Guddiga Joogtada ee Wakilada oo Cadayey Inay u Yedhi Doonan Afar Wasiir oo ku Jira Xukumada Silanyo

Medeshi

SUNDAY, 29 AUGUST 2010

Guddiga Joogtada ee  Wakilada oo Cadayey Inay u Yeedhi Doonan Afar Wasiir oo ku Jira Xukumada Silanyo
“Wasaaradda xanaanada xoolaha waxaannu kala hadli doonaa maxjaradan midba maalin layska furanaayo..”
Guddida joogtada ah ee wakiillada

Hargeysa (Jam)- Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay inay u yeedhi doonaan afar wasiir oo ka tirsan xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, si wax looga weydiiyo arrimo khuseeya shaqada ay qaranka u hayaan.

Saddex mudane oo ka tirsan Guddida Joogtada ah ee wakiillada oo kala ah Md. Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale, Md. Xaashi Xuseen iyo Md. Xamse Maxamed Gaadaweyne oo shalay si wada jir ah shirjaraa’id ugu qabtay xarunta Golaha Wakiillada, waxay caddeyeen inay golaha uga yeedhi doonaan wasiirada maaliyada Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, xannaanada xoolaha Dr. Axmed Xaashi Oday iyo wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta.

Md. Xaashi Muuse oo ka hadlayey wasaaradaha ay u yeedhi doonaan iyo waxyaabaha ay kala hadli doonaan waxa uu yidhi; “Wasaaradda xanaanada xoolaha waxaannu kala hadli doonaa maxjaradan midba maalin layska furanaayo iyo kii hore ee jiray ee aan sharciga ahayn,” ayuu yidhi Md. Xaashi Muuse, waxa kale oo uu xusay inay u yeedhi doonaan wasaarada boosaha iyo Isgaadhsiinta, isla markaana kala hadli doonaan isgaadhsiinta badda hoosteeda marta iyo nidaamka khadka telefoonada, isaga oo xusay inay wasaaradda arrimaha gudahana ay kala hadli doonaan arrimaha amniga iyo halka ay wax u marayaan, sidoo kalena Wasaaradda Maaliyadana waxaay kala hadli doonaan arrimaha daymo adag oo ay la wareegeen.

Xildhibaan Xaashi Xuseen oo arrintaa ka hadlaaya waxa uu sheegay “Wasaaradda Maaliyada waad ogtihiinoo wasiirku muddo bil ah ayuu hayey, dhibaatooyin badana meesha wuu ugu tagay, wadankiina waynu ka war haynaayo lacag la’aanba ka jirta.

Daymo waa la sheegaayey ilaa dhawr iyo labaatan malyan ah, waxaasoo dhan baanu doonaynaa inaanu xogogaal u noqono oo aanu ka waraysano wasiirka halka ay ku danbeeyeen iyo sababta keentay lacag la’aantan mushaharooyinkii shaqaalaha ilaa maanta aanay haynin.


Maatna waxaynu galnay wakhti cusub, waxaananu doonaynaa inaanu wax walba saxno, isla markaana ay goloyaasha dawladu isla jaan-qaadan, marwalbana wax laysku ogaado ummaddana marwalba xogogaal u noqoto xaaladu halka ay marayso, waxaananu u yeedhi doonaa Salaasada, Arbaca iyo Khamiista toddobaadka soo socda.”

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay