Somalia : Madaxweyne Shariif iyo Faroole oo ismari waayay

kulan safaarada Soomaaliya ee Nairobi ku dhexmaray Madaxweynaha Somalia Sh. Sharif iyo madaxweyne C/raxmaan Faroole ayaa lagu kala tagay

Waxa qoray VOA Somali
Nairobi - Washington Jimco, 13 November 2009
Kulan ay magaalada Nairobi ku yeesheen Madaxweynaha DFKMG Sh. Sharif Sh. Axmed iyo madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa natiijo la'aan ku soo afjarmay.
Wasiirka warfaafinta DFKMG Daahir Maxamuud Geelle ayaa VOA uga warramay sababaha kullankaasi uu natiijo la’aanta ugu dhamaaday.
Wasiirku wuxuu sheegay in kulankaasi oo labada dhinac ay ku doonayeen inay ku saxiixdaan heshiis is-afgarad ah, laakiinse dhinaca Puntland ay soo gudbisay waraaqo ay ku qornaayeen magaca dowlada Puntland, taasina ay ku gacanseyreen madaxda dowladda Federaalka kuwaasoo sheegay in Puntland aysan ahayn dowlad ee ay tahay maamul-goboleed. Wasiirku wuxuu sheegay in Puntland ay diiday arrintaasi iyagoo ku dooday in axdiga KMG uu burburay Puntland-na ay u dhisan tahay sidii qaab dowladeed oo kale. Daahir Maxamuud wuxuu sheegay in arrimahaasi darteed ay keentay in kullankii bur-buro.
Wasiirka warfaafinta DKMG Daahir Maxamuud wuxuu hoosta ka xariiqay in Somalia dowlada kaliya ee ka jirtaa ay tahay tan KMG ah, sidoo kalena dowladda KMG ay Puntland u aqoonsan tahay maamul-goboleed.
Wasiirku, wuxuu beeniyay in dowladiisu ay heshiiskii Galkacyo ka soo horjeedo, wuxuu laakiin ku celceliyay in heshiiska Galkacyo hirgalintiisa ay tahay in golaha wasiirada ama golaha barlamaanku ay ka doodaan oo ansixiyaan. Daahir Maxamuud wuxuu sidoo kale xusay in dowlada KMG aysan hortaagnayn mashaariic horumarineed oo la gaarsiiyo Puntland, balse wuxuu carabka ku dhuftay in maamulka Puntland uu la mid yahay maamul-goboleedyada dalka ka jira, dowladduna ay kuligood si xaq ah ugu sinaato.

C/raxmaan Faroole, Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland oo kullankaasi kadib shir jaraaid qabtay ayaa isaguna ku macneeyey sababta la isku afgaran waayay in dowladda KMG ay diiday inay saxiixdo heshiiskii kal hore ay Galkacyo ku saxiixeen Raisal-wasaare Sharma’arke iyo maamulka Puntland. Faroole wuxuu ku dooday in axdiga KMG ah uu yahay mid waqtigiisii dhamaaday, sidoo kalena ay ay dowladda KMG hortaagan tahay horumar ay gaarto Puntland.

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay