Axmed Cabdi Godane oo Laga Bedelay Hogaanka Al Shabaab

Medeshi
Djibouti, (RBC Radio) Hogaanka kooxda Al Shabab oo dagaal kula jirta dowlada Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay la sheegay in laga qaaday Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaano ‘Mukhtar Abu Zubeyr’ oo ahaa hogaamiyaha kooxdan.

Wasiirka arimaha dibada ee Djibouti Maxamed Cali Yuusuf ayaa sheegay in uu heley warbixin tilmaameysa in hogaanka Al Shabab haatan si rasmi ah loogu wareejiyey Faadil Cabdallah Fazul oo ahaa hogaamiyaha Al Qaacida ee Geeska Afrika.

Wasiirka Djibouti oo wareysi siiyey wargeyska A sharqal Awsat ayaa sheegay in Axmed Godane oo ku caanbaxay magaca Abu Zubeyr laga qaaday hogaaminta kooxdan loona dhiibay ninka lagu magacaabo Faazul Cabdallah oo asalkiisu ka soo jeedo Comoros laakiin heysta dhalashada Koonfur Afrika.
Maxamed Cali Yuusuf waxa uu sheegay in tani ay muujineyso sida ay u sii badanayaan weerarada is qarxinta ah ee ka dhacaya gudaha Soomaaliya iyadoo kii ugu dambeeyey uu ka dhacay hotel Shaamo lafna dilay arday iyo macallimiin.
‘Faazul waa nin aad u yaqaan bambooyinka iyo sida loo asameeyo sidaasi awgeed ayaa loo doortay”, ayuu yiri wasiirka Djibouti.
Waxaa uu intaa ku daray in kooxdan ay hadda abaabulayaan weeraro kale oo ismiidaamin ah si ay shacabka ugu dhibaateeyaan, waxaana uu sheergay in fariimo badan oo sir ah uu hayo.
Waa markii ugu horeyay oo la shaaciyo in hogaanka Al Shabab laga qaaday Axmed Godane loona dhiibay nin ajnabi ah inkastoo ay jireen kooxo ajaaniib ah oo iyaga la dagaalanta oo dalka joogta.
Faazul Cabdallah ayaa hadda la sheegayaa inuu joogo gudaha Soomaaliya isla markaana uu u dejiyo kooxda hawlgalada ay fuliyaan.
Dowlada Soomaaliya ayaa dhowaan ka digtay weeraro is qarxin ah oo lagu qaado madaxtooyada, dekeda iyo garoonka Muqdisho kuwaasi oo ay Al Shabab fulin doonto.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al Shabab oo aritan xaqiijinaya ama beeninaya.
RBC Radio

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay