Badhasaabka Gobolka Saaxil oo Dhaliiyay Shirkada Shiidaalka ee TOTAL

Medeshi


Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Hayste
Berbera , (TogdhNews)-Badhasaabka Gobolka Saaxil Mr. Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa markii u horreysay
si adag u naqdiyey shirkadda TOTAL iyo heshiiska kootada ah ee ay ku haysato maamulidda keenista shidaalka somaliland, isagoo ku eedeeyey in ay masuul ka tahay cidhiidhiga iyo kor u kaca qiimaha shidaalka ee suuqyada dalka somaliland.
Mr. Ramaax oo xafiiskiisa magaalada Berbera shalay ugu waramayey Warbaahinta , waxa uu si mug leh uga hadlay nooca heshiiska shirkadda TOTAL kootada ugu haysato maamulka shidaalka iyo cawaaqib-xumada ay dhaxleen Somaliland iyo weliba talo la xidhiidha wax ka qabashada arrintaas.
Badhasaabka Gobolka Saaxil oo laba toddobaad ka hor xilka la wareegay, ayaa ugu horreyn isagoo ka hadlayey awoodaha aan sharciga ku fadhiyin ee shirkadda TOTAL kaga madaxbannaan tahay gobolka, waxa uu yidhi; "Haamaha shidaalka Berbera wax xil-wareejin ah oo aan ka helay qoladii aan xilka kala wareegay ma jiro oo waxay yidhaahdeen wax ka jiraba war uma hayno, waxay taasi ugu keliftay in aan soo kormeero oo aan iyaga (shirkadda TOTAL) waraysi la yeesho bal qaabkay u shaqeeyaan iyo waxay hayaan. Waxa kale oo dhacday in ilaa xad ay gaadheen inay diidaan in Wasaaradda Maaliyadda oo u xilsaaran dekhliga dalka ay cabirto xaddiga mitirka ee shidaalka haamaha ay ku shubaan, inkastoo markii dambe ay oggolaadeen."
Guddoomiye Ramaax waxa uu sheegay in shirkadda TOTAL si toos ah uga tallaabsatay qodobada heshiiskii rasmiga ahaa ee ay la gashay xukuumaddii Marxuun Cigaal iyo masaaliixdii heshiiskaa ugu jirtay Gobolka Saaxil iyo guud ahaan dalka Somaliland, "Shuruudihi heshiiskii Marxuun Madaxweyne Cigaal la galay waxa ka mid ahaa inay shaqaale tiradoodu gaadhayso 240 ka shaqeeyaan shirkadda, laakiin shaqaalahaasi waxa keliya oo ka shaqeeya 30, kuwaas oo aan iyaga qudhooduna wadahelin xaquuqihii heshiiskaa lagula galay sida mushaharka.
Waxa kale oo heshiiska ka mid ahaa in ciidan ammaanka shirkadda suga oo isugu jiray qaybaha kala duwan ee ciidammada iyo dad shacab ah oo tiradoodu dhammayd 120 inay shirkaddu mushaharka siiso, laakiin maanta ciidanka halkaasi ilaaliya dawladda ayaa mushaharkooda siiya. Runtii waxaad moodaa in nimankan wixii lagula heshiiyey maahee meel kale u jeedaan."
"Shirkadihii ku tartami jiray shidaalku way ka baxeen meesha, iminka shirkad keliya ayaa keenta, taas oo iyada qudheedana ay ku hayaan cadaadis fara badan. Waxaan qabaa sababta qiimaha shidaalka qaaliyeysay inay TOTAL masuul ka tahay, haddii ay oggolaato in shirkadihii shidaalka keeni jiray sidoodii u keenaan shidaalku wuu inoo jabi lahaa, maanta adduunka meel foostada shidaalka ahi ka marayso $200 (laba boqol oo dollar) innaga (Somaliland) mooyee ma jirto.

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay