Baabuurtii Buuhoodle

Medeshi | BBC |

Baabuurtii Buuhoodle
 
Ciidamadii Etoobiya ee ku sugnaa agagaarka magaalada Buuhoodle ayaa la sheegay in ay xalay la guureen baabuur dad shicib ahi lahaa oo ay ku halkaas hore ugu qabteen.
Odayaal degaanka ah ayaa BBC u sheegay in dadku saaka ku soo tooseen iyadoo baabuurtii badankooda ay ciiamada Etoobiya dhinaca dalkooda u kaxaysteen.
Baabuurtaas oo todoba iyo toban ahayd ayaa la sheegay in kow iyo toban ka mid ah lala tegay inta kalena cilad awgeed ay u socon waayeen.
Waxa odaayasha manadaqadu sheegeen in baabuurtaas ay saarnaayeen badeecooyin kala gedisan iyo lacag naqdi ah oo ay leyihiin dadka reer Buuhoodle.
Arrintani waxay jebinaysa heshiis hore u dhex maray ciidamada Etoobiya iyo madaxda dhaqanka ee degaanka, oo ahaa in la isu celiyo hantidii lagu kala qabsaday dagaalkii dhowaan magaalada ka dhacay.
Dadka degaanka ayaa hore ciidamada Etoiobiya ugu celiyey wixii ay hayeen badankooda, sida askar iyo hub.
 
 

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay