FARXAAN SALEBAAN OO AH OROD YAHAN SOOMALYEED OO KU GUULEYSTAY OROD 3000 METER OO LAGU QABTAY TROLLHÄTTAN SWEDEN

Medeshi



SWEDEN(OWN)- Farxaan Suleeman Buraalle  oo ah orodyahan Soomaliland ah oo u Orda magaalada Trollhättan ee dalka Sweden ayaa maanta ku guulayastay Orodka 3000 Meter, Orodkaa oo ka dhacay garoonka Edsborg ee magaalda Trollhättanfarxaan oo ah wiil dhalinyaro ah oo aad u dheereeya,
 
 
 
Shabakada Wararka ee Oodweynenews ayaa maanta goob joog ka ahayd oo ka qeyb gashay Orodkaa iyadoo ay kasoo qeyb galeen dad aad u badan oo daawanayey Orodadaa, waxaa garoonkaa maanta isugu yimi ciyaartoy badan oo Rag iyo Dumarba isugu jira kuwaas oo ku tartamayey  Orodo badan oo kala duwan iyo qeybo kale oo kamida ciyaaraha sida Boodinta iyo waran tuurka,
 
Farxaan Saleebaan Buraalle ayaa in mudo ah ku jiray Orodada isagoo u ordayey magaalada Trollhättan ee dalka Sweden. isagoo maanta ku guulaystay orodkii ay halkaa ku tartamayeen ee ahaa 3000 ee meterFarxaan ayaa si xirfad iyo speed badan ku jiro kaga guulaystay ragii ay halkaa isku haleeleen,
 
Orodkan ayaa ku bilaabmay si xamaasad ku jirto iyadoo dadkii halkaa isugu yimi ay aad sacabka ugu tumayeen farxaan oo  dhowr jeer oo horana ku guulaystay Orodo noocan oo kale ah oo lagu qabtay magaalada Trollhättan iyo magaalada Gothenborg,farxaan oo in badan ku jiray badhtamaha ragii uu la tartamayey ayaa markii khadkii soo dhawaaday mar qudha ka dhex booday ragii ay halkaa ku tartamayeen isagoo si aad u qurux badan oo waliba ay u dhaxaysay nimankaa masaafo aad u badan oo ku soo gabagabeeyey oo uu halkaa ku guulaystay orodkaa oo ahaa 3000 oo meter,
 
Farxaan oo ah wiil dhalinyaro ah ayaa ah nin mustaqbal wanaagsan ku leh ciyaaraha orodada isagoo ka qeyb gali doona isbuucyada soo socda Orod wey oo ka dhici doona magaalada Stockholm, Waxaana la filayaa inuu farxaan matali doono sanadada soo socda oo uu u ordi doono dalka Sweden
 
 
Waxaa garoonkaa ku sugnaa dad soomaaliyeed oo taageerayey farxaan waxaa kaloo halkaa joogay oo garab taagnaa Tababaraha farxaan oo lagu magacaabo Mr. lars Alexsson waxaa sidoo kale halkaa isugu yimi qeybo badan oo kamida saxaafada magaalada Trollhättan iyo dalka Sweden,
 
 
 
 Orod yahan Farxaan & Tababarihiisa Lars Alexsson & Wariye Barkhad Cabdillaahi
 
 Sawir qaade C/asiis Xamari & Orod yahanka Farxaan

Barkhad Cabdillaahi Maxamed
Oodweynenews.com / SWEDEN
Barkhad5@hotmail.com

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay