Soomaaliya : Sharmaarke: Ha la Taageero Dawladda

Medeshi

Ra’isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ku baaqay in qorshaha Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ee ku addan Afghansitan lagu daro Somalia.
Ra’iisal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ku baaqay in qorshaha Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ee ku addan Afghansitan lagu daro Somalia.
Dhmabaal lagu soo daabacay waragyeska Times maanta oo sabti ah ayuu ku sheegay in khudbaddii Madaxweyne Obama ee ku aaddaanayd Afghanistan ay astaan u tahay siyaasadaha lagu taageerayo dalalka qalalaasuhu ka jiraan.

Ra’isal wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in Somalia ay u baahantahay taageeradaasi mid la mid ah, si loo soo celiyo nidaamkii dawldadeed loona tababaro ciidamada amaanka.
Sidoo kale waxa uu sheegay in talaabadaasi ay keenayso in Somalia ay awood u hesho in ay adkayso amaanka xeebaheeda kana faa’idaysto khyaradkeeda, waxaana uu xusay in ay talaabadaasi taageeri doonto barnaamijyo dhalinyarta lagu barayo xirfado shaqo.
Ra’iisal wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in dhibaataada Somalia ka jirta inkasta oo ay dabadheeraatay ay hadana rajo leedahay in xalkeeda la helo.

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay