Somaliland : Xus Hargeysa

Medeshi
Xus Hargeysa
Maanta Hargeysa waxaa si weyn looga xusay weerarkii is qarxinta ahaa ee sannadkii hore lagu qaaday saddex goobood.
Weerarkaa waxaa ku dhintay 24 ruux.

Madaxweynaha, Daahir Rayaale, ayaa ubax dhigay goobtii Madaxtooyada ka tirsanayd ee qaraxa lala beegsaday.
Dad ku dhaawacmay weerarkaas iyo qaar dad ku waayay ayaa ka soo qeyb galay munaasabadda.
Waxay BBC uga warrameen dareenkooda, kaas oo aad ka dhegeysan karto isla bartan dhankiisa hoose ee codadka.
Culummada Islaamka oo goobta ka hadasheyna waxay ku tilmaameen in aan is qarxintu meel ku lahayn diinta Islaamka.
Wasiirka Diinta ayaa ku tilmaamay in qofkii is qarxiya loo haysto naftiisii, midduu dilay iyo weliba hantida uu burburiyay.

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay