UK: Haysashada qoysku dow ma aha

UK: Haysashada qoysku dow ma aha
Danjiraha Britain u fadhiya Nairobi, Robert Macaire, ayaa BBC la yeelatay wareysi ku saabsan Paul iyo rachel Chandler oo burcad badeed Soomaaliyeed ay ku haysato Xarar Dheere.

BBC: Jimcihii madax-furasho toddoba milyan oo dollar ah ayaa la soo mariyay BBC. Adiga wax ma kaa soo gaareen burcad-badeedka Soomaalida, adiga wax ma kaa codsadeen?
Danjire Macaire: Sida cad maya. waan aragnay wararka la sheegay, waxa ay leeyihiin kuwa haysta qoyska reer Chandler. annagu xiriir toos ah lama lihin kuwa haysta reer Chandler cidda ay yihiinba. waxa ugu weyn ee aannu ka fikirayno waxaa weeye in aannu fahamsiinno in waxa ay samayenayaan ay yihiin gebi ahaanteedba wax khalad ah. qoyska reer Chandler-na ay tahay in la sii daayo iyadoo aan wax shuruud ah lagu xirin, si dhaqso ah oo naxariis leh.
BBC: Ma ka war qabtaa in burcad-badeedku ay wax xiriir ah la yeesheen qoyska reer Chandler oo ee Britain jooga?
Danjire Macaire: Maya, arrintuna imminka waa billaw.
BBC: Marka ma waxaad u argtaan lacagta madax furashada ah ee la codsaday ee toddobada milyan ah inay mid dhab ah tahay?
Danjire Macaire: Siyaasadda dowladda Britain waxaa weeye ma bixinno madax furasho. Uma sameyno tanaasul macna leh dadka wax qafaasha, mana raacsanin, codsigii la doono ha la sameeyee, waxaannu caddeynaynaa in aynaan taageerayn madax furasho in la bixiyo.
BBC: Waxaad caddeysay in aanay jirayn wax wada hadal ah oo lala yeelanayo laakiin maxaad sameyn kartaan oo aad ku caawin kartaan qoyska reer Chandler si arrinta loo dhammeeyo?
Danjire Macaire: Saaxiibbadeyda jooga UK sida cad waxay taageero siinayaan qoyska reer Paul iyo Rachel Chandler, waxay isku deyayaan inay taageeri siiyaan sida had iyo jeer aannu sameyno arrintan oo kale.
Halkanna waxaan waqti badan siinnaa sidii aannu ula shaqayn lahayn mas'uuliyiinta Soomaaliya arrimo kala geddisan dabcanna waxaannu kala hadlaynaa wixii gacan ay ka geysan karaan arrintaas, waxaana aan isku deyaynaa siyaabo farintaasi u gaari lahayd kuwa haysta qoysak reer Chandler in waxa ay sameynayaan aanay daw noqon karin isla markaana aanay wax macno ah ku fadhin sababtu waxaa weeye lama macaamilayaan qoys aad hodon u ah, cid maraakiib leh oo hodon ama sharikad caymis ah.
Waxaa ay haystaan waxaa weeye qoys aan wax dembi ah gelin oo doonnidooda watay meel aad uga fog xeebaha Soomaaliya. Markaas ma jirto wax sabab ah oo ay dadkaas u sii haystaan.
BBC:Maxaad markaas ku oranaysaa burcad-badeedda?
Danjire Macaire: Waxa aan ku oranayaa waxaa weeye haddii ay imminka sii daayaan Paul iyo Rachel waxay muujin karaan inay dad naxariista yihiin, taas oo dhab ahaan ay ku heli karaan xushmad weyn iyo naxariis, waxaana aan u maleynayaa in dadkaasi ay ogsoon yihiin dhibaatada taalla Soomaaliya gudaheeda oo dadku ay naf la caari yihiin waayo dadka Soomaalida dhibaatro badan ayaa haysata, laakiin sida taas wax looga qabtaa ma ahan in la afduubto dad aan waxba galabsan.
BBC: Burcad-badeedka qaarkood waxay yiraahdeen sababta ay qoyska reer Chandler u qabsadeen inay tahay waxyeellada loo geystay nolosha kalluumeysatada oo kaga timid joogitaanka ciidammada NATO ee degaanka ay ku sugan yihiin. Wax sal ah ma leeyahay walaaca ay qabaan?
Danjire Macaire: Maya. Arrintaasi sideedaba qiil ma laha. Waxaan u arkaa in dadkuna ay taas markiiba fahmi karaan. Ciidammada badda ee caalamiga ah ee degaankaas jooga waxay wax ka qabanayaan burcad-badeedka, waxayna qabanayaan kuwa burcadnimada samaynaya marka ay joojiayaan doonyo ama ay qalab baabi'iyaanba waxaa weeye qalab burcad-badeednimo loo aeegsado sida sallaammada wax lagu koro ama hub ee ay u isticmaalayaan tallabadaas sharci darrada ah.
Haba yaraatee ma jirto si ciidammada caalamiga ah ee jooga xeebta Soomaalida ay u fara geliyaan kalluumeysi sharci ah ama hawl kale oo si sharci ah xeebta looga fulinayo. Maxaa taas nagu kallifaya? Waxaan doonaynaa inay dadku wixii hawlo ah ee sharci ah ay sidooda u wataan.
BBC: Madax furashada ay codsadeen ma waxay miijinaysaa inay tahay wax xad dhaaf ah oo ka timid dareenka qabsashadoodii caalamka ka abuurtay?
Danjire Macaire: Arrintaa kama faalloonayo laakiin ciddii haysataaba waa inay caqli gal ka ahaadaan xaaladda, aqoonsadaanna inay haystaan laba qof oo aan waxba galabsan, waxaana la gudboon inay sii dayaan.
Su'aal: Maxaa haddaba imminka la yeelayaa?
Danjire Macaire: Wey adag tahay in la sheego, dabcanna kama hadli karno faahfaahinta waxa socda, arrintanna dadaal badan ayaan gelinaynaa wixii suurta gal ah sidii dadkaas si nabadgelyo ah loogu sii deyn lahaa. waxaana la joogaa billow.
BBC: Taas macnaheedu waxaa weeye inay waqti qaadan doonto?
Danjire Macaire: Waxaan rajeynaynaa inaysan waqti dheer qaadan, laakiin mararka qaarkood arrimaha caynkaas ahi waqti dheer ayay qaataan.

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay