Madaxwaynihi Hore ee Somaaliland Daahir Rayaale oo Kulan la yeeshay Meles Zenawi iyo Nuxurka Kulanka

Medeshi


Madaxwaynihi Hore ee Somaaliland Daahir Rayaale oo Kulan la yeeshay Meles Zenawi iyo Nuxurka Kulanka
MONDAY, 30 AUGUST 2010
Hargaysa-(TogdhNews)-Madaxweynahii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo habeen hore soo gaadhay caasimadda dalka Ethiopia ee Addis
 Ababa isagoo ka soo kicitimay dhinaca  magaalada Jibouti ee jamhuuriyadda Jibouti  oo uu uga soo gudbay dhinaca iyo dalka faransiiska   ayaa wuxuu saaka oo isniin ah xafiiskiisa kula kulmay Ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia Melez Sanawi sida ay sheegtay Idaacadda qarranka Ethiopia laanteeda afka amxaarigu.

Md  Rayaale wuxuu kulankani oo sii qorshaysna ku wehelinaayey Wasiirkiisii Macdanta iyo Biyaha Cismaan Sheekh Maxamed oo isaga ku wehelinaayey safarkiisa, Idaacaddu waxay sheegtay in Ra’isal wasaaraha Ethiopia Sanawi uu u ammaanay Md Rayaale sidii uu u wareejiyey xilkii madaxtinimada Somaliland dhawaan isla markaana wuxuu ku tilmaamay Madaxweyne Rayaale inuu saaxiib weyn la ahaa dalka Ethiopia.
Idaacaddu waxay intaasi ku dartay inuu maanta la kulmi doono Madaxweynahu saraakiil kale oo ka tirsan dawladda Ethiopia oo ay ka mid  yahiin wasiirka arrimaha dibadda dalka Ethiopia Zium Masfin iyo Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda dalka Ethiopia Dr. Tekedu Aleme, Idaacaddu faah faahin kama ay bixin arrimaha lagu soo qaaday wada hadalka dhex maray Melez Sanawi iyo Madaxweynahii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin aan ahayn in nuxurka wada hadalku ahaa mahad naq uu Ra’isal wasaarahu faraayey Madaxweynahii hore ee Somaliland.
Madaxweyne Rayaale ayaa todobaadkii hore wuxuu sidoo kale socdaal ku soo maray dalka Jibouti oo uu muddo seddex maalmood
 ah ku sugna ma cadda inuu Madaxweyne Rayaale la kulmay Madaxweynaha Jibouti.
Xidhiidhka Dawladda Cusub ee Somaliland ee Axmed Siilaanyo iyo Dalka Ethiopia oo la daris ah ayaa maalmahii ugu danbeeyey waxaa soo dhex gallay guux siyaasadeed wallow Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Somaliland Mud. Maxamed Yoonis Cawaale  maanta mar qaar ka mid ah warbaahinta uu la hadlay uu si taxadarleh u sheegay inaanay haba yaraate jirin in xidhiidhka labada dhinac uu xumaaday, wallow Wasiir ku xigeenku uu ku eedeeyey Dawladdii Madaxweyne Rayaale inay u gudbisay Dawladda Ethiopia war khaldan oo lagu xidhiidhinaayo xubno wasiiradda Xukuumadda Siilaanyo ka tirsan inaanay xidhiidh la leeyahiin kooxo xagjir ah.

Bookmark and Share

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay