Dagaal ka dhacay Muqdisho

Medeshi

Maliishiyo
Dagaal ka dhacay Muqdisho
Kooxaha Islaamiga ee ka dagaallamaya Soomaaliya
Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay 31 kalena waa ay ku dhaawxacmeen dagaal culus oo maanta dhexmaray ciidamada dowladda KMG ah iyo xoogaga ka soo horjeeda ee mucaaradka ah.
Dhinacyada dagaallamayay ayaa sidoo kale waxay is dhaafsadeen duqeymo xaafadaha qaar, kuwaasi oo dadka wax ku noqday u badan yihiin dad rayid ah.
Wararku waxay sheegayaan in dagaalka wuxuu ka bilowday xaafad ka mid ah degmada Hodan, waxase duqeyntu gaartay degmooyin kale sida Hawl wadaag, Yaaqshiid iyo Dayniile.
Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha gawaarida gurmadka ee magaalada Muqdisho oo dhaawac badan ka guray goobo ka fog fog meelihii dagaalku ka dhacay, ayaa waxay sheegeen in dhaawacu u badnaa dad ay madaafiic ku habsadeen.
Boggan email ugu dir saaxiibDaabac

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay