Qaybtii Koowaad; Dulmigaga yaa wada tolow?

Medeshi
By Ismail Aw Adan Jaajimo
Dulmigaga yaa wada tolow?
Ma Madaxweynaha dalkaan
Bulshada dawgeeda iyo
Samuhu inu dooryihihiyo
Danguud u tilmaaminoo
Ka daalay hogaamintoo
Dareenkiisaa qarsoon
Dulmiga yaa wada tolow?
Rag hawl qaran loo dirtoo
Dayacay oo bahaylahshoo
Danttooda ka oofsadoo
Dukaamiyo beero iyo
Daar iyo guri weyn dhistiyo
Dilaal iyo tuugagbaa?
Dulmiga yaa wada tolow?
Ma dumarkeer waalifee
Raggii qabay dayriyee
Daryeel iyo nolol rabee
Daleelaha waabtayee
Derbiga kolayada dhigtee
Marduufyada loo dejee
Intaba laga daynsadee
Amaahdii daba socdee
Dawaqay ee yaabbanbaa?
Dulmiga yaa wada tolow?
Ma diricyaashii kacee
Damqaday ee dhiidhiiyee
Dagaalka jahaadayee
Dadkuna taageerayee
Dalkeenne xoreeyayee
Xil iyo derejoba dhigee
Dudmada meermeerayee
Haddeerra la dabasocdaa?
Dulmiga yaa wada tolow?

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay