Thursday, May 13, 2010

Somaliland : Kaararka codbixiyaasha

| Medeshi |

Magaalada Hargeysa
Guud ahaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland waxaa saaka si gaabis ah uga bilowday bedelaada kaararka diiwaangelinta codbixiyaasha.

Goobaha badidooda ayaa saacaddii loogu talogalay ee 7da subaxnimo dib uga dhacay furitaankooda, waxaa kaloo jira goob aan weli furmin. haseyeeshe xisbiyada ayaa soo dhoweeyay bilowga 7da cisho ee hawshan.

Goobaha ay dib uga dhacday ee ugu muhiimsan ayaa waxa ka mid ah fagaaraha loo yaqaan Kheyriyadda oo ku taal magaalada Hargeysa.
Gudiga doorashooyinka ayaa iyagu ku sheegay dib u dhacan ku yimid goobaha qaar ay tahay in ciidankii ammaanka oo ku yaraaday, ay suurto gelin weyday, laakiin ay hadda xallileen arrinkaasi.

No comments: