Dalalka IGAD oo ka Walaacasn Amaanka Somalia



Medeshi
Wasiirada arrimaha dibadda ee IGAD oo uu shir uga socdo magalada Djibouti ayaa walaaca ka muujiyay xaaladda nabadgaliyada ee Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Ethiopia Seyoum Mesfin, oo dalkiisu uu shir-guddoominayo kulanka ayaa sheegay in xaaladda amaanka ee Soomaaliya ay tahay mid saamayn ku leh dalalka deriska ah.

Mr Mesfin ayaa VOAda u sheegay in xaaladda Soomaaliya ayaa lagu sii eegi karin sida ay imika tahay isaga oo beesha caalamka ugu baaqay in la taageero DKMG, waxaana uu intaasi raaciyay in Ethiopia ay diyaar u tahay in ay taageerto jiritaanka DKMG.

Gees kale, wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Cali Jaamac Jangali oo ka qaybqaadanaya shirka IGAD, ayaa VOAda u sheegay in aan ilaa imika DKMG aanay weli heli gargaarkii iyo lacagihii loogu ballanqaaday.
Waxaana uu wasiirku tilmaamay in arrintaasi ay dib u dhac ku keenayos waxqabadkii DKMG oo sida uu sheegay hawlo badan ay horyaallaan.

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay