Musuqmaasuqa Hadheeyey Madaxtooyadda Somaliland

(Medeshi)
Eng. Maxamed Xaashi oo Daraasad ku soo bandhigay Musuqmaasuqa Hadheeyey Madaxtooyadda

Wednesday, 09 December 2009 (Togdheer News )
Hargeysa(Togdhnews) Lacagaha tooska ugu xerooda khasnadda madaxtooyadda waxa ka mid ah kuwa laga helo shidaalka, macdanta, dulsaarka dhoofka xoolaha, dekedda, kalluumaysiga, sirdoonka iyo amniga.
“Waxa sannadkii Ina Rayaale sifo sharci darro ah xoolaha la dhoofiyo uga soo xerooto lacag gaadhaysa $2, 000,000, markaa lacagta u soo xerootay muddadii uu xilka hayey waxay noqonaysaa $14,000,000”

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad urur-siyaasdeedka QARAN ee isbahaysiga la samaystay xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa dabboolka ka qaaday fadeexadaha musuqmaasuq ee dul hogganaya madaxtooyadda Somaliland, isaga oo ku soo beegay maalinta caalamiga ah ee la dagaalka musuqmaasuqa adduunka oo Qarammada Midoobay u aqoonsatay in sannad kasta 9 December la xuso.

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo shalay si gaar ah Jamhuuriya u siiyey warbixin ku saabsan musuqmaasuqa iyo hantida ummadda ka dhexaysa ee la lunsaday oo aanu si taxane ah maalmaha soo socda idiinku soo gudbin doono, waxa uu qaybta maanta kaga hadlayaa shidaalka iyo lacagaha madaxtooyaddu ka faa’iido, waxaanu warbixintiisa ku bilaabay sidan;

“Berito [maanta], waa maalintii Qaramadda Midoobay u aqoonsadeen maalinta la dagaallanka musuqmaasuqa, waa maxay sababta Qarammadda Midoobay maalintan ugu aqoonsadeen maalinta musuqmaasuqa, waxa weeye musuqmaasuqu shay aad u xun oo dilaa ah oo nolosha ummadda baabi’iya. Musuqmaasuqu waxyeelo badan ayuu leeyahay, marka hore qofka iimaankiisa ayuu wax u dhimaa oo waa xaaraan, sharaftiisa wax buu u dhimmaa oo lama ixtiraamo marka uu musuqmaasuq galo.

Waxa keena musuqmaasuqa damac iyo aragti gaaban oo ninku isleeyahay waxa dadka ka dhexeeya kelidaa qaadi, waa xaaraan iyo aakhiro seeg oo xadiis Nabawi ah ayaa sheegay inta qofka calooshiisa xaaraani ku jirto amma hu’giisu xaaraan yahay ama meesha uu ku cibaadaysanayo iyo halka uu seexanayo tahay salad lagama aqbalayo, ducana lagama aqbalayo, mana jiro khasaare ka wayn qofka ay arrimahaasi ku qabsadaan.

Musuqmaasuqu waxa uu baabiiyaa sharciga dalka iyo distoorka u yaala, wuxuu qofka madaxda ah seejiyaa xilkii uu u dhaartay, waanna cadawga horumarka oo dhan baabi’iya, waayo wixii hore loogu mari lahaa ee dadka oo dhan ka dhexeeyey marka qof qudha ama koox qudhi ku tagri fasho, waxa arrintaasi baabiisaa oo saamayn xun ku yeelataa horumarkii dalku gaadhi lahaa.

Marka madaxdu musuqmaasuqa gasho waxay ku dambeeyaan cidhib xumo, dalka ay xukumaana waxa uu ku dambeeyaa burbur oo taasi hore ayay inoo soo martay oo dawladii Siyaad Bare iyo waxyaabihii ay ku kacayeen waa tii aakhirkii keentay burburkii ku yimi. Markaa musumaasuqu duli iyo cidhib xumo ayuu dhaxal siiyaa dadka ku kaca iyo dalka oo dhan ba.”

“Arrimaha maanta dalkeena haysta waxa ugu daran madaxtooyadu waxay xalaashatay xoolo ummaddeed, xoolahaa ummadeed waxa ka mid ah; shidaalka, dekedda, xoolaha nool ee la dhoofiyo, kalluumaysiga, macdanta, hantida dawladda ee la iibiyo, waxa kale oo ka mid ah sirdoonka iyo xaaladda nabadgalyo daro ee lagu jiro, markaa qodobada ugu waaweyn ee maanta dalka dhibaatadu ka haysato ayaad moodaa inay kuwaa yihiin.

Haddaynu maanta soo qaadano qodobka ugu horreeya ee shidaalka dalka iyo musuqmaasuqa ka taagan, waxa weeyaan shidaalka dalka la keeno muddo 50 sanno ah ayaa kooto lagu siiyey shirkadda TOTAL, kontaraagii lagu siiyeyna wax sharci ah muu ahayn oo golihii hore ee wakiiladu way diideen, hasayeeshee hadana waa la iska watay.

Shirakadda TOTAL-na sannadkii 1992 ayuu Ina Faarax Xarbi ka keenay dalka Jabuuti, waxay qiimeeyeen kharashka haamaha shidaalka lagu dayactiri karo, waxay sheegeen in $700,000 (toddoba boqol oo kun oo dolar) lagu dayac tiri karayo, markaa dayactirkii haamaha laguma bixin qandaraas, qiimayntaa ka bacdi waxa dayactirka haamaha shirkada TOTAL lagu siiyey lacag gaadhaysa $3, 600, 0000 (saddex malyan iyo lix boqol oo kun oo doolar), iyada markii horena ku qiimaysay $700,000.

Markaa dayactirkii haamaha shidaalka taariikhdaa xun ayaa soo martay, dadkii haamaha ka shaqaynayey ee gunta ugu dhaadhacyna waxa waxyeelo ka soo gaadhay suntii kiimikadda ahayd oo qaar baan ilaa hadda waxba dhalin, cimrigoodiina siidaa ayuu ku tagay, waxbana looma qaban.

Horta shirkadda TOTAL sidaasay inagu soo gashay, markaa waxay noqotay wax madaxtooyadu leedahay, waxana la yidhi lacagtaa beenta ah ee aan qandaraaska lagu bixin waxa laga goynayaa dakhliga ka soo baxa TOTAL, waana $3,600,000, taasina waxay dhamaatay beri hore oo qiyaastii ah sannadkii 2002-dii, ilaa haddana way socotaa oo lacagtaa dulsaarka ahi oo waa la qaadaa, kolkaa waxay noqotay in TOTAL foostadii naafatadda ahayd la saarato $11.6, ta baadroolka ahna $14, lacagtaasi oo sannadkii noqonaysa malaayin dollar oo la lunsado, taasina waxay keentay in sicirkii shidaalku sare u kaco waxay u qaaday kor oo waxay noqotay in dawladda Itoobiya oo aan bad lahayn uu shidaal koontarabaan ahi inooga yimaado iyo Boosaaso, waxana taa keenay dantii ummadda iyo dantii madaxtooyadda ayaa kala jaad noqday, madaxtooyaduna danteedii bay raacday ee dantii ummadda may raacin.

Waxaad ogtihiin in shidaalku yahay shay daruuri ah, gaar ahaan naafatadu aad bay daruuri u tahay¸ waxa isticmaala gaadiidka lagu keeno xaabadda, dhuxusha, caanaha, hilibka, xoolaha, khudradaa lagu keenaa iyo wax allaale wixii la xidhiidha maciisha bulshadda, markaa sicir bararka shidaalku waxa uu saameeyey ilaa ardayda dugsiyadda, wuxuuna ahaa inuu jabnaado oo cashuurta laga dhimo, dulsaarkan kalena laga daayo, waa marka danta ummadda la eegayo, markaa waxaad arkaysaa in dantii ummadu ay cidhiidhi gashay oo cid ka naxaysaa aanay jirin, xukuumadiina waxay gashay danaysi gaar ah oo maal dhaqasho ah.

Markaa waxa la isweydiin karaa meeye hay’addihii xukuumadda iyo madaxtooyadda ka kaantarooli lahaa musuqmaasuqa iyo hanti lunsiga, Golihii Wakiiladu meeye, Guurtidii meeday, Xeer-ilaalintii meeday, Hanti-dhawrkii Qaranku mee. Waxa weeye; lacag badani marka ay ku ururto ninka madaxda ah gacantiisa waxa uu u isticmaalaa meel marinta dantiisa.

Waxyaabaha cajiibka ah ee aad maqlayso waxa ka mid ah mudanayaashii Baarlamaanka ayaa codkii laga iibsanayaa oo lacag la siinayaa, inay ceeb tahayba lagama soo qaadayo, waxayna ka mid tahay nasiib-darrooyinka ummadda haysta, Xeer-ilaalintii baa baaba’day, Hanti-dhawrkii baa baaba’ay, Garsoorkii baa baaba’ay, burburkaana waxa sababay lacagta ku ururaysa gacanta qudha.

Haddaynu eegno musuqa dhinaca shidaalka ah ee madaxtooyaddu gasho sannadkii waxa shidaalka ka soo galaya Madaxweyne Rayaale lacag celcelis ahaan noqonaysa $2,000,000 (laba milyan oo doolar) oo aan miisaaniyadda qaranka ku xeroon, lacagtaasi hadii bulshadda looga faa’iidayn lahaa waxay sannad kasta wax inooga tari lahayd horrumarinta dhinaca beeraha iyo wax soo saarka, laakiin nasiib-darro hadda waxay ku xerootaa gacan qudha, qarankuna wuu ka qatan yahay.

Marka ay sannadkii sifo sharci-darro ah xoolaha la dhoofiyo uga soo xerooto Ina Rayaale lacag gaadhaysa $2, 000,000, lacagta u soo xerootay muddadii uu xilka hayey waxay noqonaysaa $14,000,000 (afar iyo toban milyan oo doolar), marka la eego xadiga lacagtaasna Somaliland waxay gaadhsiin lahayd horrumar dhinac walba leh, laakiin waxa lagu fushaday dano gaar ahaaneed, dantii ummadda waa la iloobay.

Xaaladda deg-dega ah

Xaaladda biyuhu waa mid aan lagu halayn karin maamulkan, waa mid u baahan farogelin Baarlamaanku inuu go’aan ka soo saaro, sidii loo waraabin lahaa dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland miyi iyo magaalo ee ay u heli lahaayeen biyo jaban oo ku filan. Waxa lama huraan ah in lacagtaa adag ee la lunsado ee aan miisaaniyadda qaranka gelin ee ka soo hoyata xoolaha dhoofa, haamaha shidaalka, dekedaha iyo madaarada oo ah lacag badan, tusaale ahaan lacagahaasi waxay dhamayd sannadkii 2007 $16,672,569 oo la lunsaday, hadii dhinaca biyaha loo isticmaali lahaa wax weyn bay qaban lahady.

1. In Baanka Qaranku wakaaladda biyaha Hargeysa lacagta ugu sarifo qiiimaha US Dollar SLS 3,500 (Official Rate). iyo booyadaha biyaha u dhaamiya dadweynaha miyi iyo magaalo, si ay NAAFTO jaban ugaga iibsadaan shirkadda TOTAL.

2. In laga dhaafo lacagaha xaaraanta ah ee aan iyana miisaaniyadda Qaranka gelin ee Madaxtooyada u saran foostada naaftada (through put fees iyo rental charges) taasi oo gaadhaysa $ 3.60+$1.80 = $5.40 foostadiiba.

3. In cashuurta hadda laga qaado oo gaadhaysa $5.80 laga dhimo 50% foostada naafta ah, taas oo noqonaysa $2.90, wuxuu markaa noqon doonaa qiimaha foostada naatadu $58.32, halka ay maanta ka joogto $118.

La soco Qormadan Eng. Maxamed Xaashi ku falanqayn doono sida musuqmaasuqu u raggaadiyey ilaha dhaqaalaha Somaliland iyo hantida qaranka, caddadka berina waxaynu ku qaadaa dhigi doonaa dhoofka xoolaha nool iyo lacagaha u dulsaaran madaxtooyadda Somaliland u soo hoyda…

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay