Israel oo weerar ku qaaday maraakiib

Medeshi | VOA |A. Hereri|


Israel oo weerar ku qaaday maraakiib
Ciidamada Kumaadoosta Israel ayaa xoog ku galay maraakiib gar-gaar u siday Gaza. Dhacdadaasi waxaa ku dhintay ilaa toboneeyo qof.


Mid ka mid ah ciidamada Israel
Ciidamada badda ee Israel ayaa goor danbe oo xalay ah weerar ku qaaday ilaa lix markab oo gar-gaar iyo qalabyo kala duwan u siday magaalada Gaza, wuxuuna weerarkaasi ka dhacay xeebta magaalada Gaza. Maraakiibtan oo ay la socdaan ilaa 600 oo qof oo ah dadka u ololeeya qadiyadda Falastiniyiinta ayaa waxaa saaran gar-gaar kala duwan.
Weerarka oo saaka aroortii dhacay ayaa yimid kadib markii maraakiibtaasi ay iska indho-tireen amar ama digniin ka soo baxday Israel oo ku baaqayay inaysan u gudbin Gaza. 
Dhamaan dowladaha caalamka ayaa canbaareeyey weerarkaasi ay fuliyeen ciidamada Israel. Midowga Yurub ayaa dowladda Israel ugu baaqay inay baadhitaan ku samayso dilka ay ciidamada Israel u geysteen dadka u dhaq-dhaqaaqa arrimaha Falastiniyiinta ee saarnaa maraakiibtaasi siday cuntada gar-gaarka ah.
Midawga Reer Yurub ayaa ugu baaqay dawlada Isreal in ay baadhitaan buuxda ay ku samayso dilkii ay ciidamada isrealiyiintu u gaysteen ugu yaraantii 10 qof oo ka tirsanaa dadka u dhaqdhaqaaqa arimaha Falastiiniyiinta oo saarnaa maraakiib siday cunto gargaar ah oo loo wadday
Wasiirka arrimaha dibedda ee Sweden Carl Bildt ayaa maanta sheeggay in ay muhiim tahay in si dhakhso ah loo ogaado waxa ka dhacay halkaasi,waxaana uu sheeggay inuu u yeedhay danjiraha Israel u jooga wadanka Sweden si uu uga helo xog kale oo dheeraad ah oo arrintaasi ku saabsan
Dawladdaha Spain iyo Greece ayaa iyaguna u yeedhay danjirayaasha Israel u joogga dalalkooda si ay u waydiiyaan sidii ay arrintaasi ku dhacday
Dawlada Turkiga ayaa wasiirkooda arrimaha dibeddu waxaa uu ka digay in ay arrintani keeni doonto cawaaqib aan laga soo kaban doonin.
Qaar ka mid ah maraakiibtan ay Isrealiyiintu weerareen ee gargaarka siday ayaa waxaa ay badda ku marayeen calanka dalka Turkiga, warar ku soo baxay warbaahinta qaarkeedna waxaaba ay sheegayaan in dad u dhashay dalka Turkigu ay ka mid ahaayeen dadka ku dhintay weerarkaasi.

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay