Dayaarad ay leedahay Daallo oo la afduubay

Dayaarad ay leedahay Daallo oo la afduubay

Waxaa la afduubay dayuurad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee Daalo Airline oo ka duushay garoonka Bosaso.
Wararku waxay sheegayaan, in laba nin oo afduubay diyaaradda la qabtay iyo rakaabkina way badbaadeen.

Wasiirka amniga ee maamul goboleedka Puntland Cabdullaahi Saciid Samatar oo BBC uga waramay afduubka ayaa waxa uu sheegay in labadii nin ay haatan xiran yihiin, baaritaana ay ku wadaan.
Wasiirku waxa uu sheegay in labada nin midkood la dhaawacay kaddib markii garoonka Boosaasd ciidamada ammaanka iyo ragga wax afduubay uu dagaal ku dhexmaray.
Waxa uu sheegay in aanay wax dhibaato ah soo gaarin rakaabkii dayaaradda, ayna dib ugu laabteen magaalada Djibouti.

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay