Afhyeenka Beelaha Jibriil Yoonis oo Lagu xidhay Boorama markii oo qoray maqaal


Medeshi
Afhyeenka Beelaha Jibriil Yoonis ee Mudahaaradii ka dhacay Borama Mudane Maxamed Axmed Ibrahim (Ilkacase) oo jeelka Borama loo taxaabay ka dib markii uu todobaadkii inaga tagay maqaal ka hadlaya mudahaaradii Borama ku daabacay saylac.com.
Borama(Saylac.com)-Afhayeenka Beelaha Jibriil Yoonis ee Saluuga Xukumada Silaanyo ayaa sida uu khadka telefoon noogu waramay ku jira Jeelka Borama isagoo shabakada saylac.com u xaqiijiyey in lagu lagu soo xidhay maqaal uu todobaadkii inaga tagay ku daabacay shabakada Saylac.com.

Afhayeenka beelaha Jibriil Yoonis ee mudaharaadadii ka dhacay Borama ayaa waxa uu sheegay in Saakay oo bishu tahay Aug 29,2010 Saacady Markay abaareysay 10kii Subaxnimo Booliska Magaalada Borama ay kala dhex baxeen isagoo ku sugan Gurigiisa.

Sida uu khadka telefoon noogu cadeeyey Afhayeenku, waxa uu noo sheegey in Markii la Ciidamada Boolisku geeyeen Jeelka Borama laga codsaday inuu beeniyo qoraalka uu ku daabacay saxaafada gobolka Awdal ka dibna la siidayn doono balse gashaanka ayaan ku dhuftey marnaba inaan beeniyo waxaan qoray iyo rayiga aan qabo maaha mid iga suuro gali kara waxaanan codsanayaa in Booliska Borama ii sheegaan danbiga aan galay hadii kale la iga daayo cago juglayn aanan mutaysan iyo xidhniin sharciga aan waafaqsanayn.

Maxamed Axmed Ibrahim (Ilkacase) ayaa waxa kale oo uu sheegay inuu taliyaha saldhiga Borama weydiiyey sababta lagu soo xidhay isla markaana saraakiisha Booliska Jeelka Borama ay u sheegeen in amarka uu ka yimid  Badhasaabka cusub ee G/awdal Mudane  Maxamed Daahir Cabdale.

Isagoo saylac.com u qeexaya xidhniinkiisana waxa uu yidhi “Kadib markay ciidamada Booliska Borama ii xaqiijiyeen in amar buuxa ay ka haystaan Gudoomiyaha gobolka Awdal Mudane Maxamed Dahir Cabdalla ayaan telefoon kula hadlay Badhasaabka laftiisa oo aan weydiiyey danbiga aan galay ee uu igu soo xidhay waxaanu Badhasaabku ii sheegay in isaga laftiisu uu amarka bixiyey kaliya Jeelka Boorama la isaga siidayn doono marka aan beeniyo qoraalka aan kaga horjeeday saami qaybsiga dawlada cusubi ay siisay Beelaha Jibriil Yoonis oo aan ahayn mid beeshu ay aqbashay in la saxana u baahan maqaalkaas oo sidaan horeyba u sheegay aan todobaadkii inaga tagay ku daabacay saxaafada gobolka Awdal.
Mudane Maxamed Axmed Ibrahim (Ilkacase) ayaa waxa uu gabagabadii noo sheegay inaanu marnaba ka gabanayn tabashada tolkii Jirbiil Yoonis ay dawlada cusub ka tabanayaan khaladaado aad u badan iyo saluuga saamiga xukumada cusub waxaanu intaa ku daray in aanu markana beeninayn rayiga uu qabo ee uu ku daabacay barta internetka

Cago juglaynta iyo cabudhinta ciidanka Boolisku ay ku hayaan muwaadiniinta u dhalatey Gobolka Awdal ayaa ah midaan horey looga arag taniyo markii ay Jamuuriyada Somaliland lasoo noqotey gooni isku taageeda waana muwaadinkii sadexaad ee si sharci daro ah bishan gudaheeda loogu xidho Jeelka Borama.

Arintan xidhniinka Mudane Maxamed Axmed Ibrahim (Ilkacase) ayaa kusoo beegantey waqti ay Qurbojooga beelaha reer Nuur ay baaqyo aad u badan kasoo jeediyeen xidhniin nuucan la mida oo dhawaan Booliska Borama u geystey Xildhibaan katirsan baarlamaanka dawlada Federaalka Soomaaliya oo magaciisa la yidhaa Cabdoo Shoode oo isaguna isagoon waxdanbi ah lagu soo oogin  iskaga xidhan Jeelka Boorama.

HALKAN KA AKHRI MAQAALKA LAGU XIDHAY AFHAYEENKA

Saylac.com
Borama- Somaliland

Bookmark and Share

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay