ICG, Oo Warbixin oo ay Ka Soo Saaray Arrimaha Somaliland U Gudbiyey Golaha Ammaanka

(Medeshi)
Kooxda ICG, Oo Warbixin Dheer oo ay Ka Soo Saaray Arrimaha Somaliland U Gudbiyey Golaha Ammaanka ee qaramada midoobay warbixin dheer oo dhawr bog ka kooban oo ku saabsan marxaladaha doorashooyinka Somaliland ay soo martay, guddidu waxay kaga warbixiyeen xaaladahii siyaasadeed ee Somaliland soo wajahay bilahii ugu danbeeyey, waxaana warbixintu ay si toos ah uga hadashay dhaliilana ugu soo jeedisay hogaamiyayaasha axsaabta Somaliland isla markaana waxay ugu baaqday beesha caalamku inay ku cadaadiso xukuumadda Madaxweyne Rayaale inay u fuliso doorashada la filaayo inay ka dhacdo dalka ee madaxtooyada si cadaalad ah oo aan mugdi ku jirin.

Haddaba akhristayaasha qiimaha badanleh ee shabakadda golisnews waxaanu halkani idiinku soo koobayna nuxurka qoraalkaasi oo aad u dheera oo guud ahaanba ka hadlaayey dibu dhacyadii ku yimid doorashadii madaxtooyada ee Somaliland.

Guddidu waxay warbixintooda ku bilaabeen "aas-aaska hanaanka codbixinta doorashada Somaliland waxay u keentay khatar weyn oo qarka u saarantay dhammaanba mandaqadda oo dhan khatar baaxadleh oo soo food-saarta, haddii guusha degenaanshaha iyo siyaasadda ee ay somaliland horumarka ku gaadhay uu fashilmo waxay keeni karta lafjab weyn iyo burbur baaxadleh oo aan laga kaban oo soo gaadha dhammaanba guulahaasi ay Somaliland gaadhay 20-kii sannadood ee ugu danbeeyey, waxaanay taasi horseedi doonta in hogaamiyayaasha qabiilku ay markale ay hubeeyaan maleeshooyooyin, waxaanay taasi dhammaanba soo afjari doonta rajadii ay Somaliland ka qabtay inay noqoto qarran madax bannaan oo iskii u taagan".

Guddida ICG oo warbixintooda sii wada waxay digniin u direen hogaamiyayaasha siyaasadda Somaliland iyo gaar ahaan gadh-hayeenada hogaamiyayaasha seddexda xisbi ee KULMIYE, UCID iyo UDUB, waxaanay ugu baaqeen inay ixtiraaman dastuurka qarranka, xeerarka doorashooyinka iyo maamuska codbixinta doorashada waxaanay warbixintu iyadoo arrintaasi ka hadlaysa tidhi " qoyska siyaasadda Somaliland (Hogaamiyayaasha axsaabtu) waa inay ugu danbayntii aqbalaan inay ku dhaqmaan dastuurka qarranku leeyahay, Xeerka doorashada Somaliland iyo weliba heshiiskii wadajirka ahaa ee 25-kii bishii September ay wada saxeexdeen seddexda xisbi, koomiishanka doorashooyinka, iyo deeq bixiyayaasha caalamku, waxay taasi markaa horseedi doonta in dib loogu noqdo halkii wax ka khaldameen isla markaana mustaqbalka dhaw lagu sameeyo isbedel balaadhan qaabka doorashooyinka somaliland iyo xeerarka u dhiganba".

Warbixintu iyadoo sii socota waxay ugu baaqaysa dhammaanba dalalka deeqbixiyayaasha ah iyo bulsho-weynta caalamku inay indho gaar ah ku eegaan doorashada madaxtooyada ee dhawaan lagu wado inay Somaliland ka dhacaydo waxaanay ugu baaqeen inay ku cadaadiyaan dhammaanba qaybaha kala duwan ee gacanta ku haya qaabka doorashadu inay u dhacdo si xor oo xallaal ah oo aanay ku jirin ku shubasho iyo wax isdaba marin iyadoo warbixintu arrintaasi tibaaxaysa waxay tidhi "waa in beesha caalamku indho gaar ah ku eegto doorashada la filayo inay Somaliland ka dhacdo kuna cadaadiso qaybaha gacanta ku haya inay doorashadu u dhacdo qaab xor oo xallaal ah oo ka madhan wax is-daba marin iyo ku shubasho".

Warbixintu waxay cannaan balaadhan usoo jeedisay Madaxweynaha Somaliland oo ay sheegtay inuu qaab khaldan u maamulay fullinta xeerarkii doorashada isla markaana shan jeer xilka loo kordhiyey bilaa sabab warbixintu iyadoo arrintaasi ka hadlaysa waxay tidhi "wakhtigii xilka madaxweynaha Somaliland wuxuu ku eka 15 may ee sannadkii 2008-dii, waxay ahayd inay doorashadu dhacdo bil ka dib wakhtiga uu xilku ka dhamaaday madaxweynaha, laakiin may dhicin waxaana ay sababtay in shan jeer loo kordhiyo Madaxweynaha hadda xilka haya imikana markii lixaad ay koomiishanka cusub ee doorashooyinka qarranku u astaynayaan xilka madaxweynaha wakhtiguu dhamaanayo, taasi waxay ahayd khalad ka yimid dhinaca Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo aan si cad uga hawl gelin qaabkii doorashadu u dhici lahayd".

Warbixintu waxay si weyn dhaliil iyo cambaarayn balaadhan ugu soo jeedisay koomiishankii hore ee doorashooyinka qarranka ee dhawaan la kala diray oo ay ku cambaaraysay inay lahaayeen masuuliyadda khilaafkii dhawaan ka dhashay qaabkii loo gali lahaa doorashadii madaxtooyada ee markale dib u dhacday iyadoo warbixintu arrintaasi ka hadlaysa waxay tidhi "dibu dhacani hadda ugu danbeeyey ee ku yimid doorashadii guud ee madaxtooyada Somaliland waxaa keenay guddidii hore ee doorashooyinka qarranku ka dib markii go'aan ay keligood qaateen ay gaadheen in aan doorashada lagu gallayn habkii diiwangelinta ee laga qaaday codbixiyayaasha somaliland, , waxaanay taasi keentay in xisbiyadii mucaaridku ay qaadacaan doorashadii madaxtooyada, waxaana eedda arrintani isku tuur-tuuray koomiishankii hore iyo haayaddii ay qandaraaska doorashada kormeerkeeda siiyeen ee lagu magacaabo Interpeace si kasta ha ahaate eedda waxaa la odhan karaa waa mid la wadaago si gooni ah badankeeda ha u yeeshaan guddida oo go'aan aanay cidna kala tashan qaataye".

Warbixintu waxay sidoo kale dhaliil balaadhan usoo jeedisay xisbiyada Somaliland oo ay ku sheegtay inay dhiirigelin balaadhan siiyeen qaabkii diiwaangelinta codbixiyayaasha oo khalad weyn oo wax isdaba marin ahi ka muuqday warbixintu iyadoo arrintaasi sii tibaaxaysa waxay tidhi "xisbiyada somaliland waxay lahaayeen masuuliyadda ugu weyn waxay qayb weyn ka cayaareen in khalad la geliyo qaabkii diiwangelinta dadka codbixiyayaasha ah iyagoo ka qayb qaatay dhiirigelinta in dadku ay is diiwan geliyaan wax ka badan hal jeer, waxaanay taasi keentay khilaaf cakiran oo cirka isku shareeray oo gaadhay heer gacmaha la iskula tago isla markaana ay shacab badan oo taageersana xisbiyada mucaaridku ay ka gadoodaan arrintani keentayna dhimasho iyo dhaawac"

Warbixintani oo aad u dheerayd ugu danbayntii waxay kooxdani xallinta xaaladda cakiran ee loo yaqaano international crisis group ay usoo jeediyeen talooyin badan xisbiyada Somaliland, koomiishanka doorashooyinka qarranka, haayadaha garsoorka Somaliland iyo ugu danbayntii beesha caalamka waxaana qodobada talooyinkooda ay ku sheegeen sidani

1. Waxaanu ugu baaqayna beesha caalamka iyo ururada rayidka caalamiga ah inay cadaadis balaadhan ku saaran guddida cusub ee doorashooyinka qarranka Somaliland ee aan khibradda badan lahayn sidii ay u noqon lahaayeen guddi dhex-dhexaad ah oo u fuliya doorashada madaxtooyada Somaliland qaab cadaali ah, xor ah oo xalaal ah oo lagu qanco oo aan keenin muran, isjiid-jiid iyo ku shubasho.

2. Guddida doorashooyinka Qarranka Somaliland waa in ay xamilaan masuuliyadda weyn ee ay hayaan iyagoo raacaya qodobada aas-aasiga u ah ee u dejisan isla markaana waa inay guntiga dhiisha iska dhigaan una tafo-xaytaan sidii ay u sixi lahaayeen khalad kasta oo ku yimaadda qaabka codbixinta iyo natiijadda ka soo baxda, waa inay ka hortagaan khaladaadka codbixinta, wax isdaba marinta iyo mugdiga doorashada soo geli kara, waa in ay hawl geliyaan isla markaana shaqaalaysiiyaan xubno tababaran oo hawsha loo bisleeyey lagalana xisaabtami karo mustaqbalka.

3. dhammaanba qaybaha axsaabta Somaliland waxay isku waafaqeen heshiiskoodii ay gaadheen 25 September 2009 in dib loogu noqdo qaabkii diiwan gelinta codbixiyayaasha isla markaana wax ka bedel weyn lagu sameeyo iyadoo taasi koomiishanka qarranku ka duulaayo waa inay shaqaalaysiiyaan isla markaana hawl geliyaan waax ka mid ah koomiishanka oo xilkeedu noqdo in ay ka hortagto inay dhici karto mustaqbalka dhaw in la sameeyo wax is daba marin iyo codayn ka badan laba qofkiiba, waana inay u isticmaalaan qaabka caalamiga ah ee lagaga hortago iyagoo keenaya qallab tayo leh sida ranjiga la mariyo faraha iyo tooshashka casriga ah ee lagu eego, waana in sidoo kale guddida koomiishanka doorashooyinka qarranku keenaan qaab xeereedkii sanduuqyada codbixinta, astaynta goob codaynta iyo weliba inta sanduuq ee la dhigayo iyo weliba ammaanka sanaaduuqda iyo cidda lagu hallaynaayo iyo kala xisaabtankeeda iyo xeerarkii lagu dhaqaayey.

4. Waa in aan lagu sallaynin qaabkii diiwangelinta codbixiyayaasha, sanaaduuqda cododka iyo natiijadda ka soo baxaya waayo waxaa jirta meelo badan oo khaladaad badan ka dhaceen wakhtigii diiwangelinta oo dad badan is diiwaangeliyeen wax ka badan hal mar, waana in la raaco qaab cusub oo ay xisbiyadu ku heshiis yahiin si looga hortago khilaaf horleh oo ka dhasha arrintaasi.

5. Waa in dhammaanba la joojiyo wakhti kordhinta xilalka golayaasha qarranka sida madaxtooyada, sharci dejinta iyo dawladaha hoose waa in golayaasha sharci dejintu si weyn iska xil saaran inay keenaan sharci nadiif ah oo si cad oo waafi ah u sharaxaya xaarantimaynta kordhinta aan cayinayn ee wakhtiyada loo asteeyey xilka golayaasha qarranku, waana in si cad loogu caddeeyo dastuurka wakhtiga xilka.

6. waa in la yareeyo awoodda golaha guurtidu ay ku leeyahiin qaabka awoodda maamulka qarranka Somaliland waana in la keeno qaab ay iskaga raali yahiin dhammaanba qaybaha siyaasadda iyo bulshada Somaliland oo lagu heshiis yahay in lagaga bixi karo marka ay timaaddo xaalad cakiran sida doorashada oo qabsoomi wayda.

7. Waa in la keeno xeer si cad u qeexaya inta xisbi ee loo ogolyahay inay ka qayb qaataan doorashada isla markaana aan xadidayn ururada ka qayb geli kara, waa in si cad loo kala caddeeyo xeerarkaasi waxay taasi keeni karta in haddii seddex xisbi ay markasta jiraan ay noqoto kooto u xidhan oo meesha ka saarta dadka siyaasadda Somaliland ee aan ku qanacsanayn maabaa’diidooda lagana yaabe inay kaga taageero badanyahiin shacabka seddexda xisbiba.

8. waxaanay ugu danbayntii Ururkani xallinta xaaladdaha cakiran ee intertional Crisis Group usoo jeedinaya beesha caalamku inay gacan weyn ka siiyaan Somaliland kobcinta hanaanka doorashooyinka Somaliland waxaanay ugu baaqeen in ay Somaliland u arkaan dal isku tashaday oo madax bannaan.

Haddii aad jeceshahay warbixintani oo ku qoran afka ingiriisiga ka akhri shabakadda international crisis group ama guji linskani hoos ku qoran.:
http://www.crisisgroup.org/library/documents/africa/horn_of_africa/b67_somaliland___a_way_out_of_the_electoral_crisis.pdf
Higasho : Togdheer News

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay