Soomaaliya: Caalamka Carabta iyo Cambaarayntii Qaraxa



Medeshi
Dunida Carabta ayaa cambaaraysay qaraxii Hoteel Shaamow. Jaamaacadda Carabta, dawaladda Masar iyo ururka saxafiyiinta carbeed ayaa soo saaray baaqyo cambaarayn ah.
Maanta oo sabti ah, ayaa waxa ay kasoo baxeen Qoraallo arintaas lagu Canbaareynayo, dalal iyo Hay'addo Carbeed oo ay ku jiraan Dalka Masar, Jaamacada Carabta iyo Ururuka Midoowga Suxufiyiinta Carbeed.


Jaamacadda Carabta ayaa waxaa ay si xoog leh u canbaareysay, waxa ay ugu yeertay weerar bahalnimo ah oo lagu laayey dad rayid ah iyo wasiirro howl Qaran gudanayey, kuwaasoo dhamaantood ku guda jirey howl sida ay sheegtay " ay ku badbadinayaan dalkooda ay dhibaatooyinku halakeeyeen.".
Uuruka Jaamcada Carabtu, waxaa uu ku celiyey taageerada balaran ee ay u hayaan DKMG ah ee Somalia, iyadoo beesha Caalamkana ugu baaqdey inay dusha u ridato Mas'uuliyaadkeeda ku aadan Soomaaliya . " si bay tiri dalkasi looga samatabixiyo Masiibada ku habsatay
Sidoo kale waxa weerarkaas Canbaareyey Dowlada Masarida oo Qoraal ay maanta soo saartay wasarada Arimaha Dibada ee dalkaasi lagu muujiyey sida Masaridu uga walwalsantahay xaalka Soomaliya.
Dhinaca kalena waxaa maanta shir deg deg ah oo uu ka yeeshay wererkii ka dhacay Hotel Shaamoow Ururka Midooga Suxufiyiinta Carbeed, gagabadiisii waxa ay kasoo saareen, Bayaan ay si kulul ugu Canbareeyeen Falkaasi lagu laayey Dadka Badan. iyagoo gaar ahnna farta ku fiiqey Suxufiyiintii halkaasi ku dhimatay, waxayna walwal ka muujiyeen Khatarta iyo halista ay ku suganyihiin Suxufiyiinta ka shaqeeya xiligan Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay