Mr.Siilaanyo Wasarrada Cafimaadku Wasiirbay Leeday Ee Maxaa Ku Daba Dhigay Shaqadeeda faragalintu maxay tahay.!!!

Medeshi


Mr.Siilaanyo  Wasarrada Cafimaadku Wasiirbay Leeday Ee  Maxaa Ku Daba Dhigay Shaqadeeda faragalintu maxay tahay.!!!
Dawlada Madaxweyne Siilaanyo  waxa ay si xad dhaafa meel ka dhac ugu wadaa xilkii loo doortay iyo muuqaalkii guud ee qaranka JSL ee umada ka dhexeeyey. Madaxweynaha aynu dooranay waxa uu meel kaga dhacay wasiiradii  uu shaqada u igmaday in ay la qabtaa waxa uu u gacan dhaafay shaqadii uu wasiirada u dirtay ee ay qaranka u hayeen runtiina ay ahayd in aad tixgeliso wasiirka shaqadaa xirfadeeda iyo aqoonteedaba leh  sida mushtamaca iyo xubnaha dawladadu u texgelinayaan xilka ay kuu doorteen  ee aanay kuugu gacan dhaafeynin.madaxweyne is weydii sababta uu Dr. Ahmed Yusuf Obolos  oo ah aqoonyahan xog-ogaal u ah Hospitalka uu yididiilo xumuda iyo cadaalad darad ficilkan aad ku magacwday madaxda cisbitaalka Hargeisa ee ay ahayd in wasaarada caafimaadku ay magacowdo shaqadeedana ay ahayd.
Madaxweynaha meel kadhaciisu kuma koobna uun gacan dhaafka ee waxa uu shaqadii wasaarada ka banaanayd uu geeyey dad uu isagu wato gacantana hayo waana meel ka dhac aad u weyn loomana baahna in dhaqankii Siyad Barre ee umadani ka dagaalanta ee aad madaxda ka ahayd uu ka suurto galo adiga laftaaduna fuliso ama aad umada u hor seedo wixii hore looga dhiidhiyey.Dhanka kale waxa ah ficil lala yaabo in madaxweynaha beesha dhan ee taariikhda iyo tayada umadeed ee qaaliga ah leh  ka qadiyey dawladiisa ee hadana weliba faragalinta ay ku hayaan isaga iyo la taliyayaashiisu iyo wasiiradiisa badhkood ay sida badheedhka ah ugu xadgudbayaan.Miyaan la odhan karin dawladan Siilaanyo reerbay buraashadaha u soo dhansatay halkii laga filayayey in ay howlaha qaranka tafta u gaabsato xeel iyo xiniin waxay hayaana ay mushtamaca wax ugu qabtaan oo ay ku mashquulaan wax qabad muuqda.
Sida ay shacabka reer Somaliland ay wadda arkaan waxa weeye  in beesha Madaxweynuhu ka soo jeedaa aanay wax denbiya ku lahayn dhaqamada aan wanaagsaneyn ee madaxweyne Siilaanyo iyo kalkaaliyayaashiisa naxligu ay ku dhaqmayo  iyo qaddarin la’aanta uu ku hayo beelo ka mida mushtamaca reer somaliland.Sida ku cad taariikhda aan is dhalan rogin waxa uu siilanyo si badheedha uu u kala xigtaysanayaa umada reer soomaliland taasina waa qaran la’aan waxanay abuuraysaa dib u dhac horleh oo hadana ay umadani dib u mudato  waxase is weydiin leh maxay tahay fa’iidada ugu jirta mushtamacan  uu qadinayo ee uu ka ilaalinayo dawlada umada ka dhexaysa?Waxa kale oo is weydiin mudan ma fahan san yey in aanay suura geleynin in qaran loo simanyey cidi yed u yeelan karin sidii hanti u gaara ama dhaxal looga dhintay?.Waxaan leeyey buur iyo dayax toona sacab laguma qarin karo.
 
Waxa nasiib-daro weyn  ah oo jaarka iyo qaranka reer Somaliland meelka dhac  ku ah dhaqamada aan wanaagsaneyn   ee Madaxweyne  Ahmed M.M Siilaanyo laasimay kuna anqariyey dawladiisa curdinka ah.  Sida uu ula dhaqmay umada qaranimada Somaliland ku dhisantay iyo dhamaan mushtamaca reer Somaliland ee sida waafiga ah ku siiyey foodkoodii .Sida xaqiiqadu tahay waxa laga filayey  waji cusub iyo caafimaad horleh oo umada reer Somaliland oo dhami ay kuwada diirsato waxa laga rajeyneyey in isbedel weyn uu ku sameyn doono dhaqamo aad u fool xumaa oo sharci laga dhigtay oo ay ugu horeyso cadaalad darada,boobka xoolaha qaranka,isku dirka beelaha reer Somaliland iyo horu mar la’aanta dhan walba ah ee lafa jabisay qaranimada umada reer Somaliland ee mudada dheer dhibanayd.

Mr. Madaxweyne waxaan kugula talinayaa reer la qadiyo iyo kuwo loo sad buriyo qaranimo maaha Rabaa igu oge waa ceeb kabaahira iyo nusqaan hogaan umadeed  lagu tilmaamo dhaartii qaranku ku dhaarshay waad baal martay manaad fulinin shuruudihii hogaankan astaanta u ahaa.Mushtamacani maaha inta yare ee aad eexada iyo xaglinta xilka qaranka aad ugu loogtay ee aad tidhi hayb iyo xigto ayeynu nahaye hooya inta kalana yeelkood.Mushtamaca reer Somaliland waa ka balaadhan yahay inta kula xulufada  ah(kula siyaasada ah) shacbiguna aqbalimaayo in kii ay doortaanba ku tunto xuquuqdooda iyo karaamada qoomiyadeed ee sharafta badan.Waxaan ku leeyey mudo gaaban gudaheed waa in aad qaladkan saxdaa hadii kale adaa cirka roob ku og.
Waxaan mushtamaca reer somaliland ee sharafta badan u rajeynayaa hogaan dhaama kan iyo maamul cadliya oo dhaya boogahooda iyo baahidoodaba.!!
Maxamed-Amiin Dahir Caynaanshe
Columbus,Oh/Usa

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay