Muran u Dhexeeya Xisbiyada Somaliland

Medeshi
Xisbiyada UDUB iyo Kulmiye ayaa is dhaafsanaya eedaymo kulul oo la xidhiidha muranka ka taagan Guurtida.

Guddoomiyaha ololaha doorashada ee xisbiga UDUB, Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi) oo waraysi siiyay VOAda ayaa ku eedeeyay xisbiga Kulmiye in uu sida uu hadalka u dhigay Jahawareer ku ridayo dadweynaha.

Hadalka Mas'uulkan ka tirsan Xibiga UDUB ayaa daba jooga eedayn uu dhwaan Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo oo booqasho ku jooga dalka Maraykanku uu ku eedeeyay Xukuumadda talada haysa in ay ka dambayso khliaafka golaha Guurtida.
Eedaymahan ay labada dhinac is waydaarsanayaan ayaa ku so beegmaya iyada oo wali uu xidhanyahay golaha Guurtudu.

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay