Wasiiro Ka Tirsan Xukumada Siilaanyo oo Is Casilaaya iyo Khataraha ka Dhalan kara

Medeshi
 

SUNDAY, 29 AUGUST 2010
Hargaysa(TogdhNews ) Wasiirada Wasaaradaha Gaashaan dhiga, Ganacsiga, Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo Wasiir ku Xigeenka
Arrimaha Gudaha oo Dhamaantood ka soo jeeda Beelaha Harti ee Dega Gobolada Sool iyo Sanaag ayaa Shalay isku shubay Qasriga Madaxtooyada, waxaanay kulan Garnaqsi ah kala yeesheen Madaxwaynaha Saamiga uu Beelahooda ka siiyay Xilalka uu Magacaabay, waxaana la sheegay inay ugu hanjabeen inay iska casilayaan Xilalkooda hadii aan saamiga loo kordhin Mansabyada Xukuumada Cusub.

Kulankan ay yeesheen Wasiirada Beesha Harti iyo Axmed Siilanyo oo ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen ayaa la sheegay inay u qadimeen Cabasho la xidhiidha Miisanka Mansabyada uu ka siiyay Xukuumadiisa, oo ay sheegeen in aanay siinin Xukumadihii ka horeeyay ee C/raxmaan Axmed Cali, Cigaal iyo Daahir rayaale toona, kuwaasoo ay sheegeen, inay ka ahaayeen mid walba jagooyinka ugu mudan iyo saamiga ugu sareeya ee ay ku salayn jireen Xilalka ay Beelaha u dhiibayee, gaar ahaan waxay farta ku fiiqeen wakhtigii Xukuumadii Cigaal oo ay sheegeen inuu ugu hanjabay inay sheegaan halka ay xadka ka dhiganayaan hadii ay ku kalsoonaan wayaan soo jeedimihiisa.

Wasiiradan ayaa waxay sheegeen Xilalka ilaa hada uu Silanyo Magacaabay oo dhan 78 Xil oo isugu jira Wasiiro Hay’ado Madax banana  iyo Agaasimayaal  ay ku leeyihiin oo kaliya 8 Mansab oo kala ah

1)     Wasiirka Gaashan dhiga

2)     Wasiirka Ganacsiga

3)     Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta

4)     Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha

5)     La taliyaha Arrimaha Barige

6)     Xubin ka mid ah Hayada Shaqaalaha

7)     Agaasimaha Boosaha iyo Isgaadhsiinta

8)     Iyo Hayada Wadooyinka oo ay sheegeen Xilkaasi markii la magacaabayay in soo jeedinta Jagadaasi oo ay lahayeen Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi iyo Chief of Cabeinka Xirsi Xaji Cali Xasan ay ku soo Magacaabeen Beelaha Harti iyo Hawiye, taasoo iyada lafteeduna aana ahayn Xil ay iyagu leeyihiin, waxaanay sheegeen hadii wax laga qaban waayo arrintaa inay is casilayaan isla markaana waxay Madaxwaynaha hortiisa ka cadeeyeen in Hawshii ahayd Xal u helida Gobolada Bariga ee ay Masuuliyiinta u yihiin aan lagu halayn oo aanay waxba ka qaban doonin.

Talaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee soo waajahda Xukuumada Siilanyo oo Beelo dhani saluuga ay ka qabaan Xukumadiisa ugu hanjabeen inay is casili doonaan iyadoo tan iyo intuu wax Magacaabayaba ay isa soo tarayaan Cabashooyin la xidhiidha Magacabistiisa oo la sheegayo inay mar walba dhinac uun ka rarantahay, taasoo bil

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay