Shirkada Dahabshiil Oo Maanta Si Rasmi Ah Xadhiga Uga Jartay Adeeg-lacageedka Casriga Ah Ee Loo Yaqaan “E-Cash”

Medeshi
Shirkada Dahabshiil Oo Maanta Si Rasmi Ah Xadhiga Uga Jartay Adeeg-lacageedka Casriga Ah Ee Loo Yaqaan “E-Cash”
Hargeysa (Oodweynenews)- Shirkadda Xawaalada Dahabshiil, ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday inay furtay adeeg-lacageedka casriga ah ee loo yaqaan ‘E-cash’, kaas oo u sahlaya macaamiisha shirkadu inay lacagtooda Kaadh ku shuban karaan, isla markaana ay u adeegsan karaan guud ahaan adeegyada kala duwan ee wax-iibsigu ka mid yahay iyo weliba Depit Card-ka.

Xaflad ballaadhan oo loo qabtay furitaankii adeegan oo maanta ka dhacday Hotel Ambassador ee magaalada Hargaysa, ayaa waxaa ka soo qayb-galay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Wasaasiirada Wasaaradaha ganacsiga, duulista hawada, arrimaha dibada, Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, murashaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga UCID, masuuliyiinta kala duwan ee shirkada Dahabshiil, ganacsato, marti sharaf iyo dadweyne kale oo aad u tiro badnaa.
Ugu horayn waxa xafladaas ka hadlay maareeyaha shirkada Dahabshiil Cabdi Faarax Axmed, oo si faahfaahsan sharaxaad uga bixiyey waxa uu yahay adeegan cusub ee ay soo kordhiyeen, “Dahabshiil E Cash waa adeeg cusub oo casri ah, kaasoo sahlaya in qofku meel kasta oo uu joogo wax kaga iibsan karo. Adeegan ay shirkadu maanta daah-furayso waa mid dunida horumartay isticmaasho, balse wadamada Afrikaanka ahi aanay isticmaalin.” Ayuu yidhi Cabdi Faarax.

Waxaana uu intaa hadalkiis ku ladhay oo uu yidhi “Dahabshiil oo mar kasta u dedaalaysa sidii ay u haqabtiri lahayd baahiyaha macaamiisha, waxa aanu muddooyinkan dambe isku taxlujinaynay sidii ay dadkeenu ula jaanqaadi lahayn horumarka laga gaadhay aqoonta IT-ga ee hada wax kasta lagu maamulo. Sidaa daraadeed, waxyaabaha adeegan looga faa’iidaysanayo waxa ka mid ah in aanu qofku qofku u xanibmin maalmaha jimcayaasha iyo ciidaha lagactii uu sugayay ee loo soo diray oo uu si sahlan lacagtiisii u helayo.”

Mar uu ka hadlayay dhinaca amaanka ee adeegan E-cash-ka ee ay soo kordhisay shirkada Dahabshiil, waxa uu yidhi “Xagga ammaanka waa noocyada ugu adag ee caalamka laga isticmaalo, kaadhka laftiisa waanu soo adkayn oo ma googo’ayo, mana xogmayo, waliba hadii uu kaa xoqmo ama kaa lumo, lacagtaadii kaama lumin, waxaana laga isticmaalaa Yurub iyo Maraykan, waxaana Faan inoogu filan in aan adeegan laga isticmaalin Afrika, waxaana shaqada nidaamkani si toos ah u bilaabmaysaa 1 bisha November ee maalmaha yari ka hadhsan yihiin.”

Waxaa isna halkaas ka hadlay Maamulaha Guud ee shirkada Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale, ayaa sheegay in adeegan E-cash-ku uu kaalin-weyn ka qaadan doono baahida ay dadku u qabaan inay helaan adeeg casriya oo u sahlaya inay lacagtooda kaydsan karaan wax-na siyar oo fudud ugu iibsan karaan.
Waxaa kaloo uu sheegay jidka ku soo jirto shirkad ballaadhan oo bixin doonto adeegyada Telefoonada,“Shirkadu waxay lahayd Adeeg telefoon oo aan dalka wada gaadhsiisnayn, Somtel Telecomunication, kii baanu balaadhinaynaa, oo muddooyinkii dambeba aanu aad ugu mashquulsanayn, waxa uu adeegaasi idinka haqab tiri doonaa dhinaca adeega Internetka oo ah ka wax kasta ama shaqo kasta suurto-gelinaya, hada qalab yar oo Malaysia noogu maqan ayaa noo hadhsan, telefoono casriya iyo internet baaxadiisu wayn tahay ama speedkiisu deg deg badan ayay ayaad naga sugi doontaan.” Ayuu yidhi Cabdirashiid oo aad ugu mahadnaqay Hawl-wadeenada shirkada u qaabilsan culuunta IT-ga ee hindisay adeegyadan casriga ah.
Wasiirka ganacsiga Somaliland Md. Abiib Xasan Fifil, oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in xukuumadu ay soo dhawaynayso humarka shirkadaha ganacsiga dalku gaadheen, waxaanu shirkada Dahabshiil uu ku bogaadiyay tallaabada iyo adeega cusub ee ay soo kordhisay waxaanu yidhi “Waanu soo dhaweynaynaa xukuumad ahaan iyo wasaarad ahaanba shirkada Dahabshiil, oo aan odhan karo waxaad ka faa’iidaysateen qodobka 11-aad ee dastuurka dalka oo dhigaya in ganacsigu madax banaanaado, wasaarad ahaan diyaar ayaanu idiin nahay wixii aad nooga baahataan hawl ee wasaaradda idinkaga xidhma.”
Waxaa kaloo uu Wasiirku sheegay adeegani wax-weyn wadanka ku soo kordhin doono, isla markaana uu qayb ka qaadan horumarka casiga ah ee ganacsiga Somaliland ku tallaabsanayo, isaga oo xusay in adeegyada noocan oo kale ah aad loogu baahan yahay.

Sidoo kale waxaa isna halkaas ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo sheegay in adeegani door wax-ku-ool ah ka qaadanayo koboca iyo horumarka uu ku tallaabsanayo dhaqaalaha Somaliland, isaga iftiimiyey in maalin maalinta ka dambaysay fikir cilmiyaysan ugu soo kordhinayaan bulshada Somaliland maamulka shirkada Dahabshiil iyo hawl-wadeenadooda dunida ku baahsani.
Ugu dambayntii waxa xaflaas hadalo kooban ka soo jeediyey Musharaxa Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga Maxamed-rashiid Sh. Xasan, oo isaguna hoosta ka calaamadiyay in shirkada Dahabshiil ay muhiimad balaadhan ugu fadhido shacabka Somaliland oo ay sharaf u tahay reer Somaliland in shirkad wadankooda laga leeyahay loo aqoonsado mid caalamiya oo xafiisyo ku leh in ka badan afar iyo konton waddan.
C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/heersare]
Oodweynenews.com/ Hargaysa/Somaliland
Cabdiheersare01@hotmail.com
heersare2009@gmail.com

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay