Sarkaal Ka Tirsanaa Saraakiishii Ugu Magaca-dheeraa Jabhaddii SNM Oo Maanta Hargeysa Ku Geeriyooday


Medeshi
Hargeysa (Oodweyenenews)-

Alle ha u naxariistee waxa maanta magaalada Hargeysa ku geeriyooday Kornayl Cabdilaahi Askar Barkhad oo ka mid ahaa Saraakiishii waa-weynid ee jabhadii SNM, isla markaana imika ahaa wakiilka Somaliland ee Jarmalka.
Rabbi naxariistii Janno ha ka waraabiyee Kornayl Cabdilaahi Askar, ayaa la qorshaynayaa in galabta si heer Qaran ah loogu aaso caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Kornayl Cabdilaahi Askar, waxa uu ciidamadii xooga dalka Soomaaliyeed ku biiray 1967-kii, isaga oo ka soo qalib-jebiyey kulliyadii barashada culuumka milliteriga, isla markaana markii dambe waxa uu dalka maraykanka ku soo qaatay aqoonta sare ee hogaaminta ciidamada iyo tababaristooda.
Alle ha u naxariistee Kornayl Cabdilaahi Askar, waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ciidamadii xoogga dalka Soomaaliyeed ee markii ay u adkaysan waayeen tacadigii iyo gumaadkii lagu hayay bulshada reer Somaliland u badheedhay inay dagaal naf-hurnimo ah kala hortagaan taliskii Siyaasad bare, isaga oo ka mid ahaa saraakiishii hogaaminaysa jabahaddii SNM ee dib-u-xoraynta Somaliland.
Waxa uu ahaa sarkaalkii 13-kii April 1983-kii markii ay ciidamadii Taliskii Af-weyne qabteen Cabdilaahi Askar, oo markaa magaalada Hargeysa ka fuliyey hawl-galo qarsoodi ah ay Xerada Birjeex kala baxeen koox uu hogaaminayey Geesigii Ibraahim Ismaaciil Koodbuur oo ahaa Gaashaanle Dhexe oo ka tirsanaa xoogga dalka Soomaaliyeed waxaana uu si qarsoodi ah uga tirsanaa ururkii SNM. Mmarkii dambe ka noday Saraakiishii SNM.
Taariikhdii Kornayl Cabdilaahi Askar oo dhegaysi ah, waxa aanu idiinku soo gudbin doonaa wararka dambe.
Ugu dambayntii Madaxda iyo hawl-wadeenada shabakada wararka ee Oodweynenews.com, waxa ay tacis u dirayaan   Guud ahaan ehelkii, qaraabadii, SNM iyo shacabweynaha Somaliland geeridaa naxdinta leh eek u timi Kornayl Cabdilaahi Askar, waxaana ay ilaahay uga baryayaan inuu Jannaddii ka waabiyo.


Bookmark and Share

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay