Soomaaliya : Dhaawac la geeyay Nairobi



Medeshi
Dhaawicii ugu darnaa qaraxii Khamiistii ka dhacay Hotelka Shamo ee magaalada Muqdisho, oo ay ka mid yihiin wasiirkii ciyaaraha iyo qaar ka mid ah dhaqaatiirtii dhaawacmay, ayaa xalay la geeyo magaalada Nairobi.
Dhaawaca oo uu ugu darnaa kan wasiirka ciyaaraha, ayaa la dhigay isbitaalka Aga Khan ee Nairobi.
Dadkii ku mashquulay howsha sidii dhawaca loo gaarsiin lahaa isbitaalka, waxaa ka mid ahaa Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi, Maxamed Cismaan Aden (edson).

Waxaan waydiiyay in uu ka waramo dhaawacyada la soo gaarsiiyay magaalada Nairobi.
Wuxuu ka waramayaa heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaca gaaray mas'uulka iyo dhaqaatiirta iyo qaybaha isbitaalka ee la dhigay.
Waxaad ka maqli kartaa waraysigiisa idaacadda

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay