Somaliland: Ololihii Doorashada oo Furmay

Medeshi | VOA |
Somaliland: Ololihii Doorashada oo Furmay
Ololihii doorashada madaxweynenimada ayaa si rasmi ah uga bilaabmay Jamhuuriyadda la baxday Somaliland.
Waxaana dadweynaha halkaasi kula hadlay madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kahin, oo ah guddoomiyaha UDUB una sharaxan jagada madaxweynaha.Fagaaraha Xuriyadda ee magaalada Hargeysa, ayaa maanta waxaa isugu yimid kumanaan ka mid ah taageeyaasha xisbiga talada haya ee UDUB.
Daahir Rayaale ayaa khudbad dheer oo halkaasi ka jeediyay ku sheegay in xukuumaddiisu ay soo qabtay waxyaabo badan isaga oo ka codsaday dadweynaha in ay mar kale soo doortaan xisbiga UDUB si loo sii ambaqaado hawalaha ay qabteen.
Waxaana uu dadweynaha ka codsaday in si nabad ah u codeeyaan marka la gaadho maalinta codbixinta.
Ololaha doorashada ayaa socon doona ilaa 23ka bishan June, waxaana durba laga dareemayaa magaalooyinka waawayn ee Somaliland xamaasadda ololaha doorashada.
Qaybta hoose ee boggan ka dhegayso warbixin ku saabsan bilawga ololaha doorashada.

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay