Congress-ka oo ka doodaya mooshin Somalia ku saabsan

Medeshi
Congress-ka oo ka doodaya mooshin Somalia ku saabsan
Mooshinka uu soo bandhigay mudane Donald Payne, ayaa ugu baaqaya maamulka madaxweyne Obama inuu aqoonsi buuxa siiyo dowladda Sh. Sharif.
Waxa qoray Abdirahman Aynte
Washington Arboco, 28 October 2009
Mooshinka uu soo bandhigay mudane Donald Payne, ayaa ugu baaqaya maamulka madaxweyne Obama inuu aqoonsi buuxa siiyo dowladda Sh. Sharif, isla markaana uu safaarad ka furto magaalada Muqdisho, una oggolaado dowladda Sheikh Sharif inay iyana safaarad ka furato magaaladan Washington.

Mooshinkan, oo ay dhawaan ka doodi doonaan guddiyada arrimaha dibadda ee labada aqal ee Congress-ka Mareykanka, ayaa sidoo kale taageero xooggan u muujinaya dowladda Sheikh Sharif, iyo dadaalka ay ugu jirto dibu heshiisiinta iyo dowladnimada, waa sida ku qoran mooshinka’e.
Donald Payne, oo ah mudane ka tirsan aqalka wakiillada ee Golaha Congress-ka Mareykanka, lagana soo doorto gobolka New Jersey, ayaa laba toddobaad kahor magaaladan Washington kula kulmay madaxweyne Sharif, intii uu booqashada ku marayey dalkan Mareykanka.
Sidoo kale, Donald Payne waa mudanaha kaliya ee ka tirsan Congress-ka Mareykanka ee Muqdisho booqday horraantii sanadkan, isagoo halkaas kula kulmay madaxda sare ee DKMG ah.
Mooshinkan, oo aan aheyn mid ku khasbaya dowladda Mareykanka inay hirgaliso qodobbada ku xusan, ayaa sidoo kale wuxuu ammaan u jeedinayaa ciidanka nabad-ilaalinta AMISOM, waajibaadka ilaalinta hey’adaha dowladda ee ay ka wadaan magaalada Muqdisho.
Mooshinku wuxuu kaloo ammaan ku xardhayaa dowladda Djibouti iyo wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia, danjire Axmedou Walad Cabdallah, kaalinta ay ka geysteen hannaanka dibu heshiisiinta Soomaalida.
Mooshinka ayaa sidoo kale cambaareyn dusha uga tuuraya ururka Al-Shabaab, oo uu ku sifeeyey inuu yahay urur argagixiso oo aan u aaba yeelin, una turin shacabka Soomaaliyeed.
Dhanka kale, mooshinku wuxuu ugu baaqayaa maamullada Puntland iyo Somaliland inay khilaafka ku dhex jira si nabad ah ku dhameeyaan, iyo inay waliba ka wada shaqeeyaan sidii ay u xakameyn lahaayeen kooxaha qas-wadayaasha ah, iyo kuwa argagixisada ah ee labadaas maamul, iyo waliba DKMG ah halista ku haya.
Si gaar ah, mooshinku wuxuu ugu baaqayaa maamulka Somaliland inuu sida ugu dhakhsaha badan qabto doorasho xor ah, oo misana xalaal ah, kana fogaado in doorashadaas ay markale dib u dhacdo.
Donald Payne, oo ah mudanaha guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee Aqalka Wakiillada ee Golaha Congress-ka, ayaa si weyn u cambaareyn jiray siyaasaddii argagixisa la dirirka ku saleysneyd ee uu horkici jiray maamulkii madaxweyne Bush. Si gaar ah, mudane Payne wuxuu si kulul u cambaareeyey fara-galintii ay Ethiopia ku sameysay Somalia dabayaaqadii sanadkii 2006-da.
Markaa, la yaab ma lahan in qoraalka mooshinka uu mudanuhu kusoo daray qodob uu ku sheegayo in fara-galintii ay Ethiopia ku sameysay Somalia ay sii hurisay colaadda Somalia, isla markaana horseedday burbur baaxad weyn.
Haddii uu meel-maro mooshinkan, wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyey ee kasoo baxa Golaha Congress-ka, ee taageero xooggan loogu muujiyo dowladda Sh. Sharif. Waxaase la is-weydiinayaa goorta ay dowladda Mareykanku taageeradeeda afka ku siman u rogi doonto mid ficil ah.

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay