Xoghayah Arimaha Debedda ee Xisbiga UDUB oo ka hadlay manifestada KULMIYE

issa7.jpg

Medeshi
Xoghayah Arimaha Debedda ee Xisbiga UDUB oo ka hadlay manifestada KULMIYE 
“ Maya, xataa Kulmiye ayaan ku kasoonany inay fulinkaraan waxa ay sheegeen, sida aan hoos ku cadayndoono.”

 Muwaadinka qaaliga ahow waxa la soo gaadhay xiligii uu si rasmi ah u furmi lahaa ololaha doorashada madaxtooyada JSL oo furmaya 3/06/2010.
Inkastoo axsaabta mucaaardka ahi ay mudoba iska ololaynayeen oo keligood kubada toocsanayeen hadana may ahayn sharci oo ololuhu wuxuu rasmi u furmayaa maalintaa komishanku u qabtay.

Hadaba Xisbiga UDUB isagoo ixtiraamaya nidaamka doorashada wuxuu la sugay ololihiisa inuu bilaabo marka la yidhaa ha labilaabo, taasoo ku tusaysa kalsoonida xisbigu iskuqabo iyo ta uu ku qabo shacbiga.
Waxaynu ognahay in axsaabta mucaaradku soo bandhigeen manifesto ama qorshohooda ay ku balanqaadayaan inay fulinayaan shanta sanno ee soo socota hadii la doorto.

waxaan rabaa bal inaan halkan wax yar kaga hadlo qorshaha uu Xisbiga Kulmiye soo bandhigay ee uu rabo in lagu doorto si uu u fuliyo shanta sanno ee soo socota.

Manifestada Kulmiye waxay ka koobantahay 48 page iyo lifaaq 7 page ah oo ah qiyaasta A5-pages.

Manifesto macnaheedu waa:
·                     Balanqaadka Madaxweynaha iyo Xisbiga ee qorshaha ay ku balan qaadayaan inay fulinayaan mudada xilkooda( 5-Sano)
·                     Documentka laga eegayo waxa la rabo inuu madaxweynuhu qabto mudada la doortay.

 Waxa aan dhegaystay khudbadihii ay madaxda Xisbiga Kulmiye ee kala duwani ka soo jeediyeen maalintii ay soo bandhigayeen manifestadooda. khudbadihii halkaa laga soo jeediyay waxa aad madaxda kulmiye ugu celcelinayeen:
1. Dawladu waxba may qaban.
2. Dawladu waa fadhiid.
3. Madaxweyne Riyaale waa lagu khasaaray.
4. Annagu is bedel ayaanu rabnaa, dhalinyarada iyo haweenku waa ciidanka aanu rabno inay isbedelka nala hirgeliyaan.
5. Maamulka riyaale waa la tijaabiyay anaga nalama tijaabin IWM.

Muwaadinka qaaliga ahow arimahan oo ay madaxda Kulmiye meel walba ka akhriyaan ma runbaa mise waa been?
waxaan odhan karaa intaanan gaadhin inaan ka hadlo Manifestada Kulmiye Horta arimahan ay amnifestadooda hordhaca ama gundhiga uga dhigeen gebi ahaanba waa arimo xaqiiqada ka wada fog, Tisaale ahaan;
wax qabadka dawladu waa cadaan, waa la taaban karaa. Dhinacyada Aamaanka, fidinta maamulaka iyo meel marinta qadiyadda SL, doorashooyinka, tacliinta, caafimaadka, kobcinta dhaqaalaha iyo dhamaan wax qabadkii dawladda looga fadhiyay meel aad u fiican oo Alle lagu mahadiyo ayaa la soo gaadhsiiyay. Waad ogtihiin oo dahabka iyo lacagta dariiqyada ayay wadhan yihiin oo lagu kala gataa, dhakhaatiirtii iyo injineeradii ka baxay jaamacada dalkeena ayaa wadanka ka shaqa gala, cusbataaladii hore ee dalaka iyo qaar cusub oo la dhisay ayaa wada shaqeeya,  wershedo aad u tiro badan ayaa laga hirgeliyay wadanka, miisaaniyada dalka in ka badan 5-goor ayaa la laban laabay oo la kordhiyay, dawlado badan oo caalamka ah ayaa soo gaadhay inay JSL yidhaahaan toos ayaanu ula macaamilaynaa.

Miyaa la odhan karaa waxaas oo dhami waxay ka suurto galaan meel aan dawladi ka jirin? Miyaa la odhan karaa dawladii waxaas oo dhan qabatay waa fadhiid?
Miyaa la odhan karaa waxaas oo nabad, xasilooni , barwaaqo iyo horumar ahi waa khasaare ama Madaxweynihii umaddu sidaa ugu raysay waa lagu khasaaray? Jawaabtu waa maya, waa wax Alle lagu mahadiyaa,  ninka is yidhaa dafirna wuu ku dambaabayaa, haday mucaardaku fahmayaan.

Hadaba hadii madaxda Kulmiye aanay ka run sheegin wax qabadkii dawladda, horumarka dalka iyo nimcooyinka Alle ku galaday Reer Somaliland oo dhamaantood ah kuwo la taaban karo, ma la rumaysan karaa balanqaadkooda? ma la rumaysan karaa manifeesto kusalaysan qiyaas iyo odoros?  Mase lagu kalsoonaan karaa balanqaadka ama riyada  ay manifestadoodu xambaarsantay? Jawaabtu waa maya, xataa Kulmiye ayaan ku kasoonany inay fulinkaraan waxa ay sheegeen, sida aan hoos ku cadayndoono.
Manifestada Kulmiye waxay u egtahay hadal badan oo laiska qoray oo aanay suurto gal ahayn in la fuliyo muddo 5-sano ah.
 Kulmiye may sheegin meesha ay ka keenayaan dhaqaalaha ay ku fulinayaan waxyaalaha faraha badan ee ay yidhaaheen waanu qabanaynaa.
manifestada kulmiye waxay sheegaysaa waxyaalo iska soo horjeeda oo aanay suurto gal ahayn inay is raacaan, sida, Kharashka dawladda ka baxaya waxaanu kordhinaynaa in ka badan 300% (eeg page-19 ilaa page-30) cashuurtana kordhin mayno (eeg page 33).
Manifestada Kulmiye waxay sheeegaysaa in kharashka ku baxa waxbarashada la kordhin doono in ka badan 300% (oo ku baxaya macalimiin iyo iskuulo Cusub) laakiin miisaaniyadda hadda waxbarashada ku baxda ay kordhin doonaan 15%(eeg page 24- page 25). Ku wani waa tusaalooyin koo-kooban oo ku tusaya xaqiiqada manifestada kulmiye.

 Hadaba waxa is weydiin leh ma la odhan karaa xisbiga kulmiye wuxuu soo bandhigay balanqaad iyo himilo uu gaadhi karo?
 Ma la odhan karaa Xisbiga Kulmiye wuxuu soo ban dhigay balan qaad lagu kalsoonaan karo?
Ma la odhan karaa Riyada Xisbiga kulmiye waa mid la rumayn karo?
Muwaadinka qaaliga ahow su'aalahan jawaabtooda waxa inaga furtay Gudoomiyahay Xisbiga Kulmiye ahna Musharaxa madaxweynaha ee Xisbiga oo ah ninka la rabo inuu fuliyo balanqaadyada ay xambaarsantahay manifestada Xisbigiisu Waxaanu yidhi "Ma odhanayo hadii madaxweyne la ii doorto waxaan gaadhayaa riyooyinkeena oo dhan, waxaanse balan qaadayaa ...inan aroor walba toosayo oo aan u shaqaynayo sida ugu hawlkarsan"(eeg page 7).

Hadaba Mar hadii musharaxa madaxweynenimada ee xisbiga Kulmiye  waxa qudha ee uu shacabka reer SL u balanqaaday ay tahay inuu aroor walba tooso oo u shaqeeyo si hawl karnimo leh isla markaana uu si cad isga reebay oo ka cudur daartay inuu gaadhi karo riyada iyo himilada ay xambaarsantay maanifeestadoodu, waxa is weydiinleh maxaa xisbiga ku xaqsaday qorista 50-kan page ee sideeda kaleba isaga soo horjeeda ee marka horeba tabcaanka ah.

Waxaan qabaa xisbiga Kulmiye inaanu soo ban dhigin wax lagu doorto haba yaraatee,

Udub waxay soo bandhigaysaa Manifesto meesha ka saarta been badan oo dadka lagu wareeriyay. Bisha sadexdeedana taageerayaasha UDUB waxay ku heesi donaan
“BEENEEY WAA RUN” “BEENEEY WAA RUN”.

Allaa Mahadleh Guushan UDUB baa leh Insha ALLAH

Alaa Mahadleh
Maxamed C/llaahi Ciise
Xoghayaha Arimaha Debedda ee Xisbiga UDUB

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay