Saddexda Xisbi Qaran Oo Shacabka Reer Somaliland Ku Baraarujiyey Qaadashada Kaadhadhka Cusub Ee Doorashada Madextooyada

Medeshi

Saddexda Xisbi Qaran Oo Shacabka Reer Somaliland Ku Baraarujiyey Qaadashada Kaadhadhka Cusub Ee Doorashada Madextooyada

 Hargeysa (Oodweynenews)- Masuuliyiin ka tirsan saddexda xisbi qaran ee Somaliland ee UDUB, UCID iyo KULMIYE dadweynaha reer somaliland u soo jeediyey inay si wadaniyadi ku dheehan tahay ku qaataan kaadhadhka lagu bedelayo kaadhadhkii hore ee cod-bixiyeyaasha oo maanta si rasmi ah uga bilaabmay guud ahaan dalka somaliland oo dhan.

Masuuliyiin oo kala ah Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Md Xasan Xuseen Maxamed [Cod-yare], Gudoomiyaha Ololaha Doorashada Madextooyada ee Xisbiga Talada haya ee UDUB Md Cismaan Cabdilaahi Cigaal [Cismaan-hindi] iyo Xoghayaha Guud xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Md Kayse Xasan Cige, oo warbaahinta ugu waramayey goobo ka mid ah meelaha ay qaybinta kaadhadhku ka socoto ee dalka

Ugu horeyn Afhayeenka xisbiga UCID Xasan Xuseen Codyare  oo wakhtigaas kormeer ku marayey deegaanka Gorayo Cawl, ayaa sheegay in ay maanta ay tahay maalin farxadeed isla markaana uu dadweynaha ugu baaqayo inay si nabadgalyo ah u qaataan kaadhadhka codbixinta  waxaanu yidhi “Maanta waa maalin farxadeed, waxaanan shacabka ugu baaqi lahaa in ay nabadgalyada ilaaliyaan oo ay kaadhadhka u qaataan si ay wadanimo ku jirto, waayo maanta dadku waxa ay qaadanayaan kaadhadhkii codbixinta iyo waliba kii aqoonsiga, markaa waxa aan mar labaad ku boorin lahaa in ay si nabadgalyo ah u qaataan kaadhadhka iskana ilaaliyaan wax kasta oo khalkhal gelin kara Somaliland”

Sida oo kale Guddoomiyaha Ololaha xisbiga UDUB  Cismaan Cabdilaahi Cigaal iyo xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Keyse Xasan Cige, ayaa iyaguna shacabka ugu baaqay inay si nabadgalyo ah u qaataan kaadhadhka cusub, isla markaana meel uga soo wadda jeestaan ilaalinta wax kasta oo waxyeelo soo gaadhsiin kara sumcada Somaliland.

Oodweynenews.com/Harg/Office 

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay