Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Macdanta oo Dib ugu laabtay Shaqooyinkii ay ka hayeen Dibadda.


Medeshi
Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Macdanta oo Dib ugu laabtay Shaqooyinkii ay ka hayeen Dibadda iyo Wasaaradahoodii oo Dayacan
Hargays -Labada Wasiir  ee  Arrimaha Dibada iyo Macdanta iyo Biyaha ee uu dhawaan Magacaabay Madaxwayne Axmed Siilanyo ayaa Dalka ka maqan, iyagoo Shaqooyinkoodii ku laabtay ay dibadaha ka hayeen ka dib markii ay la wareegeen Xilalkii loo magacaabay balse aanu ilaa hada ansixin Golaha Wakiiladu.

Sida ay sheegeen warar lagu kalsoon yahay  Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed C/laahi Cumar ayaa dib ugu noqday markii uu Xilka la wareegay Dalka Ingiriiska si uu uga soo fasax qaato Jaamacadii uu wax ka dhigi jiray , taasoo la sheegay inaanay ilaa hada dhinac u kala dhicin , mana cada waxa ay kala yeeli doonaan Mustaqbalka.

Dhinaca kale, Wasiirka dhawaan loo magacaabay Wasaaradda Macdanta, biyaha iyo Tamarta, Eng. Xuseen Cabdi Ducaale ayaa ku hawlan sidii uu uga soo googsan lahaa shirkada Metro oo qaabilsan isgaadhsiinta gaadiidka basaska iyo tareenada iskaga kala goosha gobolka California ee dalka Maraykanka, halkaas oo uu ka shaqeynayey 21 kii sannadood ee ugu danbeeyay. Wasiirkan ayaa Shirkada uu u shaqeeyo ka diyaarisay Macluumaad ku saabsan Xilka  Somaliland looga Magacaabay  iyo Shaqadii uu Shirkadooda ka hayay , warbixintan oo ay ku soo bandhigeen Su'aalo  laga waydiiyay sida uu u arkay  Shaqadan loo magacaabay iyo Caqabdaha soo waajihi doona  waxay u qornayd sidan:

Eng. Xuseen Cabdi Ducaale ayaa sannadkii 1983 kii ka baxay jaamacadda Oklahoma ee carriga Maraykanka isagoo bartay Petroleum Engineering, wuxuu ka shaqo-galay shirkadda saliidda ee Chevron oo uu u shaqeynayey muddo shan sannadood ah intii aanu ka hawlgalin shirkada Metro-ga ee gobolka California, oo uu hadda ka masuul yahay waaxda shiidaalka oo uu maalo in ka badan 100 milyan oo doolar.

Eng. Xuseen Cabdi Ducaale oo magaca baasaboorkiisa Maraykanka ugu diiwaangashani uu yahay Xuseen Faarax ayaa 28 kii bishii July ku jiray hormadii wasiiradda ahaa ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Axmed Maxamuud Siilaanyo. Eng. Xuseen Cabdi Ducaale oo u waramey barta internetka ee shirkadan ayaa mar wax laga weydiiyey maaddaama uu ku shirkadiisu ay ka hawlgasho dhinaca gaadiidka, ilaa heerka ay tayada gaadiidku ka marayso dalkiisa ayaa ku jawaabay "wadooyinka way googo'an yihiin, waxa isdhex maraya basaskii, dameerahii, dadkii iyo baabuurtii yaryareyd...dalku aad buu uga liitaa dhinaca kaabayaasha, caqabada ugu weyn ee aan shakhsiyan iswaajahaynaana waa taas" waxa inta uu ku daray "waxaan ku tagayaa ogolaanshaha xaaskayga iyo caruurtayda, xaaskayga ayaa markii la I magacaabayba ii sheegtay inay tahay hawl-muhim ah oo caruurtayda taariikh u ah oo ay ku faani doonaan dalkaygana baahiyaha yaala aan wax ka qaban doono, waxaan jecalahay inaan dalkayga wax u qabto"

Eng. Xuseen oo haatan ku sii jeeda magaalada Washington, halkaas oo uu kula kulmi doono madaxda ugu saraysa shirkadaas oo kala hadlayo gunaanadka qandaraaska shaqo ee uu hayey, ayaa la filayaa inuu soo gaadho Somaliland badhtamaha bisha September ee inagu soo aaddan.

Maqnaanshaha labadan Wasiir ayaa waxay lafjab ku yihiin Masuuliyadii loo Magacaabay  Xiligan oo ay ahayd inay Dardar galiyaan, gaar ahaan Wasaarada Arrimaha Dibada oo ay Somaliland baahi wayn u qabtay in Dhaqdhaqaaq Xoogleh dibada ka samayso , madaama oo ay Dalka ka dhalatay Xukuumad Cusub lagana sugayo inay Barnaamjkeeda gaadhsiiso Dalalka dibada iyadoo aan ilaa hada la maqlin Shaqo muuqata oo uu Wasiirku  Dalka ugu maqan yahay.

Dhinaca kale Wasiirka Biyaha iyo Macdanta oo Warbixintiisa ku sheegay Duruufaha hor yaala Dalkiisa ee loo Magacaabay inuu wax ka qabto ayaanay isna cadayn waxa uu ku maqan yahay ee uu uga meermeerayo Shaqadiisa oo Dalka u leh Ahmiyad wayn, lagana sugayay inay soo saarto Macdan, Biyo, Shidaal iyo Koronto  arrimahaas oo Dalku baahi wayn u qabo Xukuumaduna balan qaada.

Maqnaanshaha labadan Wasiir ayaan ilaa hada Xukuumadu ka hadal, waxaana suuqa ku jirta sida la sheegayo inaanay ku qanacsanayn Xilalkan loo Magacaabay oo ay ka door bidayaan inay Dhagax laba Shinbirood ku wada dilaan oo ay naawilaan tii hore ee ay Dibada ka hayeen.
Waaheen
Bookmark and Share

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay