbaa?ma nabadii umada jilicsan ee tabcaanka ah lagu khuukhin jiray? tiradaa yar waa la fahmi karaa dhanka ay wax ka eeggeen haddii aynu u kuur galo waxaan se u dhaafayaa shacbi weynaha sharafta iyo qiimaha leh in ay muurmuuriyan sababta qaladka ay isu barbar tageen.

Madaxweyne Siilaanyo, intii uu xilka qaranka gacanta ku dhigey ama loo doortay waxa dhacay faddeexado aad u waaweyn oo lafa jab iyo nusqaaba u soo jiiday Dawlada Madaxweyne Siilaanyo gadhka hayo iyo qarankii JSL. Dawladan cusub ee Madaxweyne Siilaanyo, waxa ay sharciyeysey dhaqamo laga xishoon jirey oo aan hore looga baran hogaamadii soo marray JSL, runtiina lays weydiinayo sidda ay dhamaan dawlada siilaanyo ugu dhiiradeen ficiladdan foosha xun ee kalifay in min bari ilaa galbeed marqudha shacbigii isla oogsaddo mudaharaad iyo diidmo laxaad weyn oo ay kagga soo horjeedaan xukuumadiisa waana ficil durba muujiyey fuddeydka xukuumada dawlada cusub ee Siilaanyo.

Waxa dawladda Siilaanyo nabar aan yareyn ku noqday markii ugu horeyseyba dadkii uu xilka u doortay intoodda badan oo shacbigu niyo xumo weyn iyo diidmo ka muujiyey waayo?Siilaanyo  shakhsiyaadka uu xilka u doortay shacbigu waxa uu ka muujiyey walaac aad u weyn  waxaanay dhaleeco iyo canbaarayn waafiya ka muujiyeen kuna tilmameen karti daro iyo masuuliyad darro ay hore ugu yaqaaneen qaarkood halka ay kuwa kale ku tilmaameen in ay aqoon hore u leeyiin una soo arkeen xilal loo igmaday oo ay guddan waayeen ama u guteen si bulshada wax yeelo ku ah.
Innagoo ogg in garashada iyo adeegsiga caqliga fiican Rabi ruuxba si u galiyey hadana Siilaanyo qaladaadka inta uu la badheedhayo ayaa badan waayo?hogaanka bulshada goobbo baddan iyo xiliyo kala duwan ayuu soo maray oo hogaamin qaangaadha lagu  kasbado balse aan ka muuqan, sidda innooga muuqata hab-maamulka Siilaano intii uu Guddomiyaha Kulmiye ahaa iyo muddadan yare ee uu hoggaankii umada reer Somaliland loo doortay waxa kuu caddaynaysa in uu badheedhayo wixii uu shalay isagoo mucaarid ah diidanaa ayuu manta sharciyeynayaa.
Dawladiisu kuma dhisna cadaalad iyo xukuumad wadaag, kumana dhisna nidaam wanaagsan oo mushtamucu isla qaatay oo ay ku niyo sanyiin,dhanka kale kuma dhisna nidaam waafaqsan hab beeleedkii cidwalba u jaxaasnaa ee hore loogu soo caano maalay.deegaamada iyo gobolada dalka waxa shacbigu ka muujiyey diidmo iyo kacdoon siyaasadeed oo lagala hor yimi maamulkiisa.sababaha ugu waaweyn ee kalifay kacdoonka dalkoo dhan saameeyey waxa uu yahay ama sababo looga digayaa waa sida tan.

-Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu dawladiisii ka simay oo uu xilkii u dhiibay reerka uu dhashay iyo reer ka mida beelaha JSL oo uu yidhi way I doorteen sida taatiikhdu dhigaysana mushtamaca reer Somaliland baa doortay balse wuu beeniyey arintaa si xaqdaro ahna waxa uu ku qadiyey beelaha qaar.

-Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu Cable-kii si aan gabasho lahayn ugu sexeexay shakhsi qudha isagoo muwaadiniintii dalka daadifeynaya codkooda iyo xuquuqdoodaba taasina nidaam kali talisnimo ah,waana nidaamkii uu shalay kasoo horjeedey ee uu ku dhaliilayey madaxweynihii xukunkaka JSL ka degey.

-Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu maxsharkii xoollaha siiyey ganacsade ay isku reer yiin isagoo jabinaya ama ganafka ku ciddii kale ee isku deyda in ay ka qayb qaataan ganacsigaa xorta ah.

-Arintan cusub ee layaabka lihi waxa ay tahay  “Qorshahan Cusub Ee Lacag Beddelida Ah”xeeshani waxa ay iyana tahay mid ay soo unkeen ganacsato reerka madaxweynaha ah oo hore bakhaaro ugu xareeyey giinbaartii boqolboqolka ahayd taas oo warar xogogaal ahi ay sheegayaan in ilaa koonfurta dalka laga soo urruriyey lana doonayo in hada lala hoos cararo lana fuliyo balan qaadyadii iyo balamahii hoose,Lacagtaas giinbaarta ah waxa dalka laga bedeley wakhtigii dagaaladii sokeeye ee maamulkii Alleh ha u naxariistee Ina Cigaal, wakhtigaas oo deegaankaasi ay u sahlaneyd in ay si fuddud u bedelaan lacagtaa giinbaarta ah una qaataan tii JSL.

Madaxweynuhu waxa uu weli ku foogan yahay kala gurka iyo kala xigtaysiga mushtamaca reer Somaliland waana arinta sababta u ah in bulshada balaadhan uu qaranku ku dhisanyey ay dhabarka u jeediso xukuubada Siilaanyo.Su’aasha mihiimka ah ee aynu u baahany in aynu is weydiinaa waxay tahay qarranka JSL ma waxa uu ka kooban yey inta yar ee ku xeeranbaa mise karaamada iyo haybada qaranku waa dhamaan beelaha reer Somaliland oo dhan.

Maxamed-Amiin Dahir Caynaanshe


Bookmark and Share

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay