Cabdi Maxamuud: Waxaan ka dilnay 123 askari

Medeshi


Cabdi Maxamuud: Waxaan ka dilnay 123 askari

Madaxweynaha Ismaaamulka Soomaalida ee Ethiopia, Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay inay dileen 123 ciidamo ah oo uu sheegay inay ku soo tababarteen Eritrea.
Isagoo u warramayay BBC ayaa waxa uu sheegay in ciidamadaasi oo gaarayay 240 ay dhawr maalmood ka hor ka soo degeen xeebta Somaliland, una soo gudbeen gudaha Ethiopia.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dagaalku ka dhacay deegaanka la yiraahdo Shabeelleey oo ah gudaha Ethiopia.
Cabdi Maxamuud Cumar waxa uu sheegtay inay sidoo kale ay dagaalka ku qabteen hub iyo qaar ka mid ah ciidamaasi, oo uu ku tilmaamay inay yihiin nabad diid, qaarna ay ku hareereeysan yihiin hadda.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ragga ay hayaan uu ka mid yahay mid ka mid ah saraakiishii hogaaminayay ciidanka.
Ciidamadan ayaa wararku ay sheegayaan inay ka tirsan yihiin jabhadda ONLF, oo qaar ay la heshiiyeen dowladda Ethiopia, qaarna ay wali la dagaallamayaan.
BBC

Bookmark and Share

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay