War Deg-Deg:Taliyihii Ciidmada Asluubta Gobolka Sool oo Goor Dhaweyd Lagu Dilay Magaalada Laas-Caanood

Medeshi
War Deg-Deg:Taliyihii Ciidmada Asluubta Gobolka Sool oo Goor Dhaweyd Lagu Dilay Magaalada Laas-Caanood‏
LASCANOOD(OODWEYNENEWS)- Waxaa Goor Dhaweyd Dil Toogasho ah lagu dilay magaalo madaxada Gobolka Sool ee Laascanood taliyihii ciidamada Asluubta ee Gobolkaasi Cabdi Ciise Nuur ilaa hada lama garanayo cid ka danabaysay dilka talayaha ciidmada Asluubta ee Gobolka Sool.

Taliyaha ayaa la sheegaya in goor dhaweyd ay tacshhiirad ku fureen rag aan haybtooda la garanaynin waxaana ilaa hada ku daba jooga baadhitaanka arintani Ciidmada Booliska iyo Kuwa Militariga oo iskaashanaya.

Magaalada Laascaanood ayaa xiligani waxa laga soo sheegayaa in guud ahyaanba la xidhay wadooyinka ka baxa iyo kuwa soo gala waxaana dhamaantoodba gaaf wareegaya Ciidmada Milatariga iyo kuwa booliska oo ku raad jooga cidii gaystay dilkani naxdinta leh.

Dadweynaha Magaalada laascaanood ayaa iyaguna arintani ay ku beertay yax yax iyo cabsi iyaga oo xasuusnayaa falalkii isugu jiray qaraxyada iyo dilalkii qorshaysnaa ee lal beegsanayay Madaxda Gobolka iyo saraakiisha Ciidmada Qaranka oo iyaga ay in mudo ahba ka ladnaayeen.


Maaha Markii ugu horaysay ee Fal noocani oo kale ah lala Beegsado saraakiisha ciidamada Somaliland ee Gobolka Sool balse dhawr jeer hore ayaa falal noocani oo kale ah lagu khaarajiyay sarakiil ka tirsan ciidamada Somaliland .

( Oodweynenews )


Bookmark and Share

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay