Xoogagga Al-Shabaab oo laga celcelinayo Isgoyska Dabka ee Waddada Maka Al-Mukarrama

Medeshi


Jimco, August 27, 2010(HOL): Dagaal xooggan oo galabta ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha ayaa wuxuu keenay in fariimo ay labadaas Isgoys dhexdooda ku lahaayeen Ciidamada Dowladda iyo Ahlu Sunna lagala wareego.

Dagaalka oo dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Ahlu Sunna Waljamaaca oo isku dhinac ah iyo Xoogagga Xarakada Al-Shabaab ayaa waxay dhinacyada uu dhexmaray isugu adeegsadeen hub aad u culus iyo rasaas yar yar, wuxuuna dagaalka ugu dambeyntii ku dhawaaday Isgoyska Dabka oo muhiim u ah isu socodka madaxda dowladda Soomaaliya.

Markii Xoogagga Shabaab ku soo dhawaadeen Isgoyskaas ayaa la arkayay Taangiyada Ciidamada Amisom oo madaafiicda ka tuuraya Isgoyskaas una ridaya jihada ay ka dagaallamayeen xoogagga Al-Shabaab. dagaalka galabta ka dhacay inta u dhaxeysa labadaas Isgoys ayaa waxaa ku dhintay ilaa 10 ruux oo u badan dad rayid ah, tiro kale oo intaas ka badanna waa ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada Dowladda iyo kuwii Ahlu Sunna ee ku sugnaa inta u dhaxeysa Isgoysyada Bakaaraha iyo Dabka ayaan ilaa iyo haatan la ogeyn meesha ay qabteen, waxaana hadda aaggaas ka dagaallamaya oo isaga soo horjeeda Al-Shabaab iyo Amisom.

Tan iyo markii ay Al-Shabaab dagaalka ku dhawaaqeen Isniintii aanu ka soo gudubnay waa markii labaad oo ay ku soo dhawaadaan Isgoyska Dabka oo Istaraatiiji u ah Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Amisom ee ilaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Inj. C/raxmaan Yariisow oo ka hadlay abaabullada dagaal ee Alshabaab ayaa sheegay In ay Al-shabaab dooneyso in ay la wareegto xarumaha Dowladda hayeeshee ay dowladda taas difaac adag uga jirto.
HOL

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay