Chanlder: Si wanaagsan ayaa naloola dhaqmay

Medeshi
Chanlder: Si wanaagsan ayaa naloola dhaqmay
Laba ruux oo British ah oo ay burcad badeed Soomaaliyeed ku hayaan Soomaaliya ayaa BBC u sheegay in si wanaagsan loola dhaqmay.

Paul Chandler wuxuu BBC u sheegay in raashinkiisu ok yahay, si wanaagsanna loola dhaqmay.
Labadaa ruux oo is qaba oo la kala yiraahdo Paul and Rachel Chandler, waxaa ay wateen doon yar iyaga oo u kala socdaalayay jaziiradda Seychelles iyo Tanzania.
Warar badan oo aan la xaqiijin ayas soo baxaya.
Qaarkood wuxuu sheegayaa in labada ruux lagu hayo Xarar Dheere, qaar kalena waxay sheegayaan in lagu hayo Hobyo.
Wararka qaarna waxayba sheegayaan in lagu hayo badda gudaheeda, meel aan ka fogeyn xeebta Soomaaliya.
Lammaanahan Britishka ah, waxay ka soo jeedaan gobolka Kent ee ka tirsan gobolweynaha Ingiriiska ee dalkan Britain.

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay