Xildhibaan Gobolka Sanaag kasoo jeeda oo Madaxweyne Silaanyo ku dhalliilay inaanu Siinin Xaqii ay Beeshiisa ku laheyd Kulmiye

Medeshi


Hargeysa, (sli) - Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee laga soo doorto Bariga Gobolka Sanaag, kana soo baxay Xisbiga KULMIYE, ayaa dhalliilo kulul u jeediyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo uu ku eedeeyey inaanu Xukuumadda uu soo dhisay Madaxweynuhu saamigii ay Beeshiisu xaqa u lahayd ka siinnin, isla markaana waxa uu Xildhibaan Bulqaas ku hanjabay haddii aan arrimaha jira hoos loo eegin inay Beeshiisu si cad u tashanayso.
Md. Maxamed Cismaan Bulqaas oo shalay shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa uu ku dooday in Xisbiga KULMIYE uu Xildhibaan ahaan naf iyo maalba dul-dhigay, door-weyna isaga iyo Beeshiisu ku lahaayeen guushii KULMIYE ee Madaxweyne Siilaanyo kursiga ku fadhiistay, hase ahaatee, aanu Md. Siilaanyo haba-yaraatee wax tixgelin ah siinnin Beesha Bariga Sanaag, gaar ahaan Beesha uu Xildhibaanku ka soo jeedo.

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay