UK: Garaabadii oo ka xiiso badatay jaadkii.

(Medeshi)

Qiimihii garaabada ayaa kor u kacay ka dib markii diyaaridihii joogsadeen ka duuli jirey ama ka soo degi jiray UK intii Foolkanihii ka qarxay Iceland awgeed (Volcanic eruption in Iceland) – 14 .4.2010 ilaa maanta 20.4..2010.
Garaabada oo si caadi ah looga cuno dalalka carabta iyo waqooyiga Amerika, ayaa maalmahan danbe caadi ka noqotay in laga isticmaalo dalkan UK oo aan hore looga cuni jirin! Koobka caaga ah ee shaaha lagu shubtu ee har mal laga cabo (one time use) ayaa lagu miisaa caleenta Jaadka – nooca hareeri loo yaqaan oo la qalajiyey. Koobkaas mugiis ayaa ku bilowday £1.00 (hal gini) hadana (maantana) gaadhay £5.00 (shan gini).

Hadaba waxa la yaab leh, dadku jaad isku si buu u cunaa hase yeeshee Garaabadan si yaabo kala duwan ayaa loo cunaa hadda; Midbaa biyo kulul ku shubay, midna biyo qabow, midna shaah buu ku darsaday, mid kalena qaleylkuu ku bidhaa ba.
Dadkii mafreshka imanjiray sidii bay u yimaadaan, sidii Jaadka loo iibsanjiray ayaa tanna loo iibsadaa! sidii loo amaahanjireynay waa loo amaahdaa! Waxa keliya oo isbedelay waa weelka lagu cunayo . Qaar baad moodda iney cunto sitaan, kuwo kalaad mooddaa iney casumad joogaan oo malqacad , foog iyo saxan sitta iyo weliba kadhoodhad dabool leh oo si fiican loo soo shaqlay ( oo aad moodaysaa inay muqumad sittaan).
Intaas oo dhan waxa lays weydiiyaa , ka waran garaabada; Ma ka seexatay? Ma ku mirqaantay? Maxaa dareentay??? Iyo Goormaa diyaaradaha la furayaa? ...
Qore: Ismaaciil Aw Aadan ( Jaajuumo )

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay