Gudoomiya Xisbiga UDUB ee Gobolka Awdal Borama oo Jeelkana loo taxaabay

Medeshi
Gudoomiya Xisbiga UDUB ee Gobolka Awdal Mudane CabdiCasiis Xuseen Raage oo Booliska Borama kala degeen Gaadhiga uu Saarnaa Jeelkana loo taxaabay
Borama(Saylac.com)- Saaka waxa suuqa Boorama dhexdiisa laga qabtey Gudoomiyaha Xisbiga Awdal  Mudane CabdiCasiis Xuseen Raage . Gudoomiyaha oo gaadhigiisa iskaga dhex wata Suuqa Borama ayaa waxa soo garab joogsaday Gaadhi uu Watey Badhasaabka Gobolka Awdal oo ay saarnaayeen laba askar oo Ilaalaada Badhasaabka gobolka Awdal. Gudoomiyaha Xisbiga UDUB ee Gobolka Awdal Mudane  Mudane CabdiCasiis Xuseen Raage  oo isagoo ku sugan Jeelka Borama khadla Telefoon kula soo xidhiidhay Shabakada Saylac.com ayaa noo sheegay sida uu xidhniinkiisu u dhacay waxaanu yidhi:

Marka hore Ramadan kariim dhamaan Shacabka Sharafta badan ee Soomaaliland meelkasta oo ay joogaan Ilaahay waxaan uga baryayaa inay ku soomaan Nabad iyo Cibaado suuban meelkasta oo ay joogaan. Marka labaad hadda waxaan saxaafada kala soo hadlayaa Jeelka Borama gudihiisa waxaanan idiinka waramayaa sidii sharci darada ahayd ee maanta Suuqa Boorama la iiga soo dhex qabtey ee Jeelkan la ii keenay:

Hadii aan idiinka waramo cadaalad darada iyo xadgudubka ka taagan Gobolka Awdal, Saaka anigoo si xor ah Gaadhiga aan leehay ku dhex maraya Suuqa Boorama ayaa waxa iga daba yimid Gaadhi Landcruiser ah oo uu saaran yahay Gudoomiyaha Gobolka Awdal Maxamed Daahir Cabdalle  qadar yar gaadhiga waxa kasoo degan Badhasaabka Gobolka Awdal waxaanu i qabtey gacanta isagoo leh waad xidhan tahay ee gaadhiga soo fool.!! Waan qaadan kari waayey sida Badhasaabku u dhaqmayo waxaanan ku idhi , Hadii danbi la igu haysto dee nin masuul ah ayaan ahay ee anigaa Saldhiga Booliska iman ee gacanta i siidaa waxaanu iigu jawaabay soo fuul gaadhiga ayaan ku idhi isagoo dhinaca gaadhigiisa ii jiidaya markaan iska furfuray ayaa gaadhiga waxa kasoo degan labadii askar ee ilaalada u ahayd Badhasaabka garbo duub ayayna ii saareen gaadhigii Badhasaabku lahaa halkaasaanan kaga tegay Gaadhigii aan lahaa oo suuqa Borama dhex yaala Jeelkana la ii geeyey.

Bookmark and Share

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay