Sacuudiga oo xayiraadii ka qaaday xoolaha Somalia

Xukuumadda boqortooyada Sacuudiga Carabiya ayaa ku dhawaaqday inay xayiraadii ay ka qaaday xoolahii Soomaalida ee Sacuudiga loo dhoofin jiray.



Xoolaha Somalia ee loo dhoofiyo Sacuudiga ayaa muddo haatan ka badan 10 sano la mamnuucay, kadib markii la sheegay oo lagu tuhmay inayt xanuunka Rift Valley Fever.

Xayiraadda lagu soo rogay xoolaha Somalia ayaa saameyn weyn ku yeeshay ganacsiga Somalia, taasoo dhoofinta xooluhu ay ahayd mid ka mid halbowlayaasha ganacsiga Somalia isla markaana ay ku tiirsanayeen dad fara badan oo ku nool miyiga iyo magaalada.

Wasiirka xanaanada xoolaha ee Somaliland Idiris Ibrahim Cabdi ayaa weriyaha VOA Europe C/salaam Herari u sheegay in warqadii xayiraada lagu qaaday la soo gaadhsiiyay maalinimadii shalay ahayd. Wasiirku wuxuu sheegay in dhawaan dekada magaalad Berbera laga bilaabin doono xoolo loo dhoofin doono dalka Sacuudiga.

Qaadista xayiraadan oo guud ahaan si weyn looga soo dhaweynayo dalka Somalia ayaa ku oo beegmaysa iyadoo ay soo dhowdahay xilligii xajka, waxaana la filayaa in xoollo fara badan loo dhoofiyo dalka Sacuudiga.

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay